Goormaa lala xisaabtami doona General C/LLahi Gaafow Maxamud. W/Q Ciiro Ahmed Hassan
Goormaa lala xisaabtami doona General C/LLahi Gaafow Maxamud
Ciiro Ahmed Hassan
ikhra2@hotmail.com
Luulyo 06 2012
Mudaneyaal & Marwooyin, ma is weydiisey nidaamka uu ku saleysan yahay Immigration-ka Somaliya.
Ma wuxuu ku saleysan yahay nidaamka caalamiga ah ee aduunka oo idil wada isticmaalo, mise nidaam somaliya oo kaliya u khaas ah ee uu General C/LLahi Gaafow Maxamud hir geliyey?
Marka aad fiiriso nidaamka uu ku saleysan yahay E-Passport-ka somaliya iyo shuruudaha looga baahanyahay qofka muwaadinka ah ee doonaya inuu qaato Passport waxaa jirta qaab uu ku shaqeeyo immigration-ka somaliya ee hada jira oo ah:
1) In lacagta khidmada ah ee la bixiyo aad ku soo shubto bangiga dahabshiil ka dibna aad la tagtid xafiiska bixinta Passports-ka warqadii lacag qabashada ee ay dahabshiil ku soo siisay kadibna si fudud laguugu buuxiyo Application form-ka iyadoo lagu su’aalayo;
a) Magacaada oo sedexan
b) Hooyadaa magaceeda oo sedexan
c) Taariikhda aad dhalatay
d) Halka aad ku dhalatay
e) Xirfadaadu waxa ay tahay.
kadibna sidaas aad ku qaadato passport-kaada.Waa arin la yaab leh in muwaadin uu ku qaato nidaamkaan oo aadba moodo inuusan wax shaqo ah ku laheyn nidaamka Passport qaadashada ah ee u dagsan caalamka oo dhan maadaama E-Passport-ka uu yahay mid caalami ah sida uu inoo xaqiijiyey Taliyaha Hogaankaasi, Bal aan idiin yara sharaxo nidaamka caalamiga ah ee Passport qaadashada.
Marka muwaadin uu doonayo inuu qaato Passport waxaa shuruudaha caalamiga ka mid ah in uu qofku qaato ama haysto.
1) Shahaadada Dhalashada (Birth Certificate ama Naturalization Certificate)oo cadeyneysa in uu qofkaasi ama shaqsigaasi ku dhashay wadankaas ama laga dhigay muwaadin balse uu buuxiyey shuruudihii Naturalizationka
2) Warqada Aqoonsiga (Identity Card) oo cadeyneysa in qofkaas uu yahay muwaadin sax ah
3) In qofkaas la cadeeyo in uusan wax dambi ah ku dhex jirin ama uusan galin (Criminal Record Check)
4) Ka dibna muwaadinku uu dalbado Passport-ka isaga oo iska bixinaya Qidmada Passport-ka loogu sameyn lahaa kuna shubo bangiga account-iga dowladaas.Sidaa darteed mala oran karaa E-Passport-ka wuxuu ku saleysan yahay Nidaamka caalamiga ah ee u dagsan dunida oo dhan?
Jawaabtu waa ‘MAYA’
Bal aan ka yara faaloodo taariikhda iyo khibrada uu u leeyahay Immigration-ka Taliyaha Hogaanka Socdaalka & Jinsiyadaha Soomaliya General C/LLaahi Gaafow Maxamud oo asxaabtiisa ama saaxiibadiisa ay ugu yeeraan (SHEEQUL KULLI) maadama uu yahay kaligii taliye ee uusan laheyn taliye xigeen, af-hayeen, madaxa shaqaalaha, iyo inuu leeyahay xil magacyo badan leh sida.
