DAAWO SAWIRADA: Golaha ansixinta dastuurka oo maanta soo gebgabeeyay doodihii ay kayeelanayeen qodobada dastuurka.
Muqdisho (RBC Radio) Golaha ansixinta dastuurka ayaa maanta soo gebgabeeyay doodihii ay kayeelanayeen qodobada Qaar ee dastuurka iyadoo ay gudiyadu isku raaceen qodobada ugu adag ee dastuurka.
Gudiyada ka koobnaa 10-ka qeybood ee ka doodayay mudada 3-da cisho mowduucyada qaar ee uu ka koobanyahay Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta soo gebegebeyay, waxaana qeyb ka mid ah gudigaasi ay soo jeediyeen in Muqdisho ay tahay caasimada dalka dastuurkana lagu qoro,sidoo kale waxaa ay soo jeediyeen in shareecada Islaamka lagu dhaqo maxkamadaha Dalka illaa heer gobol iyo degmo.
Sidoo kale qodobada ay soo jeediyeen gudigaasi waxaa ka mid ahaa qodobka gudniinka gabdhaha oo ay talo ku soo jeediyeen in gudniinka Fircooniga uu yahay xaaraan isla markana gabdhaha lagu gudo qaabka Sunnada ah,sidoo kale waxaa ay soo jeedyeen in diinta islaamka aan laga bixi Karin.
Ergada oo mudo 3-cesho ah ka doodayay qodob dhowr ah ayaa waxaa ay isla garteen qodobka ka hadlaya maamul goboleedyada dalka oo ay talo ku soo jeediyeen in dowlada goboleed aan loogu yeerin maamulada dalka ka jira ee lagu magacaabo maamul goboleed dastuurkana lagu qoro ayna hoos tagaan maamulka ka jira dhulka dowlada dhexe ee Soomaaliya.
Wasiirka Dastuurka Xukuumada Soomaaliya C/rixmaan Xoosh jabriil ayaa kaga mahadceliyay Ergada golaha ansixinta Dastuurka sida ay u wadaan howshooda.
Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in maalinta barito ah gabi ahaanba la ansixindoono dastuurka cusub ee Soomaaliya isla markaana lagu ansixindoono cod gacan taag ah.
Ugu danbayntii maalinta Khamiista ah ayaa waxaa lagu wadaa in la qabto munaasabad balaaran oo ay ka qaybgalayaan madaxda dowlada oo lagu soo gaba gabaynayo howlaha Dastuurka.
Xafiisk Wararka Muqdisho

















Dooda iyo filimka la soo gebagebeeyay maxay tahay, soo tii layiri dastuurku sheegaan waasidii quraan munazal ah oo waxba lagama bedali karo. Manaa walan mise cadan baa laga heesayaa?
Allow dumarkeena imanka gali oo hanuuni wana dhalen wana nala dhashen wana xasakene maxa loo gu tumanaya xuquqdi rabi siyay dumarka maxa loo dhax fariisinaya raga dhaxdooda ma ilahey laga baqo war dumarow mid ayan idin keyahay xuquq an la qarin karin cidi dafiri karin aya rabi idin siiyay hadad aqli ledihin yay san naftina iyo sheydanjmku idin haligin ee raca kuna qanca waxa rabi idin amray ad kibabtene kana dhax baxa raga ad la fadhisan wa idinka ajnabiye ad libantene
guul ama geeri aad baan ugu faraxsanahay gabagabada shirka illaahaybaana ku mahadsan waxaa kaloo ku mahadsan wasiirka tastuurka kartida iyo dulqaadka iyo siyaasada uu isticmalay waxaana qori donta taariikhda somaliya hadii lasiinolaado waana nin ku gulaystay go aankii uu horay u balanqaaday oo ahaa in uu mugdiga kasaaridoono somaliya thanks allaah guul ama geeri