Inta Badan Gobalada Soomaaliya Oo Maanta Laga Soomanyahay iyo Qaybo Ka Mid ah Gobalka Galgaduud Oo Anan Laga Soomanayn


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Magaalada Muqdisho iyo inta badan gobalada Soomaaliya ayaa maanta laga soomanyahay iyadoona qaar ka mid ah deegaanada gobalka Glgaduud aanan saaka laga soomanayn.

Dadka Soomaaliyeed eek u nool inta badan gobalada Soomaaliya ayaa maanta waxay soomanyihiin maalintii koowaad ee biyasha barakeesan ee Ramadaan.

Arintaan ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii dadka Soomaaliyeed ay sheegeen in ay bisha ka arkeen qaybo ka mid ah Muqdisho iyo deegaano ka tirsan gobalada waqooyi ee Soomaaliya.

Sidoo kale maanta waxaa laga soomanyahay wadamada islamaanka oo uu ugu horeeyo wadanka Sacuudiga oo xalayba looga dhawaaqay in ay ramadaan tahay.

Iyadoo ay taasi jirto ayaanan maanta waxaanan laga soomanayn deegaano ka tirsan gobalka Galgaduud ee ku yaala bartamaha Soomaaliya, oo ay ka rimiyaan ururka Ahlu Suna waljamaaca.

Arintaan ayaa waxay ka danbaysay ka dib markii saraakiisha Ahlu Suna Waljamaaca ay sheegeen maadaama aysan arkin bisha in maanta ay tahay maalin shaki ah oo aanan la soomi Karin. 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Leave a Reply