Horumarka Waxbarasho ee Galdogob & Ismoogaysiinta Puntland
Horumarka Waxbarasho ee Galdogob & Ismoogaysiinta Puntland
Wardoon@journalist.com
Luulyo 05 2012
Mar aan dhawaan la xariiray howl-wadeenada tayaynta wax barashada degmada galdogob waxaa ay ii sheegeen in xiligan ay degmadu ku talaabsatay horumar la taaban karo, waxaa kaloo ay masuuliyiintaasi sheegeen in xiligan ay degmada ka jiraan adeeg wax barasho oo gaariisan heerarka jaamacadeed, machado, dugsiyo sare, kuwa hoose iyo dhexe iyo kuwa dhalaanka aan ayagu weli dugsiyada hoose gaarin lagu ababiyo.
Mar aan u kuur galay cida gacan ka geysata socodsiinta howlaha waxbarasho, haday ahaan lahaayeen xaga dhaqaalaha iyo dardar gelinta adeegyada iyo mashaariicda kobcineed ee heerarkaasi kala duwan ee ay u baahan yihiiin adeegyadaasi waxay ay howl wadeenadu farta ku fiiqeen in ay adeegyadaasi ku tiirsan yihiin oo kaliya bulshada deegaanka.
Sidaan ogsoonahay wasaarada wax barashada ee puntiland waxaa ay sheegtaa inay ku howlan tahay qalabaynta dugsiyada puntland, dirida koorsooyin wax barasho ee arday wata magaca puntland, bixinta agabka aasaasigaa ee ay u bahan yihiin goobaha wax barashada, waxaase daraasadaani soo saartay in ay wasaarada wax barashada ee puntland ka shaqayso goobo cayiman taasi oo xaalada wasaarada waxbarashada ee puntland ka dhigaysa NGO ku howlan deegaano gooniya ee aanay ahan wasaarad dhexdhexaad u ah deegaanada puntland.
Puntland waxay is moogaysiisaa ama ay dafirtaa horumar kasta oo ka jira deegaanka galdogob, haday ahaan laahayeen adeegyada waxbarashada, caafimaadka iyo wax kastoo ku salaysan arimaha bulshada, nasiib wanaagse bulshada deegaanku dheg uma dhigaan dacaayadaha raqiiska ah ee ay caadaysteen masuuliyiinta puntland.
Degmada galdogob waa muraayad ka muuqata dhamaanba deegaanada puntland gaar ahaana gobolka mudug, waxaa ku yaala MUDUG GENERAL HOSPTAL, oo ah isbitaalka ugu weyn ee gobolka mudug waxaa ku yaala JAAMACADDA BARIGA AFRICA faraca galdogob oo ay wax kabartaan boqolaal arday ah oo kala yimid dugsiya sare ee degmada iyo maxadada wax barashada ee culuumya islaamka oo u dhigma dugsiyada sare.
waxaa kuyaala machadka Imaamu Bukhaari oo lagu barto culuunta islaamka. waxaa kalii ka howlgala in kabadan 10 MCH oo hooyada iyo dhalaanku adeegyada ay u baahan yihiin ka daboola, waxaa ka jira isbitaal gooni ah oo lagi caweeyo cudurada feeraha ama TB looyaqaan waxaa kaloo ku yaala adeegyo ka daboola deegaanka xaga isgaarsiinta iyo korontada, degmadu dhaqaale ahaan way kobocday.
Puntland way dafirtaa horumarkaas aan soo sheegnay howl wadeenadeeduna waxaa ay ku wareegaystaan oo kaliya deegaano khaasa,ayagoo ku andacooda in ay puntlandi ha howlgasho deegana oo dhan waasina waa ay ku baraarugsan yihiin shacabka deegaanka galdogob.
==============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











[...] See the original post: Horumarka Waxbarasho ee Galdogob & Ismoogaysiinta Puntland [...]
Waxaa iska cad in puntland ay ha jifo leedahay wixii amaan ama hormar ahnna ayaga uun u noqonayso ee ka tashada sida khaatumo oo kale naamulkiina iyo wax barashadiinna soomaalina wax la qaybsada
Ka naxoo, Nafta waa!
Wanku faraxsanahay hormarka galdogob
Wanku faraxsanahay hormarka galdogob wamid ilahay logumahadnaqo in bararugan rer puntland wa aymuqata in ay iska indhotirayan hormarka casumada galdogob lkn ishii bugtay ku bidhanso galdogob waymahadsanyihin raxanreb .qoralada ankala dhicin iyo howshay u hayan shacabka somaliyeed
qoraagu waa ku mahadsanyahay ,waana wax lagu farxo in dadka galdogob inay kashaqeeyaan horumarka dagmadooda ,waxaanse su’aala hadda ka’hor aad looga hadli jiray in wasaaradda waxbarashadu aay hormarisay waxbarashadii puntland oo aynamidaysay manhajkii waxbarasho ee puntland marka maxay reer goldogob uugahaddli waayeen waxii dhaliila oo waqtigaa jiray ,sc
Qoraagu Waa runtiis hadalkaas oo uusheegay maxaa yeelay Puntland Waa ay iska indhatirtay oo kaliya waxay caawiyaan inta ay kuwooda Mas,uulka sheegta daganyihiin heeb ahaan inta kalana Waa iskiin wax uqabsada.
