HORDHAC: Musharax Maxamed Axmed Saalax oo Caawa Minneapolis Ku Soo Bandhigi Doona Qorshihiisa Siyaasadeed
Minneapolis (RBC) Qabanqaabo xoog leh oo lagu soo dhaweynayo musharaxa Xilka madaxweynenimada dalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Saalax ayaa waxay ka socotaa aqalka shirarka iyo xafladaha ee loo yaqaano Al Noor ee Magaalada Minneapolis.
Xafladaan oo ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Soomaalida ee Gobolka Minnesota ayaa musharaxa waxaa uu kusoo bandhigi doonaa hadafkiisa siyaasadeed iyo waxqabadkiisa haddii ku guuleysto xilkaas.
Musharax waa aqoonyahan wax ku bartay dalka Canada waxa uuna heystaa shahaadda Injineernimo.
Wararkeena soo socda ayaan idiinku soo gudbin doonaa khudbada musharax Maxamed Axmed Saalax iyo Sawiradaba.
LA SOCO RBC Radio



















