Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo Markale Cadeysay Qodobo Ku Jira Dastuurka Inay Diinta ka Leexsan Yihiin


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Sheekh Bashiir Axmed Salaad

Muqdisho (RBC) Culimo ka mid ah hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa maanta markale ka digay in qodobo ka mid ah dastuurka qabyada oo diinta ka baxsan sidooda lagu meelmariyo, sida ay sheegeen culimada maanta shirka jaraa’id ku qabatay Muqdisho.

Gudoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo afhayeenka culimada Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo si wadajir ah uga hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan ergada ansixinta dastuurka ay ALLE uga baqaan masuuliyada loo dhiibay ayna diidaan in qodobada diinta dhaawaca ee ku qoran dastuurka la meelmariyo.

“Waxaan ugu baaqeynaa golaha ergada inay ka saaraan oo ay is hortaagaan in qodobadaasi la socodsiiyo” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Qodobada ay ka hadleen culimada waxay kala yihiin;-

- Qodobka lagu cambaareeyay gudniinka gabdhaha.
- Qodobka xoriyada diimaha oo laga saaray in qofka Soomaaliga ah uusan ka bixi karin diintiisa.
- Qodobka qaangaarnimada carruurta oo loo aqoonsaday 18 jir (halkii 15 jir laga dhigi lahaa).
- Qodobka sharci darrada ka dhigay in gabadha Soomaaliyeed uu aabaheed bixin karo guurkeeda.

Dawlad Islaam ayaan sugaynay!

Shiikh Nuur Baaruud Gurxan

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo isaguna ka hadlay shirka jaraa’id ayaa la yaab u tilmaamay in meeshii laga sugayey dawlad Islaamka ku dhaqanta inay bilaabatay in si deg deg ah oo aan dhaqanka iyo diinta ogoleyn wax lagu meelmariyo.

“Waxaanba sugeynay dawlad islaami ah oo diinta ku dhaqantee, maxay tahay mooryaanimadaan iyo deg degaan wax lagu wado?” ayuu isweydiiyey Sheekh Nuur Baaruud oo carro ay ka muuqatayay markii uu hadlayay maanta.

Culimada waxay bulshada Soomaaliyeed ugu dambeyntii ugu baaqeen inay ka digtoonaadaan khataro, ay sheegeen in loo maleegayo diintooda ee la rabo in dalka iyo diintaba lagu baabi’iyo taasoo ay sheegeen inay tahay masuuliyad shacab iyo madaxba saaran ka hortagideeda.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

9 Responses for “Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo Markale Cadeysay Qodobo Ku Jira Dastuurka Inay Diinta ka Leexsan Yihiin”

  1. asad yare says:

    Ninyow dadkan say u fekeraan bal nimankan culimada sheeganaya ee UNPOS iyo mahiga shareeco islaam ka sugaya day

  2. xasn daljir says:

    Bismilah,1) qodobada ah in lacambaareeyo gudniika fircooniga ah waa sax oo waa wax lid ku ah diinta iyo xuquuqul isaanka , hadii ey jirto gudniin sunna ah lama cambaareenkaro.
    2)qodobka ah qaangaarnimada 15 jir ama 18jir, scholarska ama culimada diinta qaarkood waxey qabaan qaangaarnimada in ey tahay 18sano.qaarbaa qaba wiilka hadii biyo(mino) yeesho gabadhuna ey xeyl(caado) yeelto ey qaangaaryihiin. ilaah baa og.
    3)labada qodoboo kale waaqatar waa yaabee maxaa xigidoona!!!!!!!heyadda culimada soomaaliyeed wexey ulaxisaabtamaayaan dowladdaan magac uyaalka ah sidii dowlad xorah oo ayaheeda katashankarta. dowladaan waxaa masruufaa WNDB iyo UN sharuudo ayaana la socda, markaan iskufilnaano saandoono aan isku xukunno inta kahoreeysa adoonnimo ogolow.

  3. suheyla says:

    gudniinka fircooniga ah diinteena may qabto awalna sax maahayn sidaasi oo xadgudub ayay ku ahayd dumarkeena waayo caafimaad darro ayuun buu ugu fadhiyey ee faido marna malahay caado fircoon laga dhaxley ayuuna ahaa waanan kuraacsanahay in lasuuliyo. 3da qodob ee kale culimadaan kuraacsanahay in dastuurka laga saaro ,ummada somaliyeed ayayna utaalaa ee cid kale uma taalo inay kahadlaan hada markaan cidna inakuma dirqin karto waxaynaan rabin walaa unpos walaa mahiiga walaa madaxda somaliyeed ee loosoo meeriyey hala laado iyaga iyo kuwa lamidkaa, sida arinta xuduudaha jamhuriyada somalia, diimaha . dhalashada somali dadka qaadanaya iwm.eeg waxay inookeeneen waa gaalnimo cad oo laynoosoowado qurqqnkana mawaafaqayo qaangaarnimada culimada iyo shacabkaba aynu istagno oo diidno wixii qatar inaku ah .