Waxaadanba warba iskugu daalin, markii layiraahdo gobolka mudug. Maamulka puntland waligiisba si buuxda uga mahirgalin.
War nimanyahow xisaabtankaan iyo doodaan aan meesha qaban naga daaya , Galdogob haddii wax ka maqan yihiin oo lagacan bidixeeyay oo taakulayn iyo dhaqaallo horumarinayd dibad iyo gudahaba meelkasta oo dowladdu ay wax kaheshaba iyo haddii ay ahaan lahayd cadaalad wax lagu qaybiyo iyo kawar qab xogta dhabta ee PUNTILAND , seddexda masuul ee ugu dhaw ee ay waliba ay qusayso maamul ahaan oo ay shaqadooda ay meello kasoogalayso oo haddii ay sidaas wax u jiraan ka hadli lahaa waa rag aqoonyahan ah oo xilkasnimo iyo maamul wanaag ku caan baxay oo arki kara wixii Dagmadda ay kasoo jeedaan qalad iyo dibindaabyo ku ah.(1) Dr Abdulqadir Ali Hashi oo ah wasiirka horumarinta iyo xiriirka caalamiga ah, oo og wax kast oo dhaqaalo kaalmo umaddu hesho.(2 ) Gaashaanle Sare Abdikhaliif Ajaanyo oo ah Wasiirka caddaaladda oo wixii cadaalad daro ah arki kara.(3 ) Dr Abdirashiid Xirsi oo Odayga ama Gudoomiyaha aqalka ilaalinta qawaaniinta iyo jiritaanka puntland iyo wadajirka iyo walaaltinimo. Ragaasi Galdogob wixii kaga maqan PUNTILAND way naga hor arki lahaayeene ee abtiyaalow aynu ku kalsoonaano , ayagaa Dawladdii ehe.
Puntaland wain cadalad walalnimo laiswada kashada , rer-goldogob nah wax lalagabta.
Oo aawey mamulkii Galbeedka Mudug? Sootey dagaal kula jireen Puntland,maxaa keenay in nin kaan qoraaga shaganayaa inuu arinta Goldogob Puntland saro.
Adeer maha Puntland guri marna lagalo marna laga baxo, tankale dagaal iyo nabad wax u dhaxeeya majiraan,reer Puntlana labadaasba weyaqaniin.
Cadawga Puntland saxiibkiis waa cadawga Puntland.
Soomaalidu horumar gaadhi mayso ilaa aynu runta isu sheegno, reer galdogob puntland waxay ka mid yihiin marka soomaaliya wax lala qaybsanayo, laaqiin dhab ugama mid aha , reer puntland kama xishoodaan cadaalad darada reer galdogob maal iyo ragba waa dhaqan yihiin ilaahay mooyee cid uma baahna markaa sidayada reer khaatumo ilaahay xaqa haydin fahamsiiyo insha Allah marwaxaan arki doonaa reer Goldogob oo isku tashaday.
Wiil reer Puntland@ horta maamulka galbeedka puntland waa jira balse cidda faraqa nahaysata oo meel walba iyo surin walba u tagaan inuusan maamulkaan hana qadin wa idinka wiliba waxad soo adeegsataan kuwo idin shaqeeya tasi wa taas tan kale dee adeer dagaal hadaad taqaano maxad barqo galkacyo uga oroday sidi ari bahal arkay ma doonayn inaan dib ugu noqdo wax lasoo dhaafay balse ============= markuu hadlo ayan digiigixooda wiliba aan mid kale kugu daree meeshan anigu kama arko meel uu qoraagu ku leeyahay wax hana loo qabto wuxu sheegay un inaysan puntland meshan waxba u qaban xaq ayuu na u leeyahay madama aad idinku intaas ku haysaan puntland ayeey ka midtahay
Wan iska ogaa ========= in at qarasi idin hayso waana idin ku badan doontaa ha sugu weynina
Runtii maqaalkani waxuu ka turjuma yaa laba wax yaalood oo xaqiiqa tan woobaadina ay tahay horimarka dagmadu Kumar tilaabsatay iyo sida dadkeedu aynan iskugu halayn maamulka puntland ayadoo sadexdii maamul ee soomaray ay isku mid u, ahaayeen dagmada.
Tan laabaadi Waa tan uu qoraagu ugu magacdaray ismoogaysiin runtii anigu ismoogaysiin kuma tilmaameen ee Waxaan oranlahaa Nafjeclaysi, musuqmaasuq iyo qabyaalad.