1) Taliyaha Hogaanka Socgaalka oo ah Darajo Ciidan ‘General’
2) Agaasimaha Waaxda Socdaalka oo ah ‘Director’ iyo
3) Madaxa Laanta Socdaalka
General Gaafow wuxuu mudo ka badan 40 sano ka shaqeynayey Hogaanka Socdaal wuxuuna soo kala qabtay jagooyinka ah Taliye xigeenka Hogaanka Socdaalka xiligii Dowladii Kacaanka, markii ay dowladaasi burburtayna wuxuu noqday Taliyaha Hogaanka Socdaalka marka laga reebo Dowladii Carte ee uu Madaxweynaha ka ahaa Mudane C/Qaasin Salaat Xasan oo uu soo qabtay jagada Xildhibaan Barlamaanka Soomaliya ah, markii ay Dowladaa wakhtigeedii dhamaadayna waxaa curatay Dowladan hada jirta ee la yiraahdo TFG-da oo uu hogaaminayey alaha u naxariistee Mudane C/LLahi Yuusuf Axmed, waxaana mar kale loo magacaabay Taliayaha Hogaanka Socdaalka, isbedel ayaa dhacay oo waxaa D’Jibouti lagu soo doortay Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo is bedelo fara badan ku sameeyey madaxda hay’adaha kala duwan ee dowlada balse General-ka xilkiisa aanan laga bedelin amaba laga qaadin oo ilaa hada sidaas ayuu ku yahay Taliyaha Hogaanka Socdaalka, marka waa nin khibrad iyo aqoon zaa’id ah u leh Immigration-ka Somaliya iyo shuruucda caalamiga ah ee aduunka lagu maamulo habka qaadashada Passport-ka & maamulka dowliga ah.Marka waxaa xaqiiq ah in General-ku uu ku xadgudbay Qarankii iyo Ummadii Somaliyeed maadaama uu
1) General-ku dhinac maray Nidaamkii Caalamiga ah ee Passport bixinta iyadoo aanan la oran Karin aqoon la’aan amaba khibrad la’aan ayaa ku kaliftay inuu dhinac maro shuruucdaas
2) Marin habaabiyay dowlad wanaagii oo wuxuu furtay bangi aanan dowladu shaqo ku laheyn oo lacagta Passport-ka kusoo dhacdo oo uu kaligiis maamulo (Private Banking System)
3) Sameeyey boonooyin lacag qabasho ah oo uu siiyo dadka Passports-ka shisheeye wata si uu uga qaado $50 US Dollars calaa shaqsi ee kasoo dagaya Airport-ka Aden Cade kadibna uu u siiyo Fiisada dal ku galka ah ee loo yaqaano (Entry Visa), Boonooyinkaan ama (Receipts) oo uu kusoo daabacday Shirkadahaan wax lagu daabacdo ee ku yaala Muqdisho, Boonooyinkaan oo aanan ka diiwaan gashaneyn Hanti Dhowrka Guud ee qaranka si lacagtaas aananba wax la isaga weydiinin, cid ka war haysaana aysan jirin
4) Hor istaagay oo uu isbaaro u dhigtay Hay’adihii kale ee wada shaqeynta kala dhexeysay sida,
a) Maamulka Gobolka Banaadir oo laga rabey iney sameeyaan Shahaadada Dhalashada iyo Warqadaha Aqoonsiga.
b) Wasaarada Maaliyada iyo Bangiga Dhexe oo ay shaqadoodu tahay lacag qabashada iyo dakhli soo ururinta.
c) Taliska Ciidanka Booliska Soomaliyeed qaasatan (CID, Criminal Investigation Department) Waaxda Dambi Baarista oo ay shaqadoodu tahay in qofka muwaadinka ah ee codsanaya inuu qaato Passport-ka lasoo baaro si loo xaqiijiyo in qofkaasi uusan wax dambi ah ka galin qaranka somaliyeed kana tirsaneyn kooxaha argagixisada
d) Wasaarada Arrimaha Dibada oo howsheedu tahay ogolaanshaha iyo tirokoobka Passports-ka (Service & Diplomatic Passports) iyo Safaaradaha Soomaliya ay ku leedahay caalamka oo howsheedu tahay inay siiyaan dadka sita Passports-ka shisheeye (Visa) inta aysan imaanin dalka.Ma waxey aheyd dhamaan hay’adaha la leh xiriirka wada shaqeynta ah in ay dhowraan amaba ka war sugaan inta looga tilmaamayo waajibaadkooda Dastuuriga ah mise in ay fuliyaan waajibaadka ka saaran xilka ay u haayaan Qaranka iyo shacabka soomaliyeed?General Gaafow oo wareysi siiyey warbaahinta soomaliya 24/06/2012 ayaa wuxuu eedeyn kulul dusha uga tuuray maamulada Somaliland iyo Puntland kuwaas oo uu ku eedeeyey inay gacan siinayaan kooxaha argagixisada ah maadaama ay isticmaalayaan Passport-kii cagaarnaa.
