HADALHEYNTA QARANKA: Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo Sheegay in Dastuurka Loo Geeyay Odayaasha Ay Ku Yaallaan “7 Nin Saxiixood”


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Caaqil Xasan Cilmi Yaxye

Muqdisho (RBC) Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo ka mid ah koox odayaal ah oo maanta isaga baxay shirka odayaasha dhaqanka ee ka socda Muqdisho ayaa shir jaraa’id kaga warbixiyey sababtii ay uga bexeen shirka.

Caaqilka ayaa shir jaraa’id oo wadajir ay u qabteen isaga iyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad wuxuu ku sheegay in ay goosteen inay isaga baxaan shirka ayna ka dhowrtaan sumcadooda mar haddii ay u soo baxday in qodobo dhibaato ku ah dalka iyo diinta, sida uu sheegay lagu soo daray dastuurka.

“Dastuurkii naloo keenay waxaanu ku aragnay illaa 16 qodob oo aan dalkaan iyo diintiisaba lagu aamini karin, markii aan u sheegnay in waxaan la saxo waxaana loogu jawaabay idinka odayaal baa tihiin ee shaqo kuma lihidiin dastuurka” ayuu yiri Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo intaa ku daray. “Waxaanu go’aansanay inaan sharafteena iyo sumcadeena dhowrano, ummada Soomaaliyeedna waxaan ka raali gelineynaa ka qeybgalka shirkaasi”.

Caaqilka ayaa sheegay in nuqulka dastuurka oo ka kooban 100 warqadood ay ku arkeen illaa toddoba nin saxiixooda.

“Buuga dastuurka ee naloo keenay waa saxiixan yahay, waxaa ku yaalla 7-Saxiix, oo lix saxiixayaasha yihiin midka toddobaadna waa Mahiga, annaga meel nooga bannaan ma jirto, odayaashu wax fikir iyo talo ah kuma lahan meeshaas.” ayuu yiri Caaqilka oo si wadajir ah shirkan jaraa’id ula qabtay Nabadoon Xaad.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad

Maxamed Xasan Xaad oo isaguna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inuu guud shacabka Soomaaliyeedba ka raaligelinayo ka qeybgalka shirka oo uu sheegay inaysan dan Soomaaliyeed kasoo socon.  Wuxuu kaloo sheegay inuu ALLE ka towbad weydiisanayo maadaama sida uu sheegay,uu khalad ku dhacay mudaddii uu shirka joogay.

Wuxuu Xaad intaa ku daray in waxyaabaha ku jira dastuurka ee la diiday in laga saaro ay yihiin kuwo halis ku ah dalka iyo diinta isla markaana aysan jirin cid bedeli karta, “Waayo lixda saxiixayaasha iyo Mahiga ayaa isku raacay inaan waxba laga bedelin” ayuu yiri.

“Xitaa guddi 15 ka kooban oo odayaasha Soomaaliyeed metela ayaa loo saaray iyagana lagama dhageysan” ayuu sii raaciyey Xaad.

Illaa hadda xukuumadda KMG ah kama hadlin ka bixtaanka odayaashan u badan reer Muqdisho ee shirka qaadacay, waxaana ay ka bixitaankooda culeyska ku sii kordhineysaa shirkii ansixinta dastuurka oo beryahanba la kufaa kacaya sidii uu u furmi lahaa, iyadoo weli ay jiraan beelo aan ergooyinkooda soo gudbin qaarkoodna ay odayaashooda maanta shirka ka bexeen.

Qodobada odayaasha ka hadleen ayaa ah kuwo horey loo soo bandhigay oo ay ka mid yihiin qodobka caasimada dalka oo aan lagu qeexin dastuurka, xuduudaha Soomaaliya oo shaki ku jiro, qaangaarnimada iyo guurka Soomaalida oo isbedel lagu sameeyay, xoriyada dumarka, tan diimaha, qaadashada jinsiyada iyo shuruudaha madaxda sare oo iyaguna aan si fiican loo adkeyn.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

15 Responses for “HADALHEYNTA QARANKA: Caaqil Xasan Cilmi Yaxye oo Sheegay in Dastuurka Loo Geeyay Odayaasha Ay Ku Yaallaan “7 Nin Saxiixood””

  1. Qowdhan says:

    Waari meyside war hakaa haro!