Hadaba hadii maamulkii dadka kadhexeeyay saas yahay maxaa noo banaanaada? Maxaa noo naaday inaan anagu isku kalsoonaano oon wax alaale iyo waxii maamulkaas laga sugayay aaan dhabarka uridano.
Waxman Kula talinayaa shacabka reer Galdogob in ay dadaalka ay sameeyeen ay halkaa kasii wadaaan maamulkana wey katir sanyihiine ay qayb tooda Ka qaataan ee aysan dhaleecayn un aysan Ku dhaafin
Bismillah.
Buntilaan caddaalad laguma dhisin haddana laga rajeynmaayo oo meeshii ugu xumayd bey maraysaa, haddaan isbaddal weyn la sameyn.
Anigu waxaan soo jeedin lahaa in ======== ay samraan meelkastoy buntilaan ka dagaamba, xoogna ay saaraan sidii buntilaan nabadgelyo & heshiis uga dhici lahaa,iyagoo maskaxda ku haya in nimankaan maamulka & lacagta ku waashay ee ================= ee ========= abtiga u yahay in talo loo soo jeediyo taasoo ah:
1- In la tusiyo khaladaadka ay galeen iney towbad keenaana laga dalbo.
2- Haddey diidaan in la isugu tago oo wax maamula aan loo dhiibin ilaa ay ka towbad keenaan.
Wassalaamu caleykum.
horta galdogob oo ah meesha ugu shacbiyad badan xitra garowe way ka population badan tahay balse nimanka maamula puntland inay wax u taraan iska daayee isbaaro ayeey u dhigteen runtiii hada tusaale ahaan waxa ay bixisay qaramada midowbay iyo WFP lacag gaaraysa 12 million waxaaso lacag ah waxa lagu dhisaa tuuloyinka hal reer oo aan mid labaad lahayn hal reer aya puntland dhulkoda ku dhista marka qoraaga inuu isku daaliyo ma ahayn wax lawada ogyahay anaguse deegaankena waa inaan ku filaano oo aan horumarsano lacag xalaal ahna galino sidi aan mudug general hospital u galinay 1 million $ sidaaso kale aan aiport ka iyo laamiyada dhisano wayo malintay puntland ugu wanagsanayd waxay keenen degaanka maro kaneecoyin
khaatumo ayaad kahadlaysaa xagay joogta sowtaa xamar iyo hargaysa u shaqatagtay
this is real bullshit…. still some people admire tribalism… whoever wrote this article still his/her mind lays somewhere else… i`m not against the achievement of galdogob…. but the way they translate it…..feel like it old days tribe era. common on guys we are 2012….
puntland wax wayn ayeey u qabatay reer galdogob iyo deegaanada kale ee galbeedka tusaale ahaan:
waxay keeneen maro-kaneecooyin ka badan 25 pack xagee laga helaa dowlad kugu deeqda maro-kaneecoyin intaas tiro le’eg waxasu wa jacayl iyo wada dhalasho iyo wanaag aan u hayno deeganada galbeedka lol
qoraagu waa ni qoraalkiisa ugu hiilinaya reer galdogob mase aysan garan aragtidayda waxaa uu ula jeedaa waxba puntland idiinma soo wadee tiina ku tashada dadaalkiinana laalaaba saas ayaan u arkaa aragtidayda hadaanse wax yar raaciyo puntland garowe ayaay soo dhaafi weyday hadana waaba liidataa jiritaan ahaan marka puntland waa qabri qabrina qori ku tuur maahee qori kaqaad maleh
masha alah ilahay ha usiyaadiy horu marka aygaareen reer goldogob
tan xigta reer puntlan nin waliba dagmadiisa horu markeeda isgay gacantiisa ku jirtaa shacabka baa wax qabsadee maamulku haldagmo oo pl ku taal oo uu dugsi hoose kadhisay wali lamasoo sheegin
marka waxaan filayaa dagmadii shacabkeedu u kaco way muqan tankalena habaaskaa qarin
waa sida xaqiiqdu tahay
Puntland horta inteey ka shaqeeysaa?? Gaalkacyo horta warkeedaba daa, oo ayada eey aa cunay, askari puntland oo si xoriyad ku dhex mara gaalkacyo maba jirto, oo xaafad walba(Garsoor, Israac & Baraxleey oo Galmudug labaxday kkkk) ayadaa isku talisa
—> Garowe kaliya ayaa la geeyaa shilinkii kasoo baxa dhaqliga kaliya ee puntland soo gala oo ka yimaada Dekeda Boosaaso.
– > Dhaqliga kale eey Puntland aduunweynaha kasoo tuugsato, ama haloogu waco NGO ama Gargaar (Ilaaheeyba horta gargaare ah) asagana waxaa kacanta gashta qoloda madaxweynahu kasoo jeedo markaas, waxii soo horana waxaa lagu kala faniiniyaa tuulooyinka sida xarfo, burtinle ama carmo, kkkk oo laga dhigaa sidii wax in loo qabtay camal.
