Iiraan: 35 Saldhig oo Mareykanku Ku Leeyahay Bariga Dhexe Daqiiqado Gudahood Ayaan Ku Duqeyn Karnaa
Tehran (RBC) Sarkaal ka tirsan ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ee wadanka Iiraan ayaa shaaca ka qaaday hadal markii ugu horeysay ka nixiyeydawlada Washington kadib markii uu cadeeyey in Iiraan ay awoodu leedahay in 35 saldhig oo Mareykanka ku leeyahay Bariga Dhexe isku daqiiqad ay burburin karaan haddii ay timaado in Mareykanku dagaal ku soo qaado Iiraan.
Gen Amir Ali Hajizadeh ayaa saxaafadda ugu sheegay magaalada Tehran ee xarunta wadanka Iiraan in Mareykanka uu ku leeyahay Bariga Dhexe 35 saldhig militari dhamaantoodna ay gaaraan gantaalada Iiraan.
Gen Amir Ali Hajizadeh wuxuu shaaca ka qaaday in gantaalada ay heysato Iiraan ay ku jiraan nooca Shabab-3 oo wax ka duqeyn kara 900-mile, halka saldhiga ugu fog ee Mareykanka ku leeyahay gudaha Bariga dhexe uu jiro masaafo dhan 200-mile oo kaliya.
Saldhiyada ugu waaweyn ee Mareykanka ku leeyahay Bariga Dhexe waxaa ka mid ah saldhiga ku yaalla wadanka Baxreyn, Kan Imaaraadka Carabta iyo midka Sacuudi Carabiya kuwaasoo dhamaantood u dhexeeya masaafo dhan 200-mile illaa 120-mile oo kaliya.
“Saldhigyada Mareykanka hadda naguma hayaan wax khatar ah laakiin haddii ay fursad keento waxaan ku burburin karnaa isla daqiiqada ugu horeysa ee ay na soo weeraraan” ayuu yiri Gen Amir Hajizadeh.
Hadalka Gen Amir wuxuu soobaxay xiulli dhoolatus weyn oo lagu soo bandhigayo awooda ciidan ee Iiraan uu ka socdo xeebaha wadanka Iiraan.
Walwalka Yuhuuda
Durba markii hadalka sarkaalka ugu sareeya militariga cirka ee Iiraan ayaa waxaa walaac weyn muujiyey maamulka Yuhuuda oo iyagu 600-mile kaliya u jirta dhulweynaha Iiraan, taasoo micnaheedu yahay in haddii dagaal ka dhan ah Iiraan uu yimaado in mudo daqiiqad ah Iiraan ay ku burburin karto saldhigyada militariga Yuhuuda.
Yuhuuda waxay aad isugu haleyneysaa awooda dawlada Washington, waxaana walwalka ugu weyn uu ka taagan yahay baaxadda awooda militari iyo mida hubka ee sii kordheysaee ay heysao Iiraan taasoo gaartay meel aan laga fileynin.
Tekefishanka ABC News ayaa soo tabiyey in markii warkan uu soo baxay Khamiistii ay wax ka weydiiyeen waaxda difaaca Mareykanka ee The Pentagon hase yeeshee aysan ka bixin wax jawaab ah.
Hase yeeshee ABC News ayaa sheegay inuu helay xog sheegeysa im Mareykka uu wado qorshe uu dib ugu habeynayo ciidankiisa ku sugan Gacanka Persian-ka. Waxaana dhanka kale sii kordhaya cadaadiska dhanka dhaqaalaha ee reer galbeedka ay ku hayaan dalada Tehran oo cunaqabateyn dhanka djoofinta shidaalka la saaray.
Mudanayaasha baarlamaanka Iiraan ayaa iyagoo ka jawaabaya talaabada cunqabateynta dhoofinta shidaalka waxay soo jeediyeen in xukuumadda Tehran ay xirto marinka Hormuuz si ay uga aargudato tallaabada reer Galbeedka.
RBC Radio











saas madahabshiil ayaa u hadashay yaab
Iiraan VIVA. waxay dhaamaan carabta kala diraca dheer, waxaanse ka naxsanahay Turkiga oo markii la arkay inuu Soomaaliya dawlad quwad leh inuu u dhiso laga baqayey oo lagu mashquuliyey inuu Suria weeraro, ka dib markii Diyaarad, xulafada galbeedku soo rideen ay dusha ka saareen Suria, iyo turkiga oo is cajabiyey oo u hanjabaya dalka Suria,
warkaasaa imaraya aniga yahuuda xiligoodii ayaa soo dhawaaday masar niman adag ayaa la wareegay waraa jiri doone wiishka lee hayeero
Runtii annaga Soomaali ahaan ma garanayo sababta dadkeennu isugu mashquuliyo arrimaha Bariga Dhexe. Annagu waxaan nahay dadka dad ugu liita oo jeerta kuma jirno, arrimaheenna ayaan falanqayn la’nahay, waxaad se mooddaa in aan dadkaas kale ee wax naga dhexeeya jirin aan u dabaqoor nahay ayaguna dadka nagama yaqaannaan.
Waxaan had iyo goor waqti badan ku luminnaa Maraykanka iyo wixii aan u aragno guuldarradiisa oo aan ku wiirsanno. Afrikada kale saas ma ahan ee waa un Soomaalida cidda Carabta u naagaysa oo Maraykan in uu caddowgood yahay laga dhaadhiciyey.
Iiraan iyo Carabta waxba igama galin, Maraykanna waa kan keliya ee dadkeenna taakuleeyey.
walee wakhtigii raga diraca xidhaa waa dhamaaday.turkey iyo suria na ilahay ha kala qaboojo. somalina nabad iyo horumar baan ilahay uga baryaynaa.Wayo waa inaynu inagu badbaadino qudus somali galbeed iyo NFD. ducada badsha alle ha inoo sahlee.
viva SOMALILAND oo macnaheedu yay “South somalia ,djabouti,somali galbeed,NFD and north somalia.”
kkkkkkkkkkkkkkkkkkk wadi dhabta waxaa ku lee yahay carab wax waa naga galeen waa waxaa naga dhexeya islaamtinio maraykana wax naga ma galin oo waxaa codaw alle oo waxaa naga dhexeeya dagaal iyo hagardaamo dadka aad leedahay waa uu taa kuleeyay waxaan filaa waa qoxootiga jooga wadan keesa oo uu rabo in uu badalo diintooda iyo dhaqan kooda ee fan u jeed ka allaha ku fahansiiyo marka saas ola soco oo maraykan ka aad cabsantahay is ka dhaaf oo ka towbadkeen
K.k.k.k suriya lama taabtaan weeye wale waa markii 2 nuclear MOSCOW laga soo tuuri lahaa