Iniesta Oo Loo Magacaabay Xidigii Ugu Wanaagsanaa Tartanka Yurub 2012 a
Kiev (RBC) Ciyaaryahanka Qadka dhexe ee kooxda Spain ayaa loo magacaabay xidiga ugu wanaagsan tartarkii kubadda cagta Yurub ee sannadkan 2012-ka lagu qabtay wadamada Poland iyo Ukraine.
Ciyaaryahankan ka tirsan kooxda Barcelona ayaa loo arkay xidig kooxdiisa gacan ka siiyay in ay ku guuleestaan tartanka Yurub markii habeen hore ay 4 iyo 0 kaga adkaadeen kooxda Talyaaniga, markii uu ku soo bandhigay Kiev ciyaar aad loo jecleestay.
Madaxa farsamada xiriirka kubadda Yurub ee UEFA Andy Roxburgh ayaa yiri : ” Iniesta waa ciyaaryahanka ugu wanaagsan Yurub 2012, maxaa yeelay waxa uu soo bandhigay ciyaar aad loo jecleestay oo kubadda cagta dhadhan u yeeshay”
Sidoo kale Mr. Roxburgh ayaa yiri 10-ka tirsan xulka Spain ayaa loo arkay 23-ciyaartooy ee kooxda Yurub ee sannadkan 2012.
Iniesta, ayaa sidoo kale dhaliyay goolkii guusha ee ka dhalatay kooxda Holland sannadkii 2010-ka koobka aduunka ee ka dhacay dalka Koonfur Africa.
Steven Gerrard ayaa kaliye ku jira xulka England xidigaha 23-ka ee u ciyaaraya kooxda Yurub.
Hadaba 23-ciyaartooy ee loo magacaabay in ay yihiin kooxda Yurub waxa sidan:
UEFA Euro 2012 Team of the Tournament
Goohayaasha ; Gianluigi Buffon (Italy), Iker Casillas (Spain), Manuel Neuer (Germany)
Difaacyada waxa ka ciyaaraya: Gerard Pique (Spain), Fabio Coentrao (Portugal), Philipp Lahm (Germany), Pepe (Portugal), Sergio Ramos (Spain), Jordi Alba (Spain)
Qadka dhexe waxa ka ciyaaraya: Daniele De Rossi (Italy), STEVEN GERRARD (England), Xavi (Spain), Andres Iniesta (Spain), Sami Khedira (Germany), Sergio Busquets (Spain), Mesut Ozil (Germany), Andrea Pirlo (Italy), Xabi Alonso (Spain)
Weerarka waxa ka ciyaaraya: Mario Balotelli (Italy), Cesc Fabregas (Spain), Cristiano Ronaldo (Portugal), Zlatan Ibrahimovoic (Sweden), David Silva (Spain)
RBC Radio
—————————
Xafiiska Ciyaaraha Bariga Yurub












[...] Visit link: Iniesta Oo Loo Magacaabay Xidigii Ugu Wanaagsanaa Tartanka Yurub 2012 a [...]