Runtii Galbeedka Mudug ama xataa Mudug dhamaantiis waa yartahay wax dhaqaale ah oo dawlad oga imaada, waa iskaa wax uqabso.
Waxaan kula talinlaa Galbeedka Mudug iyo dhamaan Soomaalida meel walba eey joogaan ineey dadaalaan oo iskood wax uqabsadaan, oo ilaaheey la talo saarto, oo dhulka la fasho, oo wax la beero, oo sii wadaan dadaalkooda.
Soomaalia hada maleh dawlad daacad ah, meeshu waxeey noqotay sidii xeryaha dhurwaaga, oo xataa ilma yariis ah oo gaajo usii dhimanaya ayaa lagasii dafayaa wax yaraa oo guriga uyaalay!
Dadku waxeey ilaaween Micnaha Islaamnimada iyo imtaxaankii aduunyada, kan dil, kan dhac, kan boob, waa xaaraan kunaax. Ilaaheey hasoo hanuuniyo ummada Soomaali iyo dunida Islaamka oo dhan!
War mooge yaan layska dhigin, oo dadaalkeeni aan meeshiisa kasii wadno, oo waad ogtihiin reerku maanta inuu Bakhaaro dunida oo dhan kuleeyahay, oo hadii loo baahdo $2 million oo doolar inaan hal maalin kusoo aruurin karno.
Assc.
Horta dadka meeshaan wax ku soo qoraa qaar badani waa kuwo an ka war hayn adduun iyo aakhiro toona.Dadkaas Hurda waxaa ka mida qofka la baxay Shukre iyo kan isna isku sheegay Jeeska.Labaduba way dhago xiran yahiin.Waxaa ku xiga kan la baxay Goodir Waahis ee yiri Galdogob baa Garoowe ka dad badan.Waxba kama qabo in uu Galdogob yeesho dad badan,laakiin taas 100kiiba bqol been buu ku sheegay.Waxaana beentaas burinaysa Garoowe waxaa ku yaal dhismoyaal ka badan 10,000 kuu guri.Galdogobna ma dhamma saddex boqol oo guri,Tan kale magaalada galdogob reer gaar uma aha oo waxaa wax ka dagan soomaali kale.Ciyaalka meeshaan ka NAC-NAC leh waxba kama warqabaan.Ugu dambey [[[[[[jooga soomaaliya ma qabaan CUDURADA ay qabaan kuwa dibadaha ka qaata CAYRTA.Doqomayahoow [[[[[[[[[ madaxda puntland meelaha ugu muhiimsan ayagaa ka haya.Balada ad banaanka la wareegaysaana gudaha kama jirto.
[[[[[[[ puntland waxay ku leeyahiin dhawr WASIIR,wasiiru Baarlamaan,ninka u sareeya booliska mudug iyo madax kaloo badan.
Kan la baxay Khaatumo haddii an adiga noqon laha maba hadleen oo waan isqarin lahaa.Waayo lama hayo wax ad hadda ku fiican tahay.Sababtoo ah lix biloodba dhan baad u qayilaad doonataa.Lama hayo wax buuxiya afkaaga iska furan.Hadal la iska yiraahdo iyo magac an wax tar lahayn looma baahna ee meesha iska qaad (af la haaroow).Hadda ogoow lama dagaalina waan kala rayi qaadanaynaa
Dadka u qaba in ay Puntland magaalo kastaba ka hirgaliso waxbarasho way qaldan yahiin.War magaalo kasta oo ah puntland ayadaa dabirta (maamulata) arimaheeda waxbarasho.Galdogobna waa in uu sidaas oo kale fushadaa hawlihiisa hoose.Meeshaan ma jirto dawlad weeyn oo qarash ku bixin karta waxkasta oo looga soo baahdo.
Ku Qowdhan: Maxaad ka wadaa “ka naxoo nafta waa” Run ahaantii waxaad tahay neef ciyey oo jaahil ah, runtana ma ogalid inaad maqashid, balse waa laguu sheegayaa waxa jira oo dhabtaah. Afarta nin oo puntland hortaagan way tagayaan marka waxaan sugaynaa puntland waxay ku dambeyso, markaas qabiil wax kuu taro qanjaafulo xumayde.
Reerkan hore soo maysameysan west mudug maxaa wali hoos dhigay pintiland. Reer mudug badan oo reer pintiland ah ayaa gaalakacyo ku jooga reerkaas ee bari hore ayaa lala kicilahaa reer dumarland
War ninyahow Raxanreeb Caadi ma ahan! Horta Webkaan Ma bulshada Soomaliyeed buur u adeegaa mise Beel Baa leh? Galdogob In lagu xuuxiyo Maamulka PL Ma ahan Qoraaqu waa nin Aqoon leh lkn Waa Qadiyad Xunyahay! Galdogob Hada Wax barasho uma bilaaban orod Taariikhda dib uraac dheh Reer goldogob waxay ku jiraan dadaka ugu aqoonta badan Soomaliya/ Waxa Maamulka dadka haku dirin dheh / Faroole Ma qolo uu Iskuulo udhisaad aragtay dheh/ Waa adiga leh iska indho tika Maamulka PL!