Oo ma wuxuu leeyahay General-ku E-Passpor-ka ayaa ah mid anaan kooxaha argagixisada qaadanin amaba aysan qaadan Karin? Sideese lagu xaqiijin karaa? Mise ulajeedo kale ayaa meesha ku jirta?
General-ka isagaa Qarankii Somaliyeed Nidaamkii caalamiga ahaa ee xadidi lahaa in arimahaas oo dhan ay dhacaan dariishada ka tuuray, marka inuu eedeyn u soo jeediyo maamuladaas kale ee uusan tagi Karin sida maamulka Somaliland amaba kala talin Karin sidii ay u gudan lahaayeen waajibkooda inuu eedeeyo waa arin u baahan inay ka jawaabaan madaxda dowlada khaasatan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/Samad Macallin Maxamud, waa arin lagu sifeyn karo oo kaliya qaswadenimo (SPOILER), waana arin aheyd in Madaxweynaha Soomaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed inuu si hoose ugala xaajoodo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamud siilaanyo maadaama uu la kulmayey 27/06/2012, mana aheyn inuu qas iyo jahwareer galiyo wada hadalada Somaliya & Somaliland sababta ku kaliftayna waa mid is weydiin mudan.
Waxaa kaloo la yaab leh in Bangiga aduunka (World Bank Report) warbixintii uu soo gudbiyey ay kusoo daabaceen inay baaris ku sameyn doonaan dakhliga u soo xarooday Immigration-ka Somaliya oo lagu qiyaaso ku dhawaad $8 Millian US Dollars taana waa arin iyada laga xumaado maadaama Ra’iisal Wasaaraha Soomaliya Mudane C/Weli Maxamed Cali (Gaas) uu yahay nin aqoon iyo khibrad u leh haystana Shahaadada (Master Degree of Accounts) kuna filan inuu u saaro guddi heer wasiir ah oo soo baara dakhliga usoo xarooday mudadii ay bilaabatay dowlada TFG-da in ay ka howl gasho caasimada Somaliya oo ay usoo guurtay Muqdisho sanadkii 2007 January, waa markii immigration-ka iyo Airport-ka Muqdisho dib loo furay waa arin aad u fudud loomana baahna in World Bank-iga uu faragaliyo howlaha dowlada Soomaliya, laakiin haddii Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo golahiisa wasiirada ay xalin kari waayaan howshaan laguna tilmaamo Dowladaan hada jirta in ay tahay dowlad aanan waxba qaban Karin (Incompitent) waa sumcad xumo usoo hoyatay taariikhdana ay xusi doonto.
Sidaa darteed Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha wasiirada wali waxay leeyihiin fursad wanaagsan oo ay wax uga qaban karaan kuna badbaadin karaan nidaamkan qaldan ee uu hada ku shaqeynayo Immigration-ka Somaliya.
Waa wixii la oran jiray (Better late than Never) inaad soo daahdo waxay ka fiicantahay inaadan waligaa imaanin.
Balse haddii dowladan waqtiga yare ee u harsan ay ku badbaadin kari wayso Nidaamkii caalamiga ahaa ee uu dariishada ka tuuray General Gaafow waxaa dhici doonta in Dowlada cusub ee dhalan doonta ay u xilsaarto mas’uul cusub kadibna in gabi ahaanba uu immigration-ku burburo ama kala daato, dakhligii usoo xarooday Immigration-kana lagula xisaabtami waayo oo uu lunsado sababtoo ah Nidaamka uu hada ku saleysan yahay Immigration-ku maahan nidaam Aas-Aas wanaagsan ku taagan waafaqsanna shuruucda caalamiga ah ee u dagsan Passport bixinta (Passport Issuence) laakin waa la badbaadin karaa nidaamkan uu marin habaabiyey General Gaafow.
