Golaha Amaanka QM oo Maanta Gelinka Dambe Si Rasmi Loogu Gudbinayo Warbixintii Musuqmaasuqa Soomaaliya Iyo DKMG oo Wafdi Dirtay
Nairobi (RBC) Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Khamiis ah gelinka dambe si rasmi ah loogu gudbinayaa warbixin ka kooban 198 bog oo ay soo diyaariyeen guddiga u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee loo yaqaano ‘UN Monitoring Group’.
Warbixintan oo hordhac ahaan warbaahintu u heshay ayaa soo baxday 27 June 2012, [Akhri warbixinta] waxaana shaaca ka qaadeysaa musuqmaasuq xadka ka baxay oo ka jira xafiisyada ugu sareeyaee DKMG Soomaaliya, waxaana markii ugu horeysay guddiga Monitoring Group ay u gudbinayaan golaha amaanka warbixinta iyo cadeymaha ay soo ururiyeen.
Madaxa kooxda Matt Brdyden ayaa sheegay in maadaama waqtigooda sanadka ahaa ee ay shaqeynayeen uu ku eg yahay 28-ka July 2012 ay warbixinta ay hordhigayaan golaha amaanka oo ugu dambeyn go’aan ka gaari doona.
Wararka ayaa sheegaya in warbixinta marka loo gubiyo golaha amaanka laga doodi doono kadibna go’aanka rasmiga ah ee golaha amaanka uu soo bixi doona dhamaadka bishan July, iyadoo marka hore dhinacyada ay khuseyso laga sugayo inay ka jawaabaan eedeymaha culus ee loo jeediyey iyagoo keensanaya caddeyn.
Sida uu sheegay Matt Brdyden waxaa kaloo golaha ay ka hadli doonaan in madaxweyne Shariif uu dalka ka mamnuucay xubnaha kooxda Monitoring Group uuna ku tilmaamay ‘persona non-Grata’ taasoo uu ku sheegay inay dembi tahay.
DKMG ah oo wafdi dirtay
Wafdi ka socda DKMG ah oo isugu jira wasiiro iyo rag ka tirsan xafiiska madaxweyne Shariif ayaa shalay gaaray magaalada New York si ay ula kulmaan golaha amaanka isla markaana wadahadal ku saabsan warbixinta ay ula yeeshaan xubno ka tirsan Qaramada Midoobay.
Madaxweyne Shariif oo ku jira ragga sida weyn loo eedeyeey oo xalay ka hadlay guddiga ay direen ayaa sheegay in guddiga cabasho rasmi ah ay u gudbin doonaan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Mon, isla markaana ay difaaci doonaan masuuliyiinta dawlada ku jira ee loo heysto musuqmaasuqa.
Sida ka muuqata warbixinta waxaa malaayin doolar ay ku maqan tahay xafiisyada sare ee dawlada KMG Soomaaliya iyadoo dhaqan eex iyo nidaam la’aan ku saleysan uu hareeyay hay’adaha dawlada oo dhan laga soo bilaabo madaxtooyada illaa meesha ugu hooseysa ee dawlada, sida lagu qoray warbixinta.
Masuuliyiinta dawlada, gaar ahaan madaxweyne Shariif iyo raysul wasaare C/weli Gaas ayaa iska riicay eedeymaha musuqmaasuqa iyagoo dhaleeceeyay xiriiriyaha kooxda warbixinta qortay Matt Bryden oo ay ku sheegeen inuu cadaw ku yahay dawlada.
RBC Radio












Isma sharixikartaan hadii kale baarista wa la wadayaa
Haddii Madaxweyne Shariif iyo Speakerka Parlamentku ay ku caddaato inay hantida daka lunsaden Alle haynaga qabto, haddii arrinkaasi ka fogyahay xaqiiqadana Alle ha u hiiliyo.
sheeqyada waxay noqdeen Tlyaaniga mafiyadooda oo kale,ninkii su’aalaha laga waydiin lahaa oo bangiga dhexe u shaqaynayay xiligii lacagaha la boobay maanta ayaa xamar lagu dilay,runtiina waxaa howshan kadanbeya waa sheeq shariif iyo sheeqa kale ee barlamanka ayagoo adeegsanaya duqa magaalada oo waayadan danbe shaqdiisa noqotay in la doorto sheeq shariif,qofkii uu u arko inay dhib kuhayso doorashada sheeqana la qaarajiyo,kursiga waxa uu ka qaalisanyahay dhiiga shacabka Soomaaliyeed.
