Isbedel Doonka Puntland oo Qeylo Dhaan ka Soo Saaray Xadgudubyada Saracen, Kana Digay in Doorashada Dib Looga Dhigo Xilligeeda (Bayaan+Sawiro+Dhageysi)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Gudoomiyaha Xisbiga Talo-Wadaag, Maxamed Cilmi

Muqdisho (RBC) Bayaan ay maanta magaalada Muqdisho ka soo saareen Xisbiga Talo Wadaag oo ka mid ah ururada isbedel doonka Puntland ayaa looga hadlay dhibaato ay sheegeen in shirkadda Saracen iyo maamulka Puntland ka jira ay ku hayaan dadweynaha ku nool deegaanada waqooyiga bari ee Soomaaliya.

Bayaankan oo lagu soo beegay munaasabadda 1-da Luulyo oo ku beegan 52 guuradii ka soo wareegatay maalinta xoriyada dalka isla markaana la soo gaarsiiyey qeybaha warbaahinta dalka ayaa xisbiga Talo Wadaag waxa uu DKMG Soomaaliya ka codsadaty inay faragelin ku sameyso xadgudubyo lagu hayo shacabka reer Puntland kuwaasoo ururku uu sheegay in ay si weyn ugu lug leedahay shirkadda Saracen ee dhanka amaanka qaabilsan lagana leeyahay wadanka Koonfur Afrika taasoo fadhigeedu yahay magaalada Boosaaso.

Haddaba bayaanka ururka xisbiga Talo Wadaag ayaa u qornaa sidatan;-

BAAQ

Xisbiga Isbedel doonka Puntland ee Talo Wadaag

Tr’ 1, July 2012, Muqdisho-Soomaaliya

1. Waxaan ku baaqeynaa in Dawlada Federaalka Soomaaliya ay wax ka qabato xadgudubyada lagu hayo shacabka reer Puntland.

2. Waxaan ku baaqeynaa in beesha caalamka ay ka hadasho xasuuqa lagu hayo dadka reer Puntland ee ay geysaneyso shirkadda Saracen.

3. Waxaanu beesha caalamka u sheegaynaa in dadka reer Puntland aanay marnaba raali ka noqon doonin in doorashada Puntland dib uga dhacdo xilligeeda oo ku beegan 8/01/2013.

4. Waxaanu maamulka Puntland u sheegeynaa haddii ay doorashada dib uga dhigaan xilligeeda in shacabka Puntland ay gacantooda ku keeni doonaan isbedel rasmi ah.

Bayaanka kadib ayaa waxaa shir jaraa’id magaalada Muqdisho ku qabtay gudoomiyaha xisbiga Talo Wadaag ee Puntland Maxamed Cilmi oo sheegay in bayaankan ay soo saareen kadib markii la caburiyey saxaafadda ka hawlgasha gudaha Puntland isla markaana laga xayiray siyaasiyiinta iyo cuqaasha inay ka hadlaan xaalada cakiran ee ka jirta deegaanka.

Maxamed Cilmi wuxuu sheegay in Puntland ay u baahan tahay in la badbaadiyo maadaama ay aas aas u tahay dawlada federaalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Goobta bayaanka lagu soo bandhigay waxaa goob joog ka ahaa isimo iyo cuqaal reer Puntland ah oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Bayaankan ayaa ku soo beegmay iyadoo qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta, odayaal dhaqameedka iyo wariyaasha ay isaga carareen Puntlandkadib markii uu kordhay cadaadiska uga imaanaya maamulka.

HALKAN KA DHAGEYSO SHIRKA JARAA’ID

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

14 Responses for “Isbedel Doonka Puntland oo Qeylo Dhaan ka Soo Saaray Xadgudubyada Saracen, Kana Digay in Doorashada Dib Looga Dhigo Xilligeeda (Bayaan+Sawiro+Dhageysi)”

  1. sool says:

    Dhabayaco howshaan idinkey idiin taal waxwalba markaad xumeyseen ayaad calaacaleysaan waa lakala baxayaa mar dhow idinkaana meesha ta idin kaga tagey

  2. Osmaan says:

    Walee faroole waa lugu hayaaaa

  3. Puntlandi says:

    Qaswadayaal wa in laxirixiraa,,,,,,,,,,sawirada an mesha kuarkaayo qaarbaa dil puntland kuxukuntay,,,,,,,,,

  4. Hanad says:

    Ina gumeed yaal baa meesha iskugu yimid oo waliba laan gaab miiran ah, yaa wax ka waydiinaya arimaha puntland caado qaatayaashan

  5. haji says:

    S/c dhamantin. adeer meesha raga iiga muuqda waa wada dib usocod qaar kood waligood dhuun tooda,jeeb kooda,iyo qabiil kooda ayey waligood ba wax udoonan. waligoodna punland way joogeen hadey wax fiican kenayaan. anagey dan tooda goonida ah xaqnooga dhigayaan. war hadhagay sanina.

  6. xaji maxamed says:

    kkkkkkk groupkii cabdulaahi siciid miyaa sharkale noo soo gashaday doorasho iyo axsaab u soo diyaar garooba tuugo wakhtigeedii wuu dhamaaday dhalinyaro aqoonyahan ah ayaanu dooranaynaa.

