Hawlgal ay fuliyeen Booliska Burco oo sababay dhimasho iyo dhaawac


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Burco(RBC):- Hal qof ayaa ku dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay hawlgal ciidanka ammaanka magaalada Burco ee Somaliland ku doonayeen inay ku qabtaan nin ay sheegeen inay ku raad-joogeen.

Ninka Ciidanka Boolisku ku dileen hawlgalka ay fuliyeen oo magaciisu la odhan jiray Muuse Jaamac, waxay sheegeen inuu ahaa nin ay in muddo ah raadinayeen, kaasoo markii la isku dayey in la qabto ay labada dhinac rasaas is weydaarsadeen, halkaasna uu ku dhintay ninkaasi.

Sidoo kale, waxay isla hawlgalkaas ciidanka ammaanka Burco ku dhaawacmay Askari lagu magiciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Cabdillaahi, waxaana lagu daweynyaa Cisbitaalka guud ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Tallaabadan oo shalay fuliyeen ciidanka Booliska Burco ayaa noqonaysa tii saddexaad ee ay cid ku dilaan sidan oo kale ay doonayeen inay u qabtaan ciidanka ammaanka magaalada Burco. Inkasta oo aanay Boolisku wax tafaasiil ah ka bixinnin sababta ninka dhintay loo daydayey ama ay u baadi-goobayeen.

Geesta kale, Saraakiisha ciidammada Booliska Burco oo arrintan warbaahintu wax ka weydiisay, ayaa ka gaabsaday inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan, isla markaana waxay ku tilmaameen arrin ciidan oo aan la oggolayn in warbaahinta looga warramo.

 

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Leave a Reply