  4. Said Almehri says:

    Waxaa laa yaaba qodobadu dhammaantood waxay hoos imaanayaa qaanuunka loo yaqaan xeerka qoyska ????? ??????? ??????? . muran badan ma galo xeerkaas maadaama shacbiga degan meeshaas kaliya khuseeyo. Waa yaabe xaa ka galay UN ka qaanuunkaas haddii aysan laqdabo waydin!.
    Ayaado iyo diin la khilaafo horey ayey somaaliya u eedday. warka culimada ha la raaco hana looga dambeeyo takhasuskooda (?????? ??? ????? ?? ???? ?? ?????? ). Qofkaan quudkiisa awoodin qaraarkiisana ma awoodo. sheekadu sidaas weeye siday u muuqato.

  5. [...] ah uga hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan ergada ansixinta dastuurka ay ALLEuga baqaan masuuliyada loo dhiibay ayna diidaan in qodobada diinta dhaawaca ee ku qoran dastuurka la [...]

  6. Sahal says:

    Qodobka Gabadha inuu aabaheed hee??? waxaas miyaa dastuur lagu daraa? waa Social issues ama family planning….. dastuurka haku ekaado structure, power and limit of government.

  7. cumar says:

    illah baan ku dhartaye 4 taan qodob diin teenu aad bay uga hadashay, marka culimadeena waxaan qabaa inaan ku racno waayo maslaxa deenaa ku jidha marka yaan la’is ka indhotirin diinteena ayadaan hormar ku garaynaaye

  8. Kismaayo says:

    Runtii ayaan darro ka wayn ma jirto in maanta thawaabidda ama diinta ummadda lagu gorgortamo

    Horaan uga hadlay in dastuurkan laga soo guuriyey kan mareykanka, europe iyo Kenyanka.

    Hayadda culimada maanta waxay difaacaysaa

    - Diinta ummadda

    - Qoyska Soomaaliyeed

    - Qarannimada Soomaaliya

    - iyo mustaqbalka dhallaanka Soomaaliyeed.

    Qodobka qaandhaadhka waxaa laga soo guuriyey dastuurka reer galbeedka.

    Macnaheeda waxaa weeye in

    * gabadha xijaabka laga rabin ilaa ay ka gaadho 18 toban sano

    * ay sinaysan karto (fornication) oo falkaasi ciqaab sharci ah ka ratibmaynin,

    * Guursan karin haddii la soo doono. Haddii ay guursatana tahay fal dambiyeed

    * Salaad iyo cibaadaadka badaniga iyo maaliga midna laga rabin xoolaba ha lahaatee

    Wiilkana waa la mid.

    Dhinaca kale gaalada waxay yidhaahdaan women is body oo waad aragteen gabadho yar yar oo jidhkooda waawayn wayn yahay oo ilma sita. Take for example Amerian Jew Show called Jerry Springer or Maury Show oo maalin walba soo bandhiga gabdho 10 jidh ah oo laba ciyaal sita oo aad moodoo in 20 kii ay ka wayn yihiin.

    Ta’siilkan masaladdan xagga sharicaga waa sida hoos ku qoran:

    - Qaan gaadhka islaamka waa sagaalka iyo waxa ka sarreeya. Childhood happiness ayay gabadha loose gareynaysaa oo sayco effect ayay yeelanaysaa ama burden ku noqonaysaa rugaha caafimaad is bull of Western dynamite myths.

    - In sum up gabadha waxay ku qaangaadha waa kala sooca waxa xun iyo waxa saxsan. Culimadu waxay tidhi 7 and up haddii ay caado hesho. Haddii ayan helin oo jidhkeeda sida horaadda, doollada, xubnaha muuqdaan way qaangaadhay waana la guursan karaa. Just look @ how gals drink cool aid oo horaadkeeda boosteejooyinka hormanaya

    - Wiilka waxay culimada yidhaahdeen marka ragganimo ka muuqato ama kala sooco waxa xun iyo waxa khaldan, codka, timaha bisqinta, biya duulinta iwm.

    So sheekada 18 is bullshitka timeka ka gudbay oo lagu kirkarayo bulshadan adhaxda u jabtay,

    Xasam Daljir

    Adeer aan ku saxo ninbaa warkaa yidhi wuxuuna la mid yahay kii yidhi salaadda dhuusa ayaa looga bixi karaa instead of asslamu calaykum ee iska hubi warkaada intaadan fagaaraha ku soo dhejin,

    - Gudniinka

    Gudniinka waxaa uu u qaybsama laba

    mid fircowni la yidhi oo ah kan Somalida sameyso oo imminka sii gabaabsi ah. Islaamku waa uu diiday gudniinkaasi for its serious health, birth and sexual implications,

    Midka caynkan ah kama hadlayaan.