Mise waxaynu niraahnaa Dowladan (TANI GALBATAYE TU KALE MOOYEE) oo ma haysato wakhti ay nidaamkan la marin habaabiyey ku saxdo maadaama ay xiligeedii gabo-gabo tahay.
Habartii indhalati dad cunimay ku darsataan maqli jiray Gaafoow intaas oo aduun ah markuu afka iska mariyay ayuu mantayna waxuu usoo tafa xaytay inuu ka ganacsado dadka bilaa sharciga ah ee jooga qurbaha in dib loogu celiyo Muqdisho oo wali nabadi ka dhalan oo aanu wali ognahay in Gaafoow laftiisa uu habeenkii ku seexdo ilaalad Ugandho iyo Burindi.
Akhristoo sidaad ogtahayba waxa dalka Norway dhawaan soo garay Mr.Gaafoow iyo wasiirka arimaha gudaha ee Soomalia C/Samad Macallin Maxamud waxayna hishiis qarsoon la galeen dawlada Norway Waxaa uu dhigayaa heshiiskan in si khasab ah loogu celin karo magaalada Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya qoxootiga soomaaliyeed ee dowladda Norway sharciga u diiday.
Dhanka kale taliyaha waaxda socdaalka Soomaaliya C/laahi Gaafow oo goob fagaaro ah kala hadlay maalintii 1-Luulyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway ayaa sheegay in aysan wax heshiis ah la gelin dowladda Norway oo dhigaya in dib loogu celin karo Muqdisho iyo koonfurta Soomaaliya qoxootiga sharciga loo diiday.
Dowladda Norway ayaa casuumaadan u fidisay wafdiga soomaalida, waxaana ay muhiimadiisu aheyd sidii loo bilaabi lahaa heshiis dib loogu celinayo qoxootiga Soomaaliya.
Jariiradd Norwagian ah ayaa qortay in sababta ay maanta u daabacday heshiiskan ay tahay arrimo la xiriira amaanka wafdigii dowladda soomaalida. Wafdiga ayaa maalinkii shalay ka dhoofay dalka Norway.
Xildhibaan soomaaliyeed oo ka tirsan xisbiga AP ee dalka Norway laguna magacaabo Baashe Maxamed Muuse oo ay jariiraddu wareysatay ayaa ka horjeestay heshiiskan, waxaana uu sheegay in wakhti xaadirkan lagu deg-degayo arrinta dib u celinta qoxootiga maadaama xaaladda amaan aysan wali salka dhigan.
Si kastaba shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway ayaa u qaadan kara arrintan khiyaamo ay dowladoodu ku sameysay, maadaama masuuliyiintii arrintan wax ka sixiixday ay dhowr jeer u sheegeen in aysan howlahaas gelin halkaasana waxaa ka cad inuu Gafoow iyo saxibkis yahiin kuwa ku baraara dhiiga dadka Soomaliyeed iyo dawladoodaba waxaan kusoo gaba gabaynaya uurraysataye bal aanu eegno waxay umusho.
Ciiro Ahmed Hassan













Walaal Ciiro iga daa Soomaali markii aan maqlo baa iska muruqoodaaye haddii gaafow oo aan maqli jiray ilaa habaynkii aan dhashay una shaqaynayey maddaxna ka ahaa immigration uu saas ugu tagri falayo wadankii maxaad moodaa shariif sakiin, shariif afgaduud iyo haawayda kale oo isku sheegaysa soomaali madaxdeeda.
Waxaan kabaqayaa wadankaas xanuunka uu igu hayo in aan u dhinto marka danbe.
[...] View the original here: Goormaa lala xisaabtami doona General C/LLahi Gaafow Maxamud. W/Q Ciiro Ahmed Hassan [...]
War nin yahow qodabadan soomaaliya malahan mana lahaan jirin, see looga hir gelin karaa marka.
