Jooqle Shire Iyo Fanaaniin Kale Oo Ka Tirsan Qeylo Dhaan Ayaa Maanta Soo Gaaray Muqdisho
Muqdisho (RBC) Xubno fanaaniin ka tirsan kooxda qaylodhaan oo ay ka mid yihiin Jooqle Shire iyo Cabdixakiim Ciise Geedi Farayare ayaa maanta barqadii ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Waxaa dadkii soo dhaweynayay kamid ahaa Fanaanta maanta timid Muqdisho Ma’suuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, iyo maamulada 16-degmo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada .
Fanaaniinta Muqdisho soo gaartay ee ka tirsan Qeylo dhaan waxa ka mid ah Jooqle Shire Jaamac, Muusikiistaha caanka ah ee Cabdi Xakiin Farayare iyo Gudoomiyaha Hey’adda Wadahadalka Bulshada Ciise Axmed Cumar .
Jooqle Shire Jaamac, oo saxaafadda kula hadlay Garoonka waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in Magalaad Muqdisho uu kusoo laabto mudo 20-Sano kaddib,waxa uuna xusay in uu ka qeyb qaadan doono qorshaha nabadda lagu soo celinaayo Soomaaliya.
Si kataba, Muqdisho oo hadda ammaan ah ayaa waxa maallin kasta yimaada fanaanin iyo dad qurba joog ah kuwaasoo dhowr iyo 20-sanno dalka ka maqnaa, waxana qaarkood ay magaalada ka sameesteen goobo ganacsi.
Kooxda Qeeylo dhaan ayaa si weyn u soo baxay sannadkii seddaxdii December 2009-kii, markaas oo ay qaaden heeso badan oo ka turjumaya xaaladda dalka uu maanta marayo, waxana mid ah Heesta Qeylo Dhaan oo ay qaadeen is-qarxintii ka dhacday Hottel Shamow
Waxa dhawan magaalada Muqisho yimid guddoomiyaha kooxdaas Abawaan Cabdi Shire Jaamac Ciyaar Jecel , sidoo kale waxa ka horreeyay fannaaniin kale oo ay ka mid tahay Seynab Labodhagax , iyadoo bishii ay yimaadeen Muqdisho Caasho Kiin iyo seygeeda oo ah Fanaan.
Jooqle Shire Jaamac ayaa sheegay in Soomaaliya ay ugu dambeysay sannadkii 1986.
RBC Radio
———————–
Xafiiska Wararka Muqdisho












[...] View post: Jooqle Shire Iyo Fanaaniin Kale Oo Ka Tirsan Qeylo Dhaan Ayaa Maanta Soo Gaaray Muqdisho [...]