Qeybtii 5aad Hayaanka Puntland & Habraaca Beelaha. W/Q Xaamud Maxamed Dala-aan
HAYAANKA PUNTLAND IYO HABRAACA BEELAHA QAYBTII 5AAD
XAAMUD MAXAMED DALA AAN
Karzay3@ gmail.com
Luulyo 23 2012
Mustaqbalka maxaan u baahanahay siyaan u gaarno hadfkeena ?
Waxaan rabaa inaan halkaan idinkula wadaago akhristayaal iyo dhamaan inta qoraalgaygu gaaro
Aragtiadayda ku aadan sida puntland uga guuri karto habraaca beelaha oo ragaadiayay amaanka dhaqaalaha puntland.
Ugu horayna waxaa lama huraan ah in aan wada garowsano shacab iyo dowlad in jiritaanka puntland uu lama huraan u yahay cidkasta oo ku nool puntland u dhashay ku dhashay ama dagan sidaas dartee waa waajib in qofkasta uu doorkiis u qaato si hagar la aan ah si aan u gaarno hadafkeen iyo himildeen dowladnimo.
Waa in odayaasha beeluh gartaan danta guud ayna ka guuraan danta beesha ay markaas horjoogaha u yihiin
Waa in dhamaan xubnaha beelaha lagu saleeyaa yaa diyaar u ah inuu badbaadiyo midnimada iyo wada jirka puntland aqoon ahaan iyo awood ahanba
Waa in nidaamka axsaabta badan laga dhowraa qabyaalada iyo qolaysiga
Waa in xukunku noqdaa mid loo simayahay oo muwaadinkastaa oo puntlander ahi u tartamaa si furan uuna codka shacabka u waydiistaa iyadoon loo eegayn qabiilkiisa iyo gobolka uu ka soo jeedo
Dowladu waa in habka shaqaalayta ay ku salaysaa mid cadaalad ah lagan dheeraadaa garabeeshinka oo ah mid hareeyay una tusay qofkasta inuusan qabiil la aan meel gaari Karin arintaas oo ah arin aad khatar ugu ah dowladnimada hadaan dhakhso wax looga qaban waana in xafiisyada dowladu qofka ku xushaan aqoontiisa iyo kartidiisa iyo siyaasad ahaan inuu aaminsanyahay wadajirka puntland
Waa in warbaahinta la tayeeyo lana gaarsiiyo mid heer caalami ah si dadku u helaan wararka saxdaa ee ka tarjumaaya aayohooda dad iyo dal ahaaneed
Waa in la sugaa xuduudaha dalka dhamaan uu gaar adeeg dowligaa.
Waa in la helaa boolis tayo leh oo ugu guta waajibaadkiis si waafaqsan nidaamka dalka ilaaliyana shucruucda iyo qawaaniinta dalka.
Ciidanka waa in loo helaa adeeg caafimaad mushahaar qalab iyo gaadiid ku filan
Waa in dowladu xil gaar ah iska saartaa amaanka gobolada xiga Xuduudaha sida mudug,sool,sanaag,iyo cayn.
Waa in dowladu ku tashataa dhaqaaleheed ayna u qaabaysaa dalka horumar gaara dhamaan gobolada waa kaabayaasha dhaqaalah xooga la saaro si loo helo ilo dhaqaale iyo adeeg gaar dalka .
Madaxda dalku waa inay u dhaqmaan si ka hufan qabiil iyo qabyaalad ahaadaan xubno qaran kuwaas oo tusaale u noqda shacabka intiisa kale.
Dhalinyarad waa in il gaa ah lagu eegaa dowladuna wasaarada ku shaqadaleh la siiyaa awood dhaqaale oo ay ku fuliso howlaha horyaala si dhalinta dalka looga badbaadiyo tahriibta iyo ku biirada kooxa nabadiidkaa sida alqaacida iyo burcada badaha.
Waxbarashad caafimaadka iyo dhalinyarada waa in dowladu u qoondaysaa miisaniyad dhaqaale oo ku filan ilaa intay kartay.
Magaalooyinka puntland way tuban jibaarmeen ilaa intii la dhisay puntland
Waa in adeegyada guud ay la jaanqaadaan balaarashad magalooyinka tusaale ahaan magaalada bosaso oo iminka u muuqta magaalada labaad ee ugu wayn somaliya isla markaasna ah magaalada ugu dadka badan puntland waxay leedahay saldhigyo kooban waa in xaafadkastaa laga sameeyo saldhig boolis iyo xarunta hanuunita oo xaafada si dadka loo gaarsiiyo wacyigalinta dowlada.