Dunidan maanta nin miskiin ah Gob ma ahan, ummad tuugsi ku nool talo maleh, reerka ninkii masruufaa u taliya, raggii waxtarka ahaa markey ku tacab beeleen baryo iyo rafaad oo maanta rajadeena meel fiican mareyso in la dicaayadeeyo mas’uuliyiintaas waa fal xaasid .
La arki doonee maalin uun Soomaalida inay taladeeda iyada ka go’do oo gobannimo dgaqaale iyo mid siyaasadeed la gaaro.
NINKAN QORAY EEDAYNTA DAWLADA KMG WAA IN LOOFIIRSADAA QORAAKIISA WAXAAN WAX KAWAYN EE NINKAN MAKII RABAY IN SOOMAALIYA LAKALA GOOYO EE MAR HORE LADACWAYNJIRAYBAA WAXAAN WAX KALA SOO DHEX BAXAY HADALKII SHEEQ SHARIIF EE LAHAA MATT WAA CADOGA UMADA SOOMAALIYEED OO WUXUU RABAA IN SOMALIYA LAKALA GOOYO HADUU NINKANI YAHAY KII UDOODI JIRAY IN SIILAANYO LA AQOONSADO WAA WAXBA KAMA JIRAAN HADALKOODA WAA IN LAHUBIYAA OO AAN LAGU TALAX TEGIN MADAXDA DAWLADA WAXAAN UMALAYNAYAA WAA KII HABARTA ADNA AADAN TII UDOODAYSEY IN SOMALILAND LA AQOONSADO HADALADA AY KUHADLAYSEY WAA ISKUMID WAA IN LAHUBIYAA HADALKA MUNAAFAQA BALAGTA DHEER EE KHAWAAJIGA AH ARINKAN WAXBADAN BAANA ISASURAN?? QOLDAN DAWLADU ISMAQARIN KARAAN OO WAA LA OGAAN HADAY JIRTO IN WAX LALUNSADAY EE SHABAAB IYO ALQACIIDA BAA KADARANE OGAADA SOOMAALIYEED HANA WAALINA EE ISKAJIRA CADAAWAHA WAA UJEEDOOYIN BADANYEHEE
WAA KUMA MATTbredan waxaa hubaala in arintaa laga badbadiyey oo uu kadaran yahay dhiiga iyo dhimashada bulshawayna soomaaliyeed ee maalin walba iyo habeenkasta lagu laynaayo meelkasta oo aduunka kamida gaar ahaan koonfurta soomaaliya 21sano baa waxaa lagu eeganaayey worlord dagaal oogayaal laayey kumanaan laayey ooqaxiyeey milaayiin maxkamad aduun iyo mid qaaradeed midna wax kama oran oo ilaa iyo maanta weli waxbaa lalaynayaa oo wataa kusocota only waxay doonayaan waxii diin kudagaalama ama haqaldanaado ama hasaxsanaado kuwaas uunbaa laraadsadaa ee maxaa UN TA iyo caalmku calkood hajabee aybeenta iyo munaafaqada noogula dhex jiraan oo haday runsheegayaan maxay usoo qabqaban waayeen ku kamasuulka AHAA HOOGAN IYO BAAB A HAYSTA ISMADHAANTADA isdhaxal seejisey ee soomaali ku khamaartay markaa waxaan umada soomaaliyeed kula talin laahaa IN LAYKA HUBIYO DABINADA GAALO RAACYADA IYO DANAYSTE YAASHA KUFARXA LANA QOSOLKA BADAN MUJRIMIINTA KHAWAAJIDA IYO GAALO SAANCADAALEEY OO MUNAAFAQIIN LASHAQEEYA OO BEEN IYO TAHLUUKO BADAN EE WAA IN LAHUBIYAA OO AAN LAGU HALAAGMIN WARKA AY QORAAN MUJRIMIINTA BEENTA BADAN OO YAAN CADHO IYO ISU UR AY ISU URAAN SOMAALI LAYNOOGA FAA IIDIN WAXAA JIRA DAD SOOMAALIYEED OO UJEEDOOYIN GAARA WATA OO LA OGYAHAY OO JECEL IN KOONFUR SOMALIYED AY FASHILMAAN SIDA MUQDISHO OO AY UBIXIYEEN gurigii geerida 1 gurigii musuqmaasuqa 3 gurigii qabyaalada 4 gurigii alqaciida iyo gurigii 5rajola aanta oo intuba BEEN IYO KUDIGASHO AH AAN LOO MEEL DEYIN EE SOOMAALIYEEY ISKA JIRA MADAX KOOXDA UQAABILSAN BAARISTA MR MATTBRDYDEN OO UMUUQDA IN UU KASOO HORJEEDO DAWLADA HADA JIRTA WAA iga talo aana idin kalahayn ee ISKA HUBIYA