1. Warqada aqoonsiga (Identity Card), taas Soomaaliaya malahaan jirin, hadana ayada iyo pasaporka baa la waa dalbadaa.
Warqada dhalashada. Dadkii hore mawada haystaan taas. bal dadka baadiyaha kudhashay see warqadaa ookale ku helayaan. soomaadan arag in soomaali badan oo aan la aqoon taariikhda ay dhashaan. looguna qoro pasaporada inay dhasheen 1-1-xxxx.
3. qodobka 3. shuruudaas waxaa looga baahan yahay dadka la jisiyeynayo wadanka ay joogaa pasapoorkiisa inay helaan raba. marka dadka dabta ah ee wadanka u dhashay loogama baahna shuruudaas qodobka 3.
Marka nin Dr. sheeganaya, haseyeeshee waayo aragnim adiisu intaa dhantahay, sooyaab maahan?
Weligeen Mooryaan maan yureyneynaa??? Waaba daalnay saan kan qabo, kan kan ka qabo, kanna xoolaha ka qabo ugu jirnay. War waxaan waa u dhalasho, xalna ma leh, xitaa haddii uu isagu tago kuu dhalay aa kuu imaanaaya oo isaga ka daran.
Waddankii oo dhan bay gateen, gubeen, dhaceen, kufsadeen. Caalamkuna waa ku ogyahay sidaa, oo iyaga oo kale aa la rabaa. Waxaanse ku weydiiyay kan aad ka dacwooneyso iyo kuwa aad uga dacwooneyso maxay is dhaamaan. Ma waxay kula tahay in aysan ka warqabin waxa mooryaankani sameynayo? Wey la og yihiin, iyagaana xoolaha wax ka qaata, marka Soomaaliya xalkeeda ma dhawa….
Waxaa is weydiin leh .mashqul.com .wali malaga bixin miyaa in dadka la iska eedeeyo fadlan marka hore wadan koo dhan ayaa qariban maxaad u haysataa hal qof kaliya mise dagal shanshida wadataa oo ninka waad isku dhacdeen.waxaad inoo shegtay inuu yahay general xidigtaas waa laga xishooda .fadlan ka xishoo dadka karamada leh
kkkkkkk ninkan maqaalka qoray waa layaab sxb goormaa waraaqo dhalasho iyo aqoonsi muwaadinimo lasoo bandhigaa?? waxaad u hadlaysaa sidii shakhsi ka waramaya wadan dowladi ka jirtay! !! soomaaliya sal ilaa baar way duntay 21 sano ayey fowdo dhinac kasta ah ku jirtay musuqmaasuqa aad ninkaas ku eedaynayso anigu isaga maba aqaane haduuba musuqmaasuq jiro waxaa kow ka ah sadexda masuul ee dowlada ugu sareeya waana arin cad oo marag madoonto ah weliba arintaasi way sii soconaysaa hadii aysan odayaasha dhaqanku intay ilaahay amaanada uga cabsadaan aysan dadka iyo dalka usoo xulin dad aqoon,diin,muwaadinimo iyo masuuliyad leh oo dalka ka qaban xaaraantan is bahaysatay ee ilaa bankimoon is dabataxan(oday mahiiga)
waxba hadda faaiido kuma jirto in la eedeeyo hal nin oo laan ka mid ah tobonaanka laamood ee dowlada haysta xitaa waziir maaha, ader wadaantii isha ka xumaataa faylkay tagtaa meesha sartu ka quruntay waa aasaaska oo ah madaxweyne,raysal wasaare ilaaa wasiir, aaway 500 ee xildhibaan ee markay khiyaanada dalkooda lagu hayo arkeen ka dhiidhiyey ee la tuuray ee shariif sakiinka xaaraamiga ah laga doortay????? dowladnimo inaga dheer inta kuwaasi madaxtinimo sheeganayaan
Asxaabtii Paltalk-gaa soo labtay….. Ciir- Ciiro a.ka. Dr.Rigle,a.k.a Xagee maanta laga cunayaa, Marna magac Qabiil huwo, marna, Magac Qaran! Raxanreeb.com waa markii 4aad oo ay kuu ogolaato, inaad istijaabsid, si fiican uga faaiidayso, oo yaan lagu arag adigoo barri, haddana Qabiil Uraaya Afkiisa ku hadlaaya!