””””””””’ afkiisa wexaa lagu tiray goldogob.. goldogob.. goldogob.. goldogob
ma tuuladaas baa idinku fillaatay? aaway dhulkii jale ee aad dagi jirteen!!!
waa ale mahadii hadii ay hor martay goldogob waxaan ku boorin in ay wax ba ka sugin mamulka pinti land
waana ku farax sanhay hor marka ay gareen
@dhalandhool waxaa kuu wanaagsanaan lahayd inaad far somaliga iska isticmaashid baldib u eeg waxaad u qabtid inay luqad saxan tahay walaal waxaad u baahan tahay (E S L) CLASS kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk barana kamadaha dadka loogu jawaabo mise waxaad tahay dadka aaminsan in luuqadaha inta caydaa laga barto hadii aan hal sentence isugu kaa darno way kugu dhib badnaan doontaa inaad kala saartid marka cool sxb hadii somaliga kugu yare dhib yahayna waa lagu caawinayaa
waan ku faraxsanahay hormarka goldogob
waa golihii nabad ,
qoraha qaaliga ah oo nuqulkaan usoo bandhigay dadwaynaha sharaftale ee soomaaliyeed kuna aadan cadaalada maamulka puntland oo si aada baryaan u agoomoobay hadana aysan jirin wax kaliya oo maamulka hada jira lagu canaanto dhibaatadanna ay soo jirtay mudo dheer kana bilaabatay marxuunkii dhintay cabdulaahi yuusuf ilaa midka hada jira oo aan orankaro waa xaq ale soodiray sababtoo ah waxa uu muujiray wax ladhowro in aysan jirin arqadadii dadka hortaagnayd ee laaluush qaataha ahaana mushaar la aan buu baday qaara waa uu laayay uma galdogob oo ay rajo usheegi jireena wax usheegba dhaafe ayagiibaa in wax lataro u baahday dhibaatana waxaa ku noqday xaqii ay dagmadooda kagaleen iyo dadkooda jeeb qof waxa loogushubana way ogaadeen in aysan hormar lahayn in kastoo taasi xaltahay in qofku wax ogaado balse waa too layd saku danteede galku guulbuujoogaah ogow galku waa gobal kunayaala galbeedka mudug
Qoraaga waxaan uga mahad celinayaa qoraalka muhiimka ah ee uu soo bandhigay runtiina mid la taaban karo, waxaana ah mid run ah inay jiraan arimhaas marka waxaad ka hilmaantay horumaradaas faraha badan ayagoo reer Galdogob samaysteen biyo gelin ayagu ay maalgashadeen marka markii ay Puntland khayr kaga waayeen tuulooyinkii ka yar yaraa ama ayada laga xukumayna ay u sameeyeen
marka galdogob ALLAA watoo wehel ugama baahna Puntland
asc wasaaradda wax barashada puntland yey waxtartaa? runtu waxa weeyaan waxbarashada wadanka ka socota oo dhan waa private ay bulshadu sameysatay ,waxaan ka war hayaa bosaaso ma jirto hal isguul oo maamulku gacan ku hayo,waxa ay qabteen oo la sheegi karo waa manhajka la mideeyey dhowaantaa.
asc.
Tusaale fiican waxaa weeye burciideedba waxaa waxbarashada dhistay waa shacabka degan ee dowlad puntland wax sidaas la sheego ma galin, marka dhulka aynu dhisano inta xinka iyo xasarada iska dayno insha allaaah allaah ha barakeeyo dhulkeena waa dhul hodan ah dad wanaagsanina daganyihiin
aamiin yaa rabi allow iga aqbal
Nin jecel dadkiisa iyo dalkiisa
Wa bilaahi towfiiq
aad ayaan ugu faraxsanahay horomarkiina ilahna ha idiin siyaadiyo idinka iyo magaalooyinka kale ee puntlaand waxaan u malaynayaa qof xaasid ku ah horumarkiina inuusan jirin haduu jirana waa doqon xaasid ah laakiin ogaada anoo matalaya walaalihiina kale ee daga qaybaha kale ee puntlaand aad baan idiinku faraxsanahay inaad horumar tiig sataan ilahayna idiin ku daro nabad oo aad qaali uga noqotay gayigeene iyo barwaaqo I LOV ……dhan ku noolaada nolol wanaagsan aaaamiiiiiiiiin byeeeeeeeeeeee
Runsheeg
Goldogob cadowgaga Hajabo ayaan leyahay.