Waxaa lama huraan ah cadaalada in la gaarsiiyo heer qofkastaa aamini karo uusan ka baqay dulmi lagu dulmiyo qabiil am dhaqaale cadaaladu waa furaha dowladnimad dhamaan dowlada iyo shacabka waxaan ugu baaqayaa in arintaas la aanted anay wax horumar ah aanay jiri Karin sidaad dartee waa in cadaalada xooga la saaro.
Gaar ahaan dadka xukunka hayaa waa inay ogaadaan arintaas in lagula xisaabtami doono aduunka ama aakhiro ayna u yeeshaan fiira gaar ah
Halgamaagii waynaa ee somaliyeed cismaan yusuf keenadiid ayaa yiri asgoo la hadlaya somalidii xiligaas balse aad moodo inuu manta ka hdalayo waan sanadkii 1952 waa xili fog lakiin xaalada hada dhaqan somalidu waliyahay iyo tii xiligaas waxaa moodaa inaysan car isku rogin ee ay meeshoodii dulinimo la taaganyihiin dantoodiina ay ku seegeen.
Waxuuna yiri abwaanku
Iyagaa isumuuqanahayee moog adduunyad e
Murtiday lahaayeen ayay magac ku waayeene
Muwaafaqo kolkii laga gafaa mowtigood galaye
Anigaa ku miradhaamayee malagu saarnaaye
Macriifo uma yeeshaan waxuu baran masaalkoode
Macaamilada aadmigu ku jiro laga madoobeeye
Martabad adduunkiyo cilimigu umaba muuqdaane
Magan bay shisheeye uyihiin meel la joogoba e
Maalin noolba niman baa ku fala waxay la maagaane
Muquunay ahaayeen sidii maal la leeyahaye
Waxaa si gaar ah uga codsanayaa madaxa dhaqaalaha ee dalka inay waajibaad gaar ah iska saran waxna ka badalaan xaaladaha xatooyada ee ay ku kacaan mararka gaar kuwa loo igmaday ilaalinta hantida dalka si loogu ilaaliyo hantida qaranka hab ka fayow ku tagri fal dhaqaale.
Waa in la helaa gudi dhaqaale oo daba gala meelaha ay ku baxaan dhaqaalaha dhalka si aanay u dhicin in shaqsiyaad ay hantida qaranka u adeegsadaan dantooda gaarkaa
Masuq maasuqu waa cadowga dowldnimada waana arin u baahan dagaal qaran waa in aan cidna awood u yeelan inay xado hantida shacabka ayna ku noolaato xoriyada iyadoo aanay jirin cadaalad iyo la xisaabtan laguna ciqaabayo waxay gaysatay
Waa in la helaa madax karti uleh ilaalinta dhamaan danah dalka siiba dhaaalaha oo anay la aantiis waxba soconkarin
Hadii kale waxaa dhacay arintii uu ka digayay
Abwaan cisman yusuf keenadiid uuna lahaa sedan
raggii madaxdu ka xumaato waa marin habaabaaye
kuwii maqadimka looga dhigay waa manfaca raaca
mar maxaadcuntaa kaliya buuyahay maqsuudkoode
Culimada puntland waxaa lama huraan ah inay ka qaataan door shariif ah ayan dowladu qorshe wadaadada looga faaiidaysanayo sugid amniga iyo la dagaalanka xagjirnimada aan xadka lahay yeelato ayna masaajidada dadka ugu sheegaan in aanay ku hodmin hagardaamada huwan halaaga ee ay wadaan kooxa dagalada ka wadada dalka
Waxaa mudan bogaadin culimada puntland siiba kuwa mowqifka cad ka istaagay burburinta iftiinka iyo aayaha dalka ee ay wadaan kooxaha masal gaabka ay murjisay waalidu ee jid iyo jaahdiidkaa kuwaas oo ah kuwii uu
Abwaan cismaan lahaa
Culimadii damac baa malgoo mooye saytahaye
Miilladiyo shareecadii barbaa maal ku iibsadaye
Marsiis iyo madiiduu ku dhacay magane diinkiiye
Masala gab iyo ways hayaan kii mufti ahaaye
Ardadaa mujaadilo lagalin macalinkeediiye
Midkii dhowr masalo soo bartaan maaro looheline
Makastii iyo caamaday madax wareersheene
Hadab xaal muraad lagu wataa la ina maqashiine
Dhamaanteen cadaalad ayaa ina deeqda waa inaan dalkeena aaminaa danteenana dhowranaa dowladu waa inay fulisaa waxii loo igmaday si muuqata waa in xoriyada saxaafada gudaha la dhowraa dowladuna ixtiraamataa xoriytul qowlka si qof walbaa aragtidiis ugu gudbiyo shacab si cod ah am qoraal ah ama suaagan ah.
