Howlgalo Ballaaran Oo Maanta Ciidamada Dowladda KMG Ah Ay Ka Wadaan Muqdisho Iyo Afgooye


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Waxaa saaka meelo badan oo degmooyinka magaalada Muqdisho ka socda howgalo baaritaano ah oo ay wadaan ciidamada dowladda, kuwaas oo dhowr qof ku qab-qabtay sida ay u sheegeeyn RBC Radio goobjoogayaal ku sugan degmooyinka Gobalka Banaadir.

Meelaha sida weyn ay baaritaanada saaka ka socdaan oo dadku ku soo tooseen waxa ka mid ah degmooyinka Hiliwaa, Yaaqshid iyo Deyniile, halkaas oo dadka ku dhaqan saaka ay ku jarmaadeen baaritaano iyo ciidan badan oo halkaas ku sugan.

Laga bilaabo Qabuuraha Barkaat, Gubta, Waxar-cadde, Suuqa Xoolaha iyoo Warshaddii Baastadaa ee degmada Hilawaa ayaa lagu soo waramayaa in ay ka socdaan baaritaan xooggann oo ay wadaan ciidamada dowladda KMG ah Soomaaliiya.

Taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin,oo saxaafadda kula hadlaayay warshaddii Baastada ayaa sheegay in howgalkan uu yahay mid ammaanka Muqdisho lagu sugaayo,

Wuxuu sheegay in dadka la qabqabtay la baari doono , haddii lagu helo in ay ka tirsan Al-Shabaab loo gudbin doono maxkamada ciidamada qalabka sida halkaas oo dacwad lagu soo oogi doono, dadka kalana ee dambi lagu waayana la iska sii deen doono.

Dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo gaadidka ayaa lagu soo waramayaa in aysan wax saamen ah ku yeelan howgalka ka socda degmooyinka dhinaca wooyi ku yaala Muqdisho, waana howgaladii ugu ballaarnaa ee halkaas laga sameeyo tan iyo markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeyn Muqdisho bishii August ee sannaadkii hore.

Dhinaca kale, meelaha howgalada ay saaka ka socdaan waxa ka mid ah wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, halkaas oo lagu arkayo ciidamo badan oo gurguri ugalaya deeganadaas oo inta badan dadkii ku noolaa ay ka guureen markii ciidamada iyo kuwa AMISOM ay qabsadeen dhowr bil ka hor.

Ma jiro faah-faahin laga hayo howlgalkaas iyo inta ay la egyihiin tirada dadka lagusoo qabqabtay toona, sidoo kale waxa caadi ah oo wax saamen ah ku yeelan dhaqdhaqaaqa gaadidka iyo dadka ee adeegsada wadada dheer ee Muqdisho iyo Afgooye.

RBC Radio
————————
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

1 Response for “Howlgalo Ballaaran Oo Maanta Ciidamada Dowladda KMG Ah Ay Ka Wadaan Muqdisho Iyo Afgooye”

  1. [...] Continue reading here: Howlgalo Ballaaran Oo Maanta Ciidamada Dowladda KMG Ah Ay Ka Wadaan Muqdisho Iyo Afgooye [...]

Leave a Reply