Maasha Allah wan ku faraxsanahay horumarka waxbarasho ee ka jira Galdobog…. Mudug waa gobolkaygii…. waa deegaankaygii Puntlander ban ahay meel kastana waan ku faraxsanahay horumarka ay samayso Insha Allah waa la idiin soo jeensan ee ha is niyad jabinina
Waxaan layabaa Soomalida , Hadii uu gurigaago daloolo oo waliba roobka iyo Waxii lamida kaa celin waayo waxaa kula gudboon inaad dabooshaa maahan inaad isku daydo inaad dumisid ama aad ku eedeyso dariskaaga . Suaasha aan markasta is weeydiyaa Maxaa maamulka puntland loo gu rixaa Reer ? Hadii reeraha dagan Puntland laga hadlo waxaan ka dhashay kuwa ladhihi karo waa ugu badan yihiin saaseey tahayna mararka qaar kuwaan arkaa Cataabaya, Maamul mashaqeeyo hadii bulshafldiisu aaney ka shaqo badan maamulka , Puntland waa state aan ku midoownay kuligeen Qofwalboow waxaad qaaban karto qabo adigoo fiirinaya in ilaahey kaa siiyo xasanaad Nina ha uga fadhinina ineey kugu siiyaan bilad IWM
Aad baan ugu faraxsannahay horumarka Galdogob. Laakiin waxaa
jira cudurro aan daawo lahayn sida tan Shukre. Alloow Caafimaad.
Puntland Boy@ hadalka dowgiisa lagama leexiyo meesha waxa laga hadlaya eexda iyo cadallad darada hadii maamulku tabar yari hayso inta yar ee lasoo helo in la wadaago sow may ahayn tusaale ahaan sanadkii hore 150,000 ayeey degmo ka mid ah mudug heshay sido kale sanadkaan waxa loo qoondeeyay intii oo kale oo mar labaad ah halka galdogob oo isla gobolkaas ka tirsan la is inkirsiiyay hade walale dadku wax walba waa lasocdaan labo mid weye ama aan wada lahaano ama aan kala lahaano wax u dhexeeya maleh puntland nimanka madaxda ka ah tii ay galdogob gobolnimada u diideen oo wiliba tuulooyin ay gobollo ka dhigeen ayan ku haysanay balse hada waxay noqotay wixi tusbax afka laga furay marka tollow hadhow yaan la is eedayn ileen waad u jeedaan cidda ka baxday wixi lagu wada dhistay puntland e
kan WAAYEEL la baxay isaga dhib baa haysta saa meel kasta khaatumuu ka dhex arkaa oo u calaacalayaa mar kasta adeer ma sidaasaad waayeel ku tahay meeshan galdogob iyo horumarkeedaa lagaga hadlayaa yaa khaatumo hadal haya qarawga iska kala yaree khaatumo waxay tahay cidi kuma waydiinin e yuus iyo calaacal.com
Jaallayaasha RAXANREEB
Waxaan dareemay dhowr jeer oo aan fikrad ka dhiibtay hunqaaco
uu qof qoraal ku sheegayo, in aydan marna daabicin. Sababtu ma
aha mid aan garan karo maadaama aysan wax afxumo ama
aflagaaddo ahi aysan ku jirin. Fadlan ila soo socodsiiya sababta.
@ waayeel horta waxa laga hadlaayo waa dhaliil maamul ku socota ee arinta reero hala doonan tankale qoraaga kusaxiixan aragtida ayuu qoraalku ku kooban yahay raxanreeb ma quseeyo hadaad taqaanid xeerka saxafada, hadalka qoraaga maantuuba soo baxay waraarada waxbarashada waxaa ay baahisay natiijooyinkii imtixaanaadka dugsiyada sare waxaana ay kusoo koobtay CUMAR SAMATAR oo gaalacya ku yaal GAMBOOL oo garoowe ku yaal IYO BOSAASO secondary school meeye dugsiyadii kaloo deegaanka puntland oo kumanaanka ahaa maxaa wax kasta gaalkacyo garoowe iyo boosaaso ku kooba, tankale dadka reer puntland raxanreeb markuu puntland amaanana waad amaantaan markuu fikir qof oo dhaliil maamul xambaarsan oo saxa sheegana waad xagxagataan oo beel ayad u saarisaa saas ninyohow waayeelnimo maahee sida isu dhaan. viva raxanreeb ogaadana commetiga iyo maqaalada looma saarin karo shabakada raxanreeb
