Guriga Gudoomiyaha Degmada Hilwaa Ee Gobalka Banaadir Oo La Weeraray
Muqdisho (RBC Radio) Wararka ka imaanaya degmada Hilwaa ee gobalka Banaadir ayaa waxay sheegayaan in weerar xalay lagu qaaday guriga uu daganyahay gudoomiyaha Degmada Hilwaa.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in kooxo hubaysan ay weerar ku qaadeen gudoomiyaha degmadaasi Wilwaa, isla markaana halkaasi uu iska hor imaad ku dhexmaray Askarta dowlada iyo waliba kuwa weerarka soo qaaday.
Sidoo kale wuxuu warku intaa uu ku sii darayaa in iska hor imaadkaan uu mudo halkaasi ka socday iyada oo aanan la ogayn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska hor imaadkaasi.
Sidoo kale xiriir aan la sameynay guddoomiyaha degmada Heliwaa ee Dowladda Soomaaliya Cumar Cabdulle Jacfaan oo hoygiisa la weeraray si aan wax uga ogaanno khasaaraha gaaray ayaan inoo suurta galin.
Xaalada guud ee degmada Howlwadaag ayaa haatan ah mid degan waxaana waxaana lagu soo waramayaa saaka in si caadi ah ay halkaasi u joogaan ciidamada dowlada Soomaaliya.
Marka qaar ayaa degmada Howlwadaag waxaa ka dhaca iska hor imaadyo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada, waxaana iska hor imaadyadaasi ay ka danbeeyaan ka dib markii ay weerar ku soo qaadaan kooxda Al-Shabaab degmadaasi.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] See more here: Guriga Gudoomiyaha Degmada Hilwaa Ee Gobalka Banaadir Oo La Weeraray [...]