  7. samatar says:

    asc bani aadanka inta caqliga leh marka loo sheego xumaanta ay suubiyaan wey ku cibro qaatan oo waxbey ka badaal lakiin doqon waligiiba isma badalo oo xikmad somaliyeed ayaa oraneso doqon baa hadlay intuu lumay oo lasoo helay maxaa la igasoo helayaa bari ayaan lumayaa, maamulka faroole waa sidaa oo kale hadlakii doqonka ayuu ku sifeesan yahay, tan kale dadka qabiilada ku tilmaama laangabyo maxey u baran waayen abtirka qabiilada oo u ogaan waayen in faarax dooxajoog ka dhaladsan yahay faroole oo u yahay xusen talo rer kana curadsan yahay kana xadaaradsan yahay, nina aribuu daba jooga nina kaluun buu lasoo baxaa ma dadkaaba siman

  8. Jamaaal says:

    Masha allah loo bahan yahay in la sheego waxa waanka ka jira maxmamad cilmi waa geesi reer punrland usoo baxay oo u bareeray groupka faroole

  9. Ina walaaleeye says:

    @Hanad
    Ogow marka la sheego ereyga “LAAN” dadka soomaalida qaar baa u arko inuu yahay ereygaasi wax xun oo laga xishoodo, qaar kale oo sida adiga oo kale waxay maalintii dhowr jeer ku dhawaaqaan in ka badan 100 jeer erayada “Laandheer iyo Laangaab”, war isku xishoow, dadku waa siman yihiin wax la yiraahdo Laandheer iyo Laangaab ma jiraan.
    C/laahi Suldaan Timacadde gabayadiisii waxaa ka mid ahaaa tuducdan hoose:
    Dugsi ma lahan qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.

    Dadka aad sawiradooda kor ku arkeysaa waxay isu arkaan inay wax wanaajin karaan, waxay naceen nidaamka Faroole balse ma aysan nicin Faroole shakhsiyadiisa.

  10. asc.Walaa waxaa maanta yaab ah in dadka curadadiisii ku caanoshubijirey lugu sheego inan gumeed waxaase kasii daran in markii laarkay xaaladu ineytahay nin waliba dhulkii dhulkiisii halayimaado
    miiska dhul ninkaan heysan inuu xoogii bilaabo war dhac iyo xoog wu dhamaaday inan gumeed waa kan wax dhac waxna xooga ee dhul laheen nasabkuna waa kan xishooda e xalaashana quuta 3 daxdiinaan reer oo soomaaloo dhan nagu diray hadaad wax isku heysaan reer xalaal quute dhulbeyleeyihiinee idinku dhul hada miyaad xoogi kartaan xoog wuu dhamaaday putlanna waa ceebeeseen soomaalina idin nacday e idaba qabta xishoodkuna isbara waa iimaan wuxuu idinbarayaa xalaasha

  11. hanni says:

    puntland duushey ee ku dayda dabada qof walboo qabsadaa u joojin meeso

    maasha alaah puntland 4ever ilaahay cadowgiina ha jabso dhulkana alaha la rogo shacabka puntlandoow dantiina raacda alaaahna talada u dhiibta soomaali oo dhan ayagaa idiin baahanayo idinka ilaahbaa idinka koriyey gacan bini aaden waayo marka ilaahay dhulkiina waxii batrool ahaa ee adunka ugu badnaa buu dhulkiina galiyey maasha alaah aduunka waxaa u taliya wa dhaqaale ilaahayna waa idin siiyey alaaaah ha idiin siyaadsho anigu xaasid ma aha soomalida idin xaasidesana xaqa alaha fahansiiyo cafwan ascwrwb kudayo puntland ku dayo waa arin run ah

  12. NUUR says:

    Dadkiinaan qabyaaladda ku waashay hal reer baad islatihiin mid weliba kan kale wuxuu yahay buu asna yahay ama iskala qaadqaada ama iska daaya. Sabsaabyadaa isyiraahda maantoo dhan adiguba sabsaab suu kan kalena adiguba sabsaab adeerayaal waxaad meesha ku haysaan waa shaqadii sabsaabyada ee nagala taga qurunyahaw qurunku wada dhalay.
    Oday damme oo dukhuun ah dooniba mayno ee doorashada soo socota ninkii wax isku hayaw yaan lagu waayin goor ay ahaataba waa la qaban ilaah idinkii.
    SC.

  13. SUULDHABAALE says:

    Dib jiradii iyo ciyaal kooladii intuu shirayay ayuu PUNTLAND wax ka sheegayaa. war naga aamus hus iyo habataqan lagu yiriye. Ciil ayaa aqabta marka aan arko kuwa xamar fadhiya oo hadana dowladda PUNTLAND wax ka sheegaya.

    Adeerayaal kuwa aad la joogtaan ee bariiska u agfadhidaan baa talo idiinka baahan. waxba ha noo sheegina ee afkiina naga haysta!!!

  14. Adan says:

    Somaliland baa colaad uu qabta beesha ============, Somaliland baa doonaysa inay ina soo weerarto, ============ baa isir ahaan ina soo weerari doonta, alshabaab, shimbiris, galagala warlord iyo jinni baas baa weeraraya waxaas oo dhan baa lagu khuukhun jirey reer ============, balse dadku waxa ay ogadeen in soomaali kale oo uu soo socota oo colaad uu qabta aanay jirin, kolkaas reer ============= waxa ay indhahooda uu jeediyeen gudaha gobolkooda iyo siyaasada gudaha, waxaanay arkeen wax aanay filayn oo ah cadaalad-darro, dhaqaale-xumo iwm.

Leave a Reply