To hayaan , Waxaad sheegtay oo dhan waa kugu raac sanahy in Aay Puntland kajirto cadaalad daro baahsan, Waxaan u baahanahay inaan saxno, Puntland waxay joogtaa meeshii lagu dhisay 10sano kahor, Cadaalad darada & Tuugnimada baahsan ee ka jirta Puntland Waa kabixi karnaa hadaan kuligeen gacmaha is qabsano Marwalbana aan u hiilino cadaalad & Sinaan, Markii aan is ixtiraano oo aan muujino walaall nimo & wax wada cun Markasaan Soomalida inteeda kale wax tari karnaa,Waxaanse aan marnaba iga suuroobeyn inaan Gadaal gadaal u socdo Adigana waan kaagala talinyaa, Puntland hadeey xuntahay waanaga wada xuntahay ee ina Adeer aansaxano, waa inaan dhisanaa Asxaab siyaadadeed oo hadhow lala Xisaabtamaa, Paarlamaan ku sheega Garoowe fadhiyana waa inaan erinaa Dad nooqalmana oo Educated waa inaan Dooranaa, Puntland waxaa loo aasassey
To Hayaan, Waa kugu raac sanahay in aay puntland ragaadisay cadaalad daro, Puntland waxaa la aasaasey Mudo kabadan 10sano meeshii lagu aasaasey ayay taagan tahay Odayashii barlamaan ku sheegana Garooweey fadhiyaan, Puntland waxay ubaahan tahay in sida loo maamulo & Dadka maamulaba labadalo, Waxaa aasaasey aaba yaasheen waana ku mahad sanyihiin ineey intaa soo gaarsiyeen Waxaa nalaka rabaa inaan meeshaas aan kasii qaadno Hagaa jinana, Puntland waxaa Ragaadiyay Daniistayaal Kasoo wada jeeda degmo kastoo Puntland ah , Shaqadaan ku ligeen beey noo talaa Maahan in dadgooni ah lagu riixo oo taas waxaan ula jeedaa Dulmigu & cadaalad daradu Gobol walba & Dagmo kasteey ka jirtaa, Marka ina adeer Dadka maamula Puntland & Sida loosoo doortaba nooma Qalanto 2012 Waaka qiima badanahay, Waxaan u baahanay dad aan doorano kulana xisaabtano shaqadeey qabteen & horumarkeey kasa meeyaan Gobolkasta & Dagmo walba,
Reer galdogobow yaan la is dafirin oo halakala garqaato, waad ogtihiin deeqihii waxbarasho ee Turkiga in aad hesheen ama aad qaadateen tiro ama NAMBAR aad u badan marka la isbarbardhigo beelaha Puntland, taas oo la sheegay inay beesha xisaabi kumaqantahay haddii la xisaabtamo oo aysan wax kamaqan aysan jirin.Ma ogtihiin, Dr Abdilkadir Ali Haashi wasiirka homarinta iyo iskaashiga caalamiga inta uu arday u soo dhameeyay waxbarasho CHINA, SUDAN, INDIA, PAKISTAN,BANGALADESH,UGANDHA, MALESHIA.
PUNTLAND meelaha cadaalada laga ilaaliyo, meelaha qawaanta iyo shuruucda laga dajiyo iyo meelaha kaalmooyinka waxbarasho iyo dhaqaalaha caalamka laga helo iyo iskaashiga caalamiga ahba ragga masuulka ka ah waad garanaysaan sidee ugu eedaynaysaan Puntland gacanbidixayn.
Asc.
KU.Wiil Xarfo.
Horta anigu Raxanreeb wax xun kama sheegin.Sidoo kale qabiil gaara ma dhaleecayn.Haddii an iri dawladda puntland meelna school kama maamusho ee Galdogob ah is dabirto ma ceebbaa?
Tan kale dadka maanta la sheegay waa dadkii ugu darajoda badnaa ardayda reer puntland.Waxaa kaliya oo la soo qaaday ama la soo sheegay inta arday ee gaartay heerka darajada A iyo A + iyo dad an badnayn oo dhacay ama an ku guulaysan waxbarashadii sanadkaan.Saas haddii la yiri maxaad ugu badasheen qabiyaalad iyo waxa xilka leh ee ad intaas la wareegaysaan?School-da la sheegayana waa high school.Waryaa aniga Gaalkacyo iyo Galdogob waa isugu kay mid.Waxaase anan qaadan karin dadka ducufada ah ee markastaba ceebaynaya dad an ceeb lahayn.Qof an qori karin luuqadda uu u dhashay oo dadkale wax xun ka sheegayaa soo wax lala yaabo ma aha.Waxa meeshaan wax ku soo qoraa saas bay u badan yahiin.Kama hadlaan xalinta amuuraha dunida jira ee kii hadlaaba waxuu oranayaa puntland daacadnimo kama jirto.Maamulka puntland waa la dhaliili kara,laakiin waa in ay dhaliishu noqotaa mid la qaadan karo.Ugu dambeyn reerka ay intaas caayaan waxba kama qaadi karaan ee ayagaa dambaabaya.Qofkii Ina faroole dacwad u qabaa ha u tago ama ha la xiriiro.Maxa darbiyada afka loo saarayaa.
KU.Nina.
Saaxiib waadan fahmin ma ahee Khaatumo waxaa meesha keenay qof la baxay magacaas oo waliba si an jirin u faaniyey magacaas.
