Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland oo guul ku tilmaamay wadahadallada Soomaaliya
Hargeysa(RBC):- Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal), ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, ka dib markii uu ka soo laabtay dalka Ingiriiska oo uu muddo laba sano ah hawl caafimaad ugu maqnaa.
Guddoomiyaha waxa garoonka diyaaradaha Berbera ku soo dhaweeyey Xildhibaanno ka tirsan golayaasha Guurtida iyo Wakiillada, Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga KULMIYE, Siyaasiyiin, Maamulka degmada Berbera, gobolka Saaxil iyo dadweyne kale oo badan.
Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal) Guddoomiyaha Guurtida Somaliland oo qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha Berbera warbaahinta kula hadlay, waxa uu wax weyn oo guul ah ku tilmaamay wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya u bilaabmay, isaga oo u mahad-celiyey madaxda iyo dadweynaha soo dhaweeyey.
“Warkiinna waan la socday Dalka iyo Dadku way wanaagsan yihiin, waxaanan Illaahay ka rejaynayaa sidaa aad maanta wax u waddaan inaynu u wada-wadno.” ayuu yiri Guddoomiyaha Guurtida Somaliland.
Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlaya wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yiri; “Golayaal aynu had iyo jeer ka biqi jirnayna waaba aynu ka qaybgallayoo waa Illaahay mahaddii (wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland), inay soo dhawayso aaan ku rejo weynahay Ictiraafkii oo maruun golayaasha adduunka soo fadhiisanno waxba yey inna siinne.”
“Mar uun haddaynu golayaasha adduunka soo fadhisiinno waxba yey inna siine inaynu rag is hor-fadhiisanno waa wax wayn, waa sad.” ayuu yiri Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-gaal). Waxaanu sheegay in wakhtigan caafimaadkiisu aad iyo aad u fiican yahay.
Si kastaba ha ahaatee, Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland, ayaa muddo laba sano oo wax yari ka dhiman yihiin Somaliland kaga maqnaa safar caafimaad oo uu ku joogay magaalada London ee waddanka Ingiriiska, halkaas oo muddo lagaga dawayneyey Misigta, Jilibka oo nabarro hore uga gaadheen iyo daryeelka caafimaad ee uu u baahan yahay.
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.











bismillaah bil ramadaan baad ku jirtaane odayga gaal waa laga daayo saleeban nuur ayaa loogu bedelay isna gaal yaan laygu odhan buu yidhi marka ilaahay halaga baqo oo qofku wax uu diido halaga daayo.