Kaalinta Burcad Badeeda Ay Ku Leeyihiin Madaxda DKMG iyo Puntland (Qeybtii 4aad Warbixinta Monitoring Group)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Guddiga Qaramada Midoobay u Qaabilsan La Socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea “UN Monitoring Group” ayaa warbixin ay soo saareen taasoo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Raxanreeb  ayaa shaaca looga qaaday si faahfaahsan malaayiin doolar oo deeq ahaan u soo gashay DKMG Soomaaliya taasoo ay musuqmaasuqeen madaxda ugu sareysa dawlada, sida warbixinta lagu sheegay.

Warbixintaasi oo ka koobneyd 198 bog ayaa qeybtii hore [halkan ka akhri]ayaa arimaha ay ka hadashay waxaa ku jira qeyb ku saabsan kaalinta burcad badeednimada ka jirta xeebaha wadanka ay ku leeyihiin madaxda ugu sareysa DKMG iyo maamulka Puntland iyadoo warbixintu ay tilmaantay in madaxweyne Shariif iyo madaxweynaha Puntland ay xiriir soke la leeyihiin hogaamiyaal sare oo ka tirsan kooxaha burcad badeeda.

 Gabaadsiinta burcad badeeda iyo difaacidooda

Warbixinta guddiga madaxa bannaan ee Qaramada Midoobay ee Monitoring Group, waxay shaaca ka qaaday in inkastoo dadaalo heer caalami ah, dhaqaale iyo ciidamo la geliyey sidii loo dhameyn lahaa dhibaatada burcad badeeda ee ka jirta xeebaha Soomaaliya haddana dadaaladaasi ay caqabad ku noqdeen dufaacid la difaacayo burcad badeeda iyadoo qaarkoodna ay magangelyo iyo saaxiibtinimo ay ka heleen madaxda sare ee dawlada.

Burcad badeeda Hobyo iyo Xarardheere ayay warbixintu sheegta, inay xiriir dhow la leeyihiin masuuliyiin heerkoodu sareeyo oo ka tirsan dawlada KMG Soomaaliya.   Horraantii bishii April 2012 waxay sarakiisha socdaalka ee wadanka Malaysia waxay qabteen nin lagu magacaabo Maxamed Cabdi Xasan Afweyne oo ka mid ah hogaamiyaasha kooxda burcad badeeda Xarardheere iyo Hobyo.

Sida warbixinta lagu sheegay, Afweyne wuxuu ku safrayey baasaboor nooca ‘diblomaasiga’ ah oo ay bixisay dawlada KMG Soomaaliya, wuxuuna ku sii jeeday inuu soo booqdo xaaskiisa iyo qoyskiisa oo ku noo dalal dibadda ah.   Saraakiisha laanta socdaalka ee Malaysia markii ay weydiiyeen Afweyne sababta socdaalkiisa waxaa uu u soo bixiyey baasaboor nooca diblomaasiga ah iyo dukuminti rasmi ah oo sheegaya inuu yahay diblomaasi ka tirsan dawlada Soomaaliya.

Dukimintiga uu watay Afweyne waxaa ku saxiixnaa agaasimaha madaxtooyada DKMG Soomaaliya Maxamed Macalin Xasan, iyadoo sida ku cad dukumintogana uu ogaa madaxweyne Shariif.  Waxaana waraaqda aqoonsiga diblomaasinimo ee Afweyne ay sheegeysay inuu wakiil uga yahay DKMG ah arimaha la dagaalanka burcad badeeda ee gobolka ‘Ximan iyo Xeeb’.

Markii uu Maxamed Cabdi Afweyne dib ugu laabtay magaalada Muqdisho waxaa la xaqiijiyey in uu u yeeray madaxweyne Shariif, iyadoo kooxda Monitoring Group ay heleen saraakiil dawlada ka tirsan oo xaqiijiyey in Afweyne uu yahay “diblomaasi sare” oo ka tirsan DKMG ah uuna magacaabay madaxweyne Shariif.

Kooxda waxay kaloo Madaxweyne Shariif laftiisa uu u sheegay in sababta Afweyne loogu magacaabay diblomaasinimada ay tahay si loogu dhiirigeliyo in looga weeciyo ‘falka burcad badeednimada’ ee uu faraha kula jiray, taasoo kooxda Monitoring Group ay ku sifeeyeen in hogaamiyaasha burcad badeeda ay ka gowsqabaan madaxweynaha DKMG ah iyo masuuliyiinta kale ee dawlada.

