HADALHEYNTA QARANKA: Xubno Lagu Eedeeyay ‘Been Abuur’ oo Laga Saaray Shirka Odayaasha Dhaqanka ee Ka Socda Muqdisho


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Kulanka odayaasha dhaqanka ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa laga saaray labo xubnood oo ka soo jeeda gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan guddiga xallinta khilaafaadka odayaasha oo ku sugan Muqdisho.

Labada xubnood ee laga saaray liiska ayaa kasoo jeeda beelaha Tuni iyo Jiido, waxaana xarunta odayaasha laga saaray labo maalmood ka hor kadib markii, sida la sheegay ay cadaatay in isqabqabsi beelahooda u dhexeeya uu ka taagan yahay inay yihiin dhaqan sax ah iyo in kale.

Xubnahan labada ah ayaa guddiga xallinta khilaafaadka ku wargeliyeen inay dib ugu laabtaan beelahooda ayna kala soo tashadaan cida u meteleysa shirka odayaal dhaqameedka Soomaalida ay ku leeyihiin Muqdisho, inta ka horeysana aaney ka soo qeybgali karin shirka.

13 xubnood oo muran ka taagan yahay

Sida Raxanreeb ay u sheegeen dad ku leug leh arimaha khilaafka ka taagan odayaal dhaqameedyada been abuurka ah, waxaa dood ay ka taagan tahay illaa 15 xubnood oo labo ka mid ah shalay laga saaray shirka, iyadoo 13-ka xubnood ee kale weli doodooda ay taagan tahay.

Xubin ka tirsan guddiga xallinta khilaafaadka ayaa Raxanreeb u sheegay in wasaaradda arimaha gudaha iyo xafiiska UNPOS ay kala shaqeynayaan sidii loo kala saari lahaa odayaasha dhaqanka ee soo jireenka ah iyo kuwa la been abuuray dhowaan, arintaasoo ka mid ah caqabadaha waaweyn ee heysta shirka odayaasha.

Dhanka kale siyaasiyiin iyo xildhibaano ka soo jeeda beelaha odayaasha qaar ee la isku heysto ayaa ku dooday in haddii wax la saxayo loo baahan yahay in odayaasha intooda badan dib loogu laabto balse aan farta lagu godin beelo gaar ah.

Wasaaradda arimaha gudaha oo Raxanreeb isku dayday inay arintan wax ka weydiiso ayaan weli suurtagalin.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

3 Responses for “HADALHEYNTA QARANKA: Xubno Lagu Eedeeyay ‘Been Abuur’ oo Laga Saaray Shirka Odayaasha Dhaqanka ee Ka Socda Muqdisho”

  1. keerow says:

    TAARIIKHDA AYAA XUSEYSA CIDDA AH DHAQAN SAX AH IYO CIDDII AAN AHAYNIN.

    SULDAAN HADDA GACAN KU RIMIS LAGU SAMEEYEY MA SOCONAAYO, XITTAA HADDII LEYSKU DAYO TAARIIKHDA AYAA KALA REEBI DOONTO INSHA ALLAH.

  2. farinomaleh says:

    Odayaashaas uraaya waxaan ka baqayaa in ay qarkood ay isdilidoonaan sababtoo ah weli waxaa jira kuwa inay dadka ka sareeyaan isu haysta oo shaalal iyo kuraasta boqortooyada sucuudiga iyo imaaraadka ku fadhiistay waa kuwo istaahila ashito in lagu shubo

  3. Aw Malaaq says:

    Kibir iyo weynin Rabbigey baa iska leh, Wuxuu yiri CAZA WAJALLA ” kibirku waa garbasaarkayga(shaalkayga), addoonkii igula dhegaa jahannamaan ku tuuri.”

    Ninkii Allah siiyey nicmo uuna Rabbi karaameeyey, inay nimcada ka muuqato oo uu makaan fiican dego waa sax ,
    hayeeshee inuu tuur isu yeelo, isqalqallocsho, dadka uu yaso kibir weeyee , qiyaamaha laami karayaa ayaa wejiga loogu shubi doonaa.

Leave a Reply