    2- Gudniinka sunniga ah oo aan laazimka ahayn

    Maadaama ay UNDP, West iyo mooryaanka Xoosh iyo inta la shaqeysa doonayaan in umaddan sexual revolution lagu sameeyo thru western constitution waxay weerar ku yihiin xitaa kii sunniga oo sunna qudha ah maadama uu xidhiidh la leeyahay shareecada islaamka.

    Haddii la yidhaa

    - gudniinkii sunnada lama oggola

    - inanta ama inankuna qaandhkooda waxaa weeye 18 years old

    - diintana sidii shaadhka ayay u beddelan karaan

    Natiijada waxaa weeye Somali society moral fabric break down.

    Halka loo socdaa waa halkaa ee Soomaaliyey hurdada ka kaca.

    * Qodobka aabaheed ma bixin karo gabadhiisa

    Midda tani waa fasaad kale oo lala doonayo bulshada iyo qoyska Soomaaliyeed ee adhaxda u jabay.

    In a nutshell shareecada waxay bixinta gabadha siiyey aabaha ama male gaurdian oo blood relative ah.

    At the same time gabadha waxaa uu siiyey choice ah inay diidi karto cidda ayan doonayn. Ama dooran karto ninka ay rabto on one condition aabaha inuu oggolaanshada kama dambays ah leeyahay.

    If father abuse this power ay wilaayada ka wareegayso oo kama dambaystii isaga oo taagan qaadhiga guurinayo gabadha.

    Laakiin duminta this kind of islamic structure waxaa loo jeeda inuu family iyo societal breakdown la badiyo.

    Ka hortagga arrinkan waa madhlab sharci ah iyo daruuru lagu xifdinayo ishaysiga qoyska islaamka Soomaaliyeed.

    - Qodobada badan ee kale ee meesha ka buuxa waxaa ka mid ah

    jinsiyadda Somalida NFD iyo Ogaden laga xayuubiyey

    Dhulka NFD iyo Ogaden oo laga tanaazuley

    Badaha Soomaaliya oo loo xalaaleeyey Kenyan n Norwegian oil companies

    Midnimada Soomaliya oo la oggolaadey in la burburiyo

    xuduudihii dalka oo aan la qeexin

    iwm.

    Dadaalka culimada waa inaynu taageernaa.

    Shame on Somali civil society for their cahoot nature of reviving qaanunka xeerkii qoyska ee dawladii siyaad barre

    Shame on Somali youth, women group for their mysterious silent about this destructive conspiracy against Somali family

    Shame on Somali intellect, elders for their reckless silent about this fake constitution.
    etc

    Shame on many Somali tribal websites for their careless stand about this destructive constitution.

    Shame on many Somalis for not supporting hayadda culimada mowqifkeeda sharafta badan.

    May Allah protect culimadadeenna oo ah indhaha umadda.

    Thank you our Culima for your courage stand in time of trial

    God damned UN, UNDP and western life style.

    May Allah protect Somalia from those who want to destroy this nation from within,

  9. shiinadheere says:

    asw
    @ dadka oranaya waa in la gudaa gabdha ,waa in la xasuustaa taariikhda islaamka
    war hadii xubintii ay wax ka dareemaysay gabadha la gooyo ma murmaynaa
    waa in la joojiyaa guniinka aslaba
    @ qaangaarka ; waxay qabtaa diinteenu inuu qofku ku qaan gaaro laba xaaladood
    1. isagoo keena biyaha ama xaydka
    2.isagoo 15 jira
    dayib gabar sagaal sana jirta ama sideed oo xayd keentay oo aan canjeelo dubi karin waa qaan gaartay miyaan oranaynaa
    2. wiil aabhi hilible yahay oo taban jir ku qaan gaaray oo aan aqoon meesha qoraxdu ka soo baxdo waa qaan gaaray miyaan oranayna ?
    masaladu ma aha qaan gaar ee xilkasnimo da’dee ayaa loo qaadan karaa
    @ qodabka sadexaad oo ah diinta waa xor macnaha ha laga badelo sidaan waa ra’yigayga
    1. soomaaliya diin aan ahayn islaam laguma faafinkaro
    2.qofkii ka baxa diinta waa murtad waa in la dilaa
    laakiin wiil soomali ah oo ku dhashay norway oo kiristaan soo barbaariyay haduu yimaado soomaaliya ——== waa soomaali marka ugu horaysa ilayn adaa yira jinsiyada soomaali lagama qaadi karo qof soomaali ah xitaa haduu haysto jinsayad kale –== see yeelaynaa ma la dilayaa mise waa la musaafurinayaa? taas weeye micnaheedu diintu waa xor
    anaga waxaa noo yaal qodob ah diin aan ahayn islaam laguma faafin karo wadanka.

    shiinadheere (khamiis mashait sacuudi carabiaya

Leave a Reply