Tan kale ee ad tiri Waayeel meelo kalena waan ku arkay soo adigiba halkaan laguguma arag?Xagga ad sheegtayna soo ma adan joogin?Waxaad kaloo sheegtay in aan jiranahay.AL-xamdillaahi Rabilcaalamiin oo waan caafimaad qabaa Allaah (swt) mahadddiis.
Puntland boy@ thnks walale wayo ragu wa garaaba ama wa gar qaata maanta hadaad dareentay liicitaanka cadallada wa illahay mahadi wayo waxa na dhibay kuwa markii la dhoho waxbaa khalad kugu soo boodaya oo aanba hadal kuu ogalayn waa kuwa markaas madaxtooyada ka ag dhow e igaroo marka dee wuxu haday noqdaan mashruuc malinba jilib ku danaysto dhibkeeda ayeey leedahay marka waad ku mahadsan tahay fikirkaga wanagsan bro
A. SH@ qoodhaa iyo xerada ee ha hafrin dadkaas waxaad sheegtay hal wax xita kama soo gaarin e hada malin dhawayd nin ka hadlay BBC laanteeda afsomaliga ah kana waramayay lacag ay US-aid iyo WFP bixiyeen waxa uu mashruuc dal-dalayay oo u hadba tuulo usheegayay saan isu lahayn tallow goormu soo qadan dona deeganada galbeedka ayuu ku soo af-jaray suni jiif miyay ahayd adiga meelaha meel ka mid ah xita haduu oran laha sanadka danbe qorshayasha ayeey noogu jiraan reer galdogob ama bursalax ama bayra ama gansaxle ama bali-maajoor ama deegaanada tirada badan ee galbeedka wax bay ahaan lahayd xita haday sidi sanadkii hore 30 baco kaneeco keenan xita kama darteen kkk ileen wa wax qabad e marka ha hafrin reerka intaad difaacayso qabiil iyo waxan la’aqoon
Guul Goldogob, noolaada —-============ , Putland waxaba uma ogidin, walee, horumarkiinana , illaahay ugu mahad naqa,
Waa caqli-foorara nin argigixiso ku magac dhabay oo rabay in uu ku isir-tirtiro, in aad uga cabato wax
qabad la’aan. Soo ma ahan, ” Maan-Barrey iyo Maan-Bilaal”.
War beenta hala is ka daayo aduun kaan waa laga dhibanayaa. Qabiilkuna waa waxa dadka soomaaliyeed saas ugal. Ilaahoow nabad baa id
Shirdoon.@ waan dareemi kara meesha aad ka hadlayso balse cabasho maha ee wan run sheeg runta aya la isku sheegaya si aan biri kamalin eeda adan lahayn lagu sarin marka xaqiiqada jirta aya inta aan wili ogayn la ogaysiin ee xita anaga naga mid ah markaas weye howshu xita ciwaanka maqaalka dib u akhri
Dadka galdogob dega puntland way ku fantaa,wana lafdhabartii dadka iyo deganka
Puntland,xilla ay ka hayan iyo sida ay u dadihinayana waa lagu faraxsan yahay,
Waxan kaloo an la hilmamikarin doorka Ugaska iyo isimada galdogob xafudullah
Ugaska.
Disaparaha besha haka qaybqaten dhismaha wadanka intay duminta ka qaybqaden lahayen,
Intoda
mansha allah aad ayaan ugu faraxnahay horumarka ay gaartay goldogab waana dadka aqoonta laga soo gaaray cidna uma baahna waana isku firlan tahay waana isku filnaaneysaa Allah idinkiis xaga dhaqaalaha aad ayey ugu sareeyaan reer goldogob dibad iyo gudaba waa ku caanbexeen ninkii iska hadlayoow iska hadal qoraagana waad ku mahadsan tahay sida aad noogu soo gudbisay Jazakalahuma kheryr
aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in degmada galdogob ay hormar la taaban kadho gaarto maanta
iyadoo oo ay puntland aysan ku caawin hormarkaas waa guulo ay gaadhay degmada maanta
waxaan filayaa in degmada Galdogob ay kamaaranto maamulka xun ee puntland
waxaan jeclaan lahaa in dadka reer Galdogob ay maamul ugaara smaystaan maxaa yeelay
maamulka lagu sheegayo puntland waxba uma qabto waa magac oo kaliya uu sheegtaa puntland puntland waa maamul xun qurun ah
aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in degmada galdogob ay hormar la taaban kadho gaarto maanta
iyadoo oo ay puntland aysan ku caawin hormarkaas waa guulo ay gaadhay degmada maanta
waxaan filayaa in degmada Galdogob ay kamaaranto maamulka xun ee puntland
waxaan jeclaan lahaa in dadka reer Galdogob ay maamul ugaara smaystaan maxaa yeelay
maamulka lagu sheegayo puntland waxba uma qabto waa magac oo kaliya uu sheegtaa puntland puntland waa maamul xun qurun ah//