Guddoomiyaha Cusub Ee Galgaduud Oo Goordhow Gaaray Guriceel


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Guddoomiyaha cusub ee Galgaduud oo boqanaya Guriceel

Guddoomiyaha cusub ee Galgaduud oo boqanaya Guriceel

Guriceel (RBC) Wararka naga soo gaaray degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, ayaa sheegaya in goordhow ay halkaas ka degtay diyaarad gaar ah ay la socdaan wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha cusub ee gobolka Galguduud Yuusuf Xasan Ciyow, oo dhawaan dowladda KMG ah ay u magacowday.

Wafdigan gaaray Guriceel ayaa saaka wxa ay ka ambabaxeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaddib markii dhawaan dowladda ay u magacowday markii ugu horreysay gobalka Galgaduud maamul tan iyo markii ay halkaas ay qabsadeen Ahlu Sunna oo ah koox taageersan Dowladda KMG ah Soomaaliya.

Guddoomiyaha cusub ee gobalka Galgaduud ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Guriceel, waxana wafdiga la socda ka mid ah Gudooomiyaha degmada Dhuusamareb Sheekh Cabdi-raxmaan Geedaqorow iyo Guddoomiyaha degmada Guriceel,Cusmaan Ciise Nuur (Taardhuleed) .

Waa markii ugu horreysay ee uu guddoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud uu tago Guriceel tan iyo markii loo magacaabay xilkaas, waa nin qurba joog ah, laakin la sheegayo ay ku qanacsan yihiin Ahlu Sunna oo hadda xiriirka ay la leedahay dowladda waqtiga uu ka sii dhacayo uu wanaagsan yahay.

Guddoomiyaha cusub shaqo adag ayaa u taala oo ay ka mid tahay in gobalka meelaha ay ka joogaan Al-Shabaab laga saaro, in uu dhameestiro maamulada degaanada kale ee gobalka Galgaduud.

RBC Radio

==============

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

1 Response for “Guddoomiyaha Cusub Ee Galgaduud Oo Goordhow Gaaray Guriceel”

  1. [...] More: Guddoomiyaha Cusub Ee Galgaduud Oo Goordhow Gaaray Guriceel [...]

Leave a Reply