  2. Puntland boy says:

    Markii horaaba qalad la sameeyay maaheyn in La iidiin yeero. Waa odaal Raba ineey badankood noqdaan memper of parliament ama ministers , Lixda sixiixayaasha ma hadeey ogaadeen ? Oo intaa xagee kumaq naayeen Dadkaasaa la leeyahay wax baasgareeya. Xaad tima jare waa xariif markii horaba wuxuu rabay inuu Saaxiibkiis Diiriye Ileey & Isagaba is habeeyaan Filimkaas waa lala fahmay ,Meesha marqaati baa laidiin keen saday Shaqadiiniina waa dhamaatay qofwalbow buul kaagii ku noqo ,

  3. keerow says:

    Ujeedo kasta oo ay ka leeyihiin Xaad iyo Kooxdiisa ka bixitaanka Shirka waa arrin ay ka dambeeyaan Qaar ka tirsan Saxiixeyaasha oo aan dooneynin iney Hawshaan fusho isna soo muujineynin iyagoo ka baqaaya Ciqaab kaga timaada Beesha Caalamka.

    Waxaase hubaal ah in Hawshaan laoogu magac darey ” ROAD MAP” ay ku soo bilaabatey Khalad lagu saxi rabo Khalad kale sababaha soo socda awgeed:

    1) Waxaa lagu magacaabey ka Gudubka Ku Meel Gaarka laakin qaabka loo maraayo waa kii Ku Meel Gaarka loo soo marey, taasoo aan yeelaneynin micno Qaanuuni ah iyo mid Siyaasadeed toona.

    2) In Hawsha maareynta ROAD MAPka ay misna hoggaamiyaan Kuwii Madaxda ka ahaa Ku Meel Gaarka iyo Kooxo Kale sida Ahlu Sunna oo kulligooda aan soo Dooranin Shacabka Somaliyed.

    3) In Saxiixeyaasha oo ah Madaxda Ku Meel Gaarka ay iyagu soo Qorteen Qabyo Qoraalka , soona Saxiixeen, ka dibna soo magacawdeen 135 Dhaqan ay iyagu soo sameysteen kuna soo amreen iney u soo qoraan Liiska 835ta u Ansaxin doonta Qoraalkooda, ka dibna u soo qoraan 275 Xildhibaan oo ay iyaga dib ugu soo doortaa Hoggaanka Dalka iyagoo kulligooda hadda ah MUrashaxiin, taas ma waxaa ah Sharci iyo Dimoqraadiyada ? Jawaabta Shacabka ayaan u daayey.

    4) Haddii ay arrintu sidaas tahay, waaba tahayee marka maxaa Shacabka loo Jaho-wareerinayaa , maa la yiraahdo Madaxdii TFGda ayaa Shaarka iska beddeli rabtaa, waxey rabaan iney la baxaan Dawladdii Rasmiga ahayd ee Somalia si ay ugu sii nagaadaan Awoodda Dalka iyago soo afduubtey Shacabka Somaliyed oo weligiiba aan Cidna u wakiilanin Hoggaanka Dalka laga soo bilaabo 1990kii ilaa iyo maanta , ayna qori caaraddiisa ku haystaan Madax ku sheegta hor-boodeysa si ay u dhacaan Dalka, Dadka, Deegaanka iyo Duur Joogtaba.

    5) UNPOS iyo Beesha Caalamka haddii ay Run ka tahay iney xalliyaan murugada Siyaasadeed iyo Nabadgelyo la’aanta haysata Somalia dhowr iyo labaatan sano waa u jeedaan Xalka dhabta ah, laain waxaad moodaa ineysan u abaareynin sidii runta ahayd, maxaa yeeley Somalia Xalkeeda waa ka sahlan yahay sida ay u arkaan Beesha Caalamka ,dhowr jeer oo horeyna waa loo qorey, laakin Somalidu waxey horey ugu maah maahdey ” SAC NINKII LAHAA SEYNTA UGU TAAGAN, LAMA KICIN KARO”, hadda maah maahdan waxaan ku kordhin karnaa oo aan ka dhigi karanaa sidatan ” SAC NINKII LAHAA IYO QOWSAARKABA SEYNTA UGU TAAGAN, LAMA KICIN KARO WELIGEED”

