Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Hargeysa oo ka warramay hawl-gallo ay dad ku qabteen
Hargeysa(RBC):- Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland qaybtooda magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa bilaabay hawl-gallo ay kula tacaalayaan dadka ka ganacsada karinta iyo iibinta cuntooyinka bisil inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo dhammaan goobaha hudheellada iyo makhaayadaha ee wax laga cunaa maalintii xidhan yihiin sida Diinta Islaamku dhigayso.
Xubnaha Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista oo ay iskaashadaan ciidammada ammaanka iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland, waxay sannad kasta marka bisha barakaysan ee Ramadaan la galo bilaabaan dhaq-dhaqaaqyo ay wax kaga qabanayaan dadka isku-daya inay ka ganacsadaan furashada meherado lagu iibiyo cuntooyinka bisil.
Dadka iibinta Xaaraanta bisha Ramadaan ka shaqaysta, waxay Ramadaannadan u dambeeyey-na bilaabay kaartooyin iyo khiddado ay ka mid yihiin inta ay guryohooda ku soo kariyaan cuntooyinka inay meelo suuqa ka mid ah si hoos ahaana ugu iibiyaan cuntooyinka oo sifaari laga dhigay, halka qaar kale ay soo saaraan Baabuur ay ku dhex iibiyaan, balse haddana Guddiga iyo ciidammada Boolisku way fashiliyeen khiddadaa, ka dib markii ay dad badan oo sidaa sameeyey iyaga iyo wixii ay iibinayeen-ba gacanta ku soo dhigeen, isla markaana Xabsiyada u taxaaberen.
Hase-yeeshee, Guddiga wanaag-farista iyo xumaan-reebista oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay bilaabeen ololaha wax lagaga qabanayo dadka isku-daya inay ka ganacsadaan cuntooyinka xaaraanta ah bisha Ramadaan ee bulshadu soomman tahay, hase ahaatee, dad ma-soomayaal ahi la macaammilaan, isla markaana ay yihiin kuwo isku xidhan oo iyagu meelo suuq-madaw ah wax ku kala iibsadan. Haddaba, si arrintaa meesha looga saaro waxay Guddigu ugu baaqeen qaybaha kala duwan ee bulshada reer Hargeysa inay kala qayb-qaataan ololahan lagu joojinayo iibinta cuntooyinka xaaraanta ah bisha Ramadaan.
Cumar Xaashi Guuje oo ah Guddoomiyaha Hawl-galinta iyo la-dagaallanka waxyaabaha dhaqan-xumada ah ee aanay Diinta Islaamku oggolayn, ayaa sheegay saddexdan maalmood ee bisha Barakaysan ee Ramadaan lagu jiray goobaha ay dadka xaaraan-iibiyeyaasha ah ku soo qabqabteen ay ka mid yihiin Dooxa Hargeysa, meesha loo yaqaan Fooqa jajabka oo Dooxa qarkiisa ku yaalla iyo Xaafadda Daammi oo ka tirsan degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa.
Waxaanu sheegay inay meelo kale oo magaalada ka mid ah oo isugu jira waabab iyo guryo cuntada lagu soo kariyo ololohooda ku mari doonaan, sidoo kale-na goobo suuqa ka tirsan oo lagu iibiyo ay isha ku hayn doonaan. Balse ay u baahan yihiin inay bulshadu ku taageerto inay soo sheegaan meelaha ay arkaan iyada oo cuntooyin lagu karinayo iyo meelo lagu iibinayo, si ay Guddiga iyo ciidanka ammaanku tallaabooyin uga qaadaan.
Sidoo kale, Xaaji Cawil Xuseen Cali oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga wanaag-farista iyo xumaan-reebista Somaliland oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in loo baahan yahay inay qaybaha bulshadu ka qayb-qaadato ololaha ay wax kaga qabanayaan isticmaalka xaaraanta iyo dadka waxa aanay Diinta Islaamku xalaalayn ee ay xaaraantimaysay iyagu doonaya inay gacmohooda ku xalaashadaan, kuwaas oo uu xusay haddaan ficil ahaan iyo qalbi ahaanba loo nicin, isla markaana wada-jir wax looga qaban inay saamayn guud ku yeelanayso dadweynaha oo dhan.
Waxa uu Xaaji Cawil ugu baaqay dadka iyagu ficillada ay ay kagaga ganacsanayaan iibinta xaaraanta bisha barakaysan ee Ramadaan Illaahay ciqaab ugu beddelayo diidmada amarkiisa ay kaga horyimaaddeen, sidaa daraaddeedna ay Illaahay Arsaaq Xalaal ah weydiistaan oo ay xaaraanta iska daayaan. Isaga oo intaa ku daray inay Guddi ahaan iyaga oo kaashanaya Booliska iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ay gacan bir ah wax kaga qaban doonaan cidda ay ku qabtaan iyaga oo ku hawlan samaynta iyo iibinta cuntooyinka la xaaraam yeelay bisha barakaysan ee Ramadaan.
Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa isagu habeenkii ay bishu bilatay, sheegay inay Wasaarad ahaan iyaga oo kaashanaya Ciidanka ammaanka iyo Guddiga Wanaag-farista ay wax ka qaban doonaan ciddii isku dayda inay bulshada oo Soommaan maalin kasta oo Ramadaan ah cunto iibiyaan ama kariyaan Xabsiga loo taxaabi doono, ciqaabtooduna noqon doonto mid Diinta Islaamka waafaqsan. Waxaanay Guddiga Wanaag-farista iyo xumaan-reebistu Ramadaan kasta Hargeysa ka sameeyaan hawl-gallo ka dhan ah kuwa Xaaraanta kariya iyo kuwa iibiya inta-ba.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.











[...] Continued here: Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Hargeysa oo ka warramay hawl-gallo ay dad ku qabteen [...]
Waymahadsan honking