Hadalheynta Qaranka: Ololaha Madaxtinimada C/weli Gaas oo Muqdisho Ka Bilawday Iyo Drs Hodan oo Hogaanka u Heysa


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho toddobaadkan uga bilawday ololaha siyaasadeed ee Raysul wasaare Dr C/weli Maxamed Cali Gaas oo ka mid ah musharixiinta xilka madaxtinimada dalka, kaasoo si nmuuqata looga arko fagaarayaasha caasimada.

Marwada raysul wasaaraha Drs Hodan Siciid Ciise oo hadda hormuud ka ah ololahamadaxtinimo ee Dr Gaas ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday maanta in raysul wasaare C/weli Gaas uu ka mid yahay musharixiinta u tartameysa jagada madaxtinimada dalka, kadib markii ay hadal ke jeedisay kulan labo maalmood soconaya oo haweenka degmooyinka gobolka Banaadir loo qabtay.

Waxay Drs Hodan sheegtay in dadka reer Muqdisho iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin hogaami daacad ah oo dadka nabada u soo celin kara “Waayo waxanu mudo dheer baadi goobeynay sidii aanu nabadgelyo ku heli lahayn” ayey tiri.

Drs Hodan oo hadaladeeda arimo kala duwan ku soo hadal qaaday ayaa dhaliishay in dadka qaar ay shaki geliyeen caasimada dalka inay Muqdisho tahay iyadoo sheegtay inaan taasi la aqbali karin.

“Caasimada Soomaaliya waa Muqdisho, murana kuma jiro” ayey tiri iyadoo si weyn loogu sacabtumay.

Kaalinta Drs Hodan

Marwada raysul wasaaraha oo beryahanba ku sugneyd magaalada Muqdisho ayaa toddobaadkan ka qeybgashay kulamo intooda badan haweenka loo qabtay kuwaasoo dhamaantood ay kaga hadashay isbedelka siyaasadeed ee la filayo inuu dalka kadhaco iyadoo shaacisay in dastuurka cusub iyo waqtiga ku-meelgaarka oo laga baxo ay fursad u yihiin haweenka Soomaaliyeed.  Illaa iyo haddana Drs Hodan ayaa ah qofka kaliya ee cadeeay in raysul wasaare Gaas uu sharaxan yahay.

Ilo wareedyo ku dhow xafiiska raysul wasaaraha ayaa sheegaya in Marwada raysul wasaaraha ay qeyb weyn ka qaadaneyso u ololeynta siyaasadda saygeeda, waxaana la filayaa in guddi qaabilsan ololaha musharaxnimo ee C/weli Gaas la sameeyo kaasoo iyada ay hormuud u tahay.

Loolan la mid ah midka C/weli Gaas waxaa uu ka socda Villa Soomaaliya oo sidoo kale xaasaska madaxweyne Shariif iyo walaalkiisba ay kaalin ka ciyaarayaan soo banaandhigida siyaasadda Sheekha, halka Shariif Xasana oo ah nin saameyn badan leh uu tartan kaasi u dhigma kula jiro labada nin walow [Shariif Xasan] uusan fagaaraha keenin marwadiisa.

 

 

RBC Radio

Share

Tags:

9 Responses for “Hadalheynta Qaranka: Ololaha Madaxtinimada C/weli Gaas oo Muqdisho Ka Bilawday Iyo Drs Hodan oo Hogaanka u Heysa”

  1. November says:

    “caasimada waa muqdisho” ma reer qaas ah baa lagu maslaxayaa ??? waxaas looma baahna

  2. somali says:

    Hadii uu R/Wasaaruhu musharax yahay maxaa afkiisa looga maqli la’yahay?Muxuu dad kale inuu musharax yahay sheega uu u oranayaa?Ma marwadiisa ayaa sharaxan mase isaga marka iyadu shaaca ka qaadeyso inuu musharax yahay? R/Wasaaraha iyo cid kasto oo somali ah wey jeclaan laheed in ey iyadu Madaxweyne noqoto laakiin kursiga ninbaa ku fadhiya taageero badane ka helay wadamada somaliya ciidamada ka joogaan sidaas darteed armuu dooran yahay ninka kursiga ku fariisan lahaa oo xaalku yahay nin dooran doora xow dhahdeen:-D

  3. Ismahan says:

    Kkkkkkkkkkkkkkk war walawahsay ilahay yow nabad

  4. Gaani says:

    waligey iyo alahey ma arag siyaasi kasoo jeeda ================ oo iska soo hormariyey ————- waa markaan ka hadlo xaga siyaasada. prime minister gaas ma fahmin waxa ku kalifey arintaas ayagoo joogaan rag beesha ============= oo siyaasiyiin ah.

  5. keerow says:

    Marwadda Cabdi Weli waa iney Qareen u qabataa oo ka difaaca Xatooyada Xoolaha Qaranka oo ay ku soo eedeyeen Kooxda Monitoring Group isaga iyo laba Shariif iyo Farmaajo waa iney iska iloowaan Tartan Siyaasadeed diyaarna u noqdaan Maxkamad la soo taago.

  6. Ahmed UK says:

    Walahi Ma Fahmin Siduu President Lagu Doorana Doono Qof Dambiiyal calamka uu Aqoonsadeen.

    International Community Waxee Dambiyo Wa Weyn Ku Haystan Labada Sharif – Dr Abdi Wali – Faroole iyo Farmjo.

    Waxee Beesha Calamkaoo UN hoose imaadan Monitoring Group iyo International Crisis Group ka rabaan Dr Abdi Wali Xukumadiis Lacaga Million Dollar uu Geyay asaga iyo madaxda kale.

    Drs Hodan Siicid Isse Madaxweyne ayee ugu ololayenes.

    Wake Up Drs Hodan The TFG leaders will be remove by internaional community they all Corrupt the both Sharif and Dr Abdi Wali they have evendece they stole Millions of Dollars.

    The UN Fact Link Below

    http://www.hiiraan.com/PDF_Files/Monitoring_Group_2012.pdf

  7. khadija says:

    mar hadaad aragtaan nin naagtiisu hor boodeyso lama doorto waa nin jilicsan ninku waa inuu noqdaa nin codkiisa wax raadsan kara ee maaha in naagtu u hadasho hadhowna naagta ayaa wasiirada u soo magacaabeysa sida hadaba c/weli wasiiradiisa shaqaalaha xafiiskiisa waxaa ka shaqeeya xaaska ayaa keentey wasiirada sida wasiirka gaashaandhiga iyadaa keentey dhowr wasiir ayaa ka mida dadka ay soo dooratey marka waa inaad iska ilaalisaan qofkii aad aragtaan in naagi wadato.

  8. fkhadar says:

    eeeeee kkkkkkkkkkkkk

  9. oktobar says:

    war waa la ogyahay inow musharax qaroon yahay oo aarsi u socodo, waase wax lagu yaqaano iney majeerteenka hablaha is ka soo hormariyaan sidii 1960kii dhacadayba, balse mihi maha maho eebow adduunyo waa isbadashay u maleenmaayo iney waxaas xilligaan Xamar ka soconeyso ama murun caasimad ha lagalsho ama ha leysk qeysho. war jiraa cakaaro, 20kii sanoo lasoo dhaafanna baranay…..

Leave a Reply