  4. JAMA says:

    ASC, ODAYAAL KAMA BAXINE WAA LA SAARAY WAXII SHEEGA SHADA AHAA SAAS WAX U QORA, XAAD YUU UYAHAY NABADOON BAL IISHEEGA…ODAYAASHA BEESHA ======, ======= REER WALBA NINKII NABADOONKA U AHAA AYAA KU JIRA…..MARKA SHEEGA SHADII BAA LA SAARAY SUBAGIINA WAA HARAY

  5. Libaax-libaax DHalay says:

    Warka sida Raareeb sheegayso wax baa ka bedelan, waa mrka horee sidaan ku hayno wararka Xamar laga helayo koox ay labadaan nin ku jiraan baa shirka laga saaray, sababaha looga saaray ayaa lagu sheegay:
    *Waa marka horee inaysan nimankan ka mid ahayn odayaashii dhaqanka ee sooo jireenka ahaa ee beelaha Hawiye.
    *Waa marka lbaadee waxaa ka dacwooday Odayaasha asalka ah ee dhaqanka ee beelahooda.
    *waa marka seddexaadee waxaa ka socon waayay wax kasta oo hawlihii meeshii loo fadhiyay ah, waxayna carqalad joogta ah ku noqdeen hawl kasta oo meesha ka jirta, markii muddo loo dulqaadanayay ka dib waxaa soo baxay inaysan dawo kale lahayn in shirka laga eryo mooyee, taasaana keenatay in si rasmi ah maanta looga saaro shirka.

    Waxaan filayaa wararkaas ayagaa iska soo bixi doona, laakiin yaan been laysu sheegin, Xaad annagu waligeen kama maqal kalmad wax ku ool ah oo ummadnimo ka hadlaysa, waligeena kama maqal wax danta beelihiisa xataa noqon kara, waxaan ku naqaan inuu yahay nin iska dhiga inuu wax kala garanayo laakiin uu madax maray nacyb qabiil.

  6. Kabista qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka soomaaliyeed ka baxen maanta shirkii waxba soo kordhi mayso aan ka ahayn ceeb kuso korodhay dhankii nalagu bartay beryahan ee kala qaybsanka oo dhaqankina gashay. Arinka odayasha meesha loo keenay waa lasii ogaa inaysan meesha waxba ka ahayn ee marqaati beenaale iyo saan tirasho laga donayey dhacdayna oo ergadii oo iyaga la mida waxna bedeli karin waa diyaar odaashaana diyaariyey magaciina sidaa ku raac. Waxay ahayd waqti hore iyagoo isku duuban ama intooda badani in mowqifkooda ummadda u cadeeyaan iskana beri yeelaan shirqoolka loo abaabulay hadase way kala qaybsamee sidii laga donayey midka baxay kan joogana isku mid waaye. Soomalina odayaashaa ugu danbeeyey iyagana la geli dhiiqadii ilaahna yeenaan ka quusan soomaaliyey!!!

  7. cadaani says:

    awalba khayr kama aynaan rajaynay dastuurkan shaydaanigaa oo gaalo ayaa soo qoraty waana taas kufriyaadka iyo waxyaalaha khatarta ku ah qaranimadii soomaliyeed kabuuxo

  8. Bashi says:

    slaan dhaman akhirsayasha iyo warbahinta sharafta leh ee raxanreeb.

    aniga waxay ila tahay inay qalad ahayd in loo ogolaado gudomiye beleed shirka odayasha dhaqanka iyo weliba caaqil.
    caaqil waa waxgarad mahan odaydhaqameed soo jireen ah. gudomiye xaadna diintu rabaa marlaad inuu kusoo gabado. oo dheho dastuurkan waa qalad diintu kasoo horjeeda. mahan usaga dadka laga rabo inay ka hadlaan arintaas. waa inay arintaas shegan culimada iyo odasha saxda ah oo layaaqaan soo jireenkana ah.
    runti somali bur baaxaadleh baa ka muuqda kaas dadkii tiray waxkasta waxtar ulahaa bulshada rajadoona ciriiri geliyey. taas waxay noqotay in bal mar uun somali dowlad dhisato. laguna dhiso dalka gudihiis. runti waa janis aad uwanagsan oo dad badan rajo geliyey in dowlada lasoo dhiso bishan 8aad. waxaa haboon in somalidu ayidu waqtiga dowlada imaan doonta way xumaankarta way ficnaan karta lakin hadafka ugu weyn waa in bal lahelo dhadaam iyo meel waxlagarsiiyey. dhowna waxlaga bilabi karo. lakin hadii ladheho. qoriga ninki qaadaa iska leh. wax soconaya majiraan. kuxumayna somali meel kugaariwayday 20 sano bay mugdi iyo ba, hoog ku jirtay. ceebina karaacday. dadkedina maanta meelkasta ku dhibataysanyihiin.
    taa bedelkeeda somali dhamaanteed way inay u istaagtaa in somaliyey wax uun la isku raaco. halmeelna laga abaaro. dhisida dowlada. loo dhanyahay gudadata wajibaadka dowladnimo ee dalka.