Qofkii ummadda soomaaliyeed maalkeeda ku muraadsada waa lagula xisaabtamin maalin uusan waxba inkiri karin.Tan Gaafoown lagu sheegayna haddii ay run tahay waa xisaab sugaysa ee iska daayo idinku ha ku dambaabina.Dad badan baa jira oo isaga ka dambi badan.Intii uu bur-burku jirey meeqaa lacago la siiyey soomaaliweeyn.Dad gaaraanaa ku muraadsaday.Marka XISAABI aakharay jirtaa.Waana tii uu Nabi Muxammad (scw) yiri war maalka DAWLADDU waa maal AGOOMEED.Waa xaddiis saxiixa.
wlhi wa nasib daro in gaafow marki u hantidii dalka oo dhan oo kaso xaroonaysay airporka iyo smaeynta pasborada hada inu uso dhigto dalki dhibana ee ayagaba nolasha ugu liidata qurbaha ku jiray ka murugsana sharciyadooda kuna noola ceyrta yar ee ay bixiso wadamada ay joogan war ninkas waxan dhihi kara oo kaliya wa qaaim ee ha layska qabto raga la celin doonaw markaad muqdisho tagta yuusan idin ka fakan ninkaas si kaste oo aad u wax yeelayn kartaan u wax yeleeya jid gooyo u dhiga dhulka ku ciriiriya ninkaas wa idin gatay sida aragi wa nin uso dhigtay dhiiga shacabka inu ka ganacsado waxu cadaw u yahay shacabka oo dhan uma kala socna waxa la mid ah midka aad moodo inu aidska qabo oo isku sheegaya wasirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka yahay asagana waa qaain gaafu kasi liita ee rer konfuraw ragas somali ka hor lexsha
laaluushkii uu qadan jirey sidaas buu badelay
wixii nakala raacay aniga iyo c/laahi gaafow
waxay ahayd bidhii sideedaad 1986 qaadashada baasaboorka xiligii xukuumadii milatariga iska qaado maahayn balsee xoogaa jaxaf jaxafaa ka sokaysey, foomka baasaboorka waxaan kasoo bilaabay magaalada gaalkacyo, duqa magaalada waxaa ahaa nin aan naanaystiisa xasuusto hada oo lagu naanaysi jirey xarawo, waxay dowlada hoose cadysay inaan ahay nin ku dhashay gaalkacyo waxaana u gudbey xaruntii denbi baarista CID ama NSS xarunteda gaalkaco, waxaan soo garey muqdisho oo ah halka baasaboorka laga bixiyo, waxaa la ii diray inaan dhiig shubo maadaama aan dibada usocdo waxaan tegey xarunta kalkaaliyaasha oo ku dheganayd isbitaalka digfeer laakiin nasiib wanaag niisaankayga ayaa noqday 50 kiilo nin lafa yar ayaan ahaa sidaas waxaa laygu soo siiyey waraaqdii dhiig-bixinta, kadina waxaan foomka dhigay xaruntii uqaabilsanayd baasoboor samaynta waaxda socdaalka, kadib waxaa iisoo baxay baasaboorkii laakiin maxaa dhacay.