Si looga maarmo in qofku aragtidiisa si uu u fuliyo inuu xoog u adeegsado ama gacan hadal caburinta dadka waa waxa curyaamiya harukaca dhanka maskaxda ama fakarka ee bina aadamka gaar ahaan somalida sidaas darted waa in la garowsadaa madaxa somalida guud ahaan iyo gaar ahaan puntland oo u baahan hab isku dheeli Tirana dhankasta iyo qaybkasta.
Waxaan mahad dhamaanteed u celinayaa alle oo ii suura galiayay inaa aragtidayda la wadaago akhristayaasha somaliyeed gaar ahaan puntland aan muujiyo dareenkayga iyo talooyinkayga
Sidoo kale waxaan mahad gaar ah u celinayaa warbaahinta RBC raxanreeb oo ii suura galiayay inay fariintayda u gudbiyaan akhristayaasha. Waxaan oran karaa raxanreeb waa warbaahin u qaabaysan qaab warbaahineed oo waa faqsan xoriyada saxaafad iyo sara u qaadida fakarka qalinlayda . Dhamaan shaqaalaha iyo maamulka warbaahinta raxanreeb wad mahadsantihiin.
Ugu dabayn waxaan soomalida oo dhan kula dar daarmayaa midnimo. Waxaana kala dar daarmayaa qabyaalad iyo habraac beeladeed , Ogaada waa hadimada qaranimada halbeega beeluhu
Waa aragti shaqsiyadeed kamana tarjumayso oraahdaydu koox ama maamul . Waxaan dhamaan ka raali galinayaa cidii ku aragtay maqaaladaydii hayaanka puntland iyo habraaca beelaha gaf ama gees mar
Ogaada akhristayaal magafe waa illaah
Wabilaahi towfiiq
WAA QAYBTII 5AAD EE HAYAANKA PUNTLAND IYO HABRAACA BEELAHA
WAAN QAYBTII UGU DANBAYSAY MAQAALADII HAYAANKA PUNTLAND IYO HABRAACA BEELAHA
W/Q XAAMUD MAXAMED DALA AAN
Karzay3@ gmail.com
PUNTLAND SOMALIA
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











[...] View article: Qeybtii 5aad Hayaanka Puntland & Habraaca Beelaha. W/Q Xaamud Maxamed Dala-aan [...]
Qoraagu aad bu ugu mahadsanyahay maqaalkiisa, lakiin aad bay u adkaanaysaa in puntland gaadho meel qofka lagu qiimeeyo aqoontiisa, khibradiisa, garaadkiisa, aragtidiisa, kartidiisa iyo daacadnimadiisa oo aan loo fiirin QABIILKA u ka soo jeedo, waxaan orankaraa miisaafo dheer baa ka xigta jidkaa marka aan fiiriyo siyaasada garowe taal.
marka hore waxaan salaamayaa warsidaha raxanreeb.com
waa caajiib in dadka qaar wali aminsan yihiin in sool sanaag iyo cayn ay puntland yihiin
waxaan lee yahay wiilka maqaalkan qoray puntland waa garoowe garoowe ka tali mustaqbalkeeda dhul aadan lahaynwaxad u sheegataa waa adiyad
asc ugu horayn aad ayaan ugu hambalyaynayaa qoraaga maskaxda fayow ee ka dheer qabyaalada
intaas kadib kan xanuunsan ee shaxda sheektay adeer shaxlow shaydaanka baa kuu waramay shalay horteediiye shacabkaan walaalah ahoow showray oo shirayah oo inay calan shitaan sharad ku soo qaatay inaad qolo ku shuushaamisaa waa shariignimo ee waxaan ku leeyahay intaad riyo iyo khiyaali caadifadeed ku jiri lahay u fakar dantaad puntland waa layaaqaan waana dowlad leh calan ciidan shacab iyo dhul umana baahna in
Runta markaan ka hadalno puntland waa =============== kaliya waa sax dadka dega sool sanaag iyo cayn way ahaan jireen puntland lk waxaa lagaga baxay balantii ahayd wax walba waa wada leenahay waxaad tiraahdeen ============ madaxweyne ma noqon karo waxaad tiraahdee ============= ma tashan karo taana waa diiday ina adeer.
faroole meel fagaare ah ayuu intuu dadka lahadlay waxa uu yir wasiirada dawlada kumeel gaadh ah halmid ayaa puntland ah isaga oo ula jeeda hal mid ah ayaa ==================ah
waxa uu diidanaa waa halyay cabdikariin xasan jamac iyo ninkii ============ taas kuma sii jiri karno ina adeer
@shaxda sadex madaxweyne baa puntlan soo maray midkastana xabad iyo dad u laayey buu kursiga kuyimi markaa haddii aadan is hubayn cidina hoo kursiga kuma oranaysa be smart, don’t be short-sighted bro/sis.
Fiiro gaara: anigu kuma talinaayo dad tol ah isdirireen siddii cada ka hor dhacday(cade iyo cabdullaahi)