    thanks
    Bashe.
    Moscow-Russia

  9. soomaali says:

    Waa arin aanu ku taagersanahay suldaanka iyo wixii caqli leh ee ku soo raacaba….War caqliga idin siinaya in dastuur aan xadka somalia si saxa u sheegayn oo qodobo diinta ka soo horjeedana ku jiraan in la ogolaadaa miyaydin xanuusanaysaan…..Haday diideen in manta la badalo myay kula tahay in barina la badalayo……..Arintasi waa tii Rajiimkii siyaad barre lagu diiday.Markaa laga ogalaan maayo mahiga iyo farole iyo shariif waxay soo malmaluuqeen.

  10. soomaali says:

    Waa arin aanu ku taagersanahay suldaanka iyo wixii caqli leh ee ku soo raacaba….War caqliga idin siinaya in dastuur aan xadka somalia si saxa u sheegayn oo qodobo diinta ka soo horjeedana ku jiraan in la ogolaadaa miyaydin xanuusanaysaan…..Haday diideen in manta la badalo myay kula tahay in barina la badalayo……..Arintasi waa tii Rajiimkiiii siyaaad barre lagu diiday.Markaa laga ogalaan maayo mahiga iyo farole iyo shariif waxay soo malmaluuqeen.

  11. Somali says:

    Xaad iyo ninkakale oo lasodaa waa qabqabla dagaal. Shirkana waa laga saaray, waana guul.

  12. cabdi says:

    asc yaa rabbi waa gaalnimo la isku cam caminaayee naga bad baadi shirqoolkaan hadii la oaran jiray somaali 100% waa muslim walee waxaa soo socota tobanaanka sano ee soo socota in la oran doono waa konton konton hadii ilaahay na bad baadin hadiiba waxaa saas u dhawaaqaa uu yahay odey dhaqqameed aan diifiican aqoonin oo iska juhaal ah yaa rabbi fitnada (gaalnimada) naloogu gacan haatinaa naga bad baadi

  13. cabdi says:

    asc yaa rabbi waa gaalnimo la isku cam caminaayee naga bad baadi shirqoolkaan hadii la oaran jiray somaali 100% waa muslim walee waxaa soo socota tobanaanka sano ee soo socota in la oran doono waa konton konton hadii ilaahay na bad baadin hadiiba waxaa saas u dhawaaqaa uu yahay odey dhaqqameed aan diifiican aqoonin oo iska juhaal ah yaa rabbi fitnada (gaalnimada) naloogu gacan haatinaa naga bad baadi aamiin aamiin aamiin yaa rabbi

  14. Mohammed says:

    This is a childish act. If one doesn’t agree, one votes against it. Let your voice be heard . Dib haloo eego qodobada odayaashaanu sheegteen. Waxaa ka mida gudniinka gabdhaha. Maxaa muhiimad ka dhigay in gabdhaha la gudo ?!!! None of them mentions one of the gravest sections in the draft; Every president becomes a new member of parlament, and he keeps that seat for the rest of his life!!! Does anyone think that such a thing is wise ? This means we will have hereditary seats in the parlament.

  15. anas says:

    asc yaa rabbi waa gaalnimo la isku cam caminaayee naga bad baadi shirqoolkaan hadii la oaran jiray somaali 100% waa muslim walee waxaa soo socota tobanaanka sano ee soo socota in la oran doono waa konton konton hadii ilaahay na bad baadin hadiiba waxaa saas u dhawaaqaa uu yahay odey dhaqqameed aan diifiican aqoonin oo iska juhaal ah yaa rabbi fitnada (gaalnimada) naloogu gacan haatinaa naga bad baadi aamiin aamiin aamiin yaa rabi

Leave a Reply