gaafoow markuu dadkii dhan u yeeray magacayga ma uusan sheegin markaan suaalay waxa helay baasaboorkagii waxaa uu ii sheegay in intaas maanta diyaar tahay lakin waxaan derbiga ka tusay magacayga waxaana uu igu yiri banaanka u bax hadii kale si kalaad ku tegin, waan ka dhega adaygay deedna waxaa uu iigu yeeray labo guulwade waxaana uu yiri garaaca oo saara, markii ay igu soo dhaqaaqeen ayaa oday police ahaa oo meesha taagnaa yiri ukaadiya waan nin dhalinyaraa ee hadilina wuxuu igu yiri adeer see wax u jiraan xusuusnoow labadii guulwadee waa la iga horaynayaa, waxaan iri ader magacayga waakan baasaboorkaygii ayaa la ii diidan yahay, odagii ayaa yiri gudahaan gelayaa ma taaban kartaan adiguna hala dagaalin ee halkan ii fariiso ayuu yiri, gudaha ayuu galay, waxaana uu gaafow kuwar geliyey in bassaboorka la issyo maadaama uusoo baxay , wuxuu cod dheer ku yiri adeer digtoonoow oo bax odagii oo carysan ayaa soo baxay markii adagii ii yimid ayaa waxaa kaloo nala soo istagay nin la yiraaho libaax oo ahaa howl wadenada imigarayshinka markaan u warbixinay ayuu gudha galay si dhib yarna iigu keenay baasaboorkii, marka gaafoow waa shabeel silsilad lahaa oo silsiladii soo goostay dowlad militari ah ayuu saas ula dhaqmayey kawarn wadan 22 sano fawdo ahaa marka gaafoow waa gaafowgaan aqaaney
“Ciiro” “Maxaan-Cunaa” ama “Dr.rigle” Magacaad doonto isticmaaloo, Shalay, Farmaajo ayaad lahayd waa Qaran dumis, maantan Gaafow iyo nin Xamar masuul ka ah, waxaad tahay nin qalinkiisi ay ka buuxdo, Khad Qabiil ah, iyo jaahil, cayr ku naaxay.. Waxaa taa u daliil ah, Goorowe ninkii saa usoo gala, ilmo Faroole, baa mobilka iyo Ookiyaalha kula dhaga, waligaa iyo Allahaana laguma arag adigoo, wax ka oranya!! Marka Adeerkaa Faroole iyo Caruurtiisa, mobilda iyo ookiyaalayaasha ay dadka Garoowe kaga dhacaan xagee geeyaan? Raxanreeb.com kuma taqaano inaad tahay nin buka… Laakiin Xumaani ma Qarsoonto!!!!
Qoraaga maqaalka, Ciiro-Ciiro, What a joke!
Aad baan u salaamayayaa, asxaabta daadihisa, Homepage-ka Raxanreeb.com iyo Akhristiyaashiisa daafaha aduunka kala jooga..
Intaa kadib Raxanreeb.com (Ileen hebel, ma oran karo, oo cid leh iyo meel laga leeyahay ma aqaane) oo aan galo, xiiseeyana warka Xalashaa oo ay had iyo goor nasoo gaarsiiyaan ka codsanayaa, inay Miiraan, ama miisaamaan dadka Qoreyaasha isku sheegaya, Qabiilkuna ka buuxo oo had iyo jeer dadka shaqsiyaadka ah maagaya.. Waxaan kawadaa, Xukuumadii Hebel, lagaray, laakiin, hal nin in layska laalaadiyo, ma fiicna..
Saan horyba u sheegay Raxanreeb.com aad baan u galaa, ninka maqaalkaan qoreyna,waa markii 3aad uu isku dayo inoo is tijaabiyo, mar walbana waa Qabiil cad.. Bal maxamed Faroole Ookiyaalayga igala baxay oo ku labisan, Suxufiyiinta Reer Puntland Garoowe kudila muu wax ka qoro? Mise waa Ina Aderkaa.. Sidaa daraadeed Farmaajo, iyo Gaafow baad kusoo caan baxaysaa!!
Waxey ila tahey ninkaan in uu yahey qof iska horda una heysta wadanka uu ku noolyahey ama uu ka qaatey somaliya in uu la bar bardhiga… wadan in muda ah aan ka shaqeenin dowlad dhaxe ayaad ledahey wax baa ka qaldan ma wax kama qaldana ee adee wax kaa qaladnyihen.. tan kale Gafow waa rug cada ka shaqooyey muda dheer xiligii dowladii kacanka ahan shaqsi waxbadan ka og aduunka sida maanta u shaqeya..
waxaan idiin sheeqayaa dhamaan dadka soomaaliyeeed immigration ayaad ku mashquuleesan war dalka dhan ayaa faraha ka bixi raba oo marba dhinac dowlad shisheeye laga siinooyaa nin gaafow ahna marka runta laga hadlo wax bdn ayuu qabtay somaliana marna kama dhamaaneeso coruption marka asaga ayaaba kasoo shaqeeyay dowdal awood bdn xil culusna kasoo qabtay waaana lala xisaaabtami karaa lkn nimanka maanta turkiga ito ethoipia qandaraaska aan la ogeen la galay yaa ka qabnaya ummada