Monitoring Group waxay sheegeen inay heleen number-ka baasaboorka uu sito Afweyne.

Kooxda burcad badeeda Hobyo iyo Xarardheere waxaa ugu caansan ragga kala ah; Maxamed Cabdi Xassan ‘Afweyne’, C/qaadir Maxamed Cabdi, Axmed Saneeg Faruur, Maxamed Gafaanje, Suxufi, iyo Xuseen Jiis.  Ragaan waxaa uu xiriir kala dhexeeyaa burcadbadeeda Puntland, mararka qaarna waxay faa’ido wadaag yihiin saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab, sida warbixintu sheegeyso.

Burcad badeeda iyo kaalinta Puntland

Warbixinta waxay taabatay in burcad badeeda ka hawlgasha deegaanada Puntland ooay ku jiraan hogaamiyaal burcad badeed oo sare ay ku dhow yihiin maamulka Puntland isla markaana si xor ah iyagoo aan wax cabsi ah ka qabin in la xiro ama la qabto.

Warbixinta waxay tusaale u soo qaadatay, in inkastoo maamulka Puntland uu sheegto inuu xiray burcad badeed badan haddana weli burcad badeeda aan waxba laga qaban.  Intii u  dhexeysay October 2011 and May 2012 waxaa maamulkaPuntland uu sheegay in 600 burcad badeed ah ay xireen, iyadoo taasi ay uga faa’ideysteen dhaqaale fara badan oo adduunka, gaar ahaan Qaramada Midoobay iyo wadamada Carabta sida Imaaraadka Carabta ay ugu talagaleen wax ka qabashada burcad badeeda, Laakiin markii la baaray waxay kooxdu ogaatay in kaliya 300 burcad badeed ah ay ku jiraan xabsiyada Puntland.

Ragga la xieay ee burcad badeeda ah kuma jiraan xubnaha caanka ah oo ay ka mid yihiin; Maxamed Cabdi Garaad, C/laahi Faarax Xasan, Looyaan Siciid Barte, Ciise  Yulux iyo Maxamed Warsame (ku magac dheer Xaaji).

Illaa siddeed markab oo illaa hadda ku jirta gacanta kooxahaburcad badeeda Puntland ayaa la sheegay inay kala joogaan xeebaha Garacad, Bandarbeyla iyo Raas Xaafuun, halka kooxda burcad badeeda Hobyo iyo Xarardheere ay heystaan kaliya labo markab oo kala ah “Albedo iyo Orna”.

Waxaa xusid mudan in maamulka Puntlanbd uu horey u sheegay in burcad badeeda laga ciribtiray Garacad oo ka tirsan gobolka Mudug.

Puntland: horumar mise boropaganda?

Madaxweyne Faroole, wasiirkiisa dekedaha Siciid Maxamed Raage iyo idaacadda Radio Garowe waxay dhamaan bixiyeen tirooyin kalla duwan oo ku saabsan burcad badeeda u xiran maamulka Puntland iyo tirada illaa hadda la geeyey maxkamad ee lagu qaaday dembiyadooda afduubka maraakiibta iyo dadka, waxaana sida warbixintu qortay soo baxday in in ka yar 300 xubnood oo burcad badeed ah ay ku jiraan xabsiyada Puntland.

Abshir Booyax, Mid ka mid ah hogaanka burcad badeeda Punrland oo lagu wareystay Garowe dhexdeeda.

Warbixinta kooxda Monitoring Group waxay keentay su’al ah kiiska Puntland ka jira inuu yahay “Puntland: Progress or Propaganda?” oo ay ula jeedaan sheegashada Puntand ee ku wajan inay ciribtireen burcad badeeda ay tahay barobaganda loogu talagalay in caalamka looga faa’ideysto loogana helo dhaqaale.

“Madaxda Puntland- oo uu ku jiro madaxweyne Faroole laftiisa ayaa lagu eedeeyaa inay ka faa’ideystaan hawlaha burcad badeednimada iyo lacagaha madax furashada ee laga helo maraakiibta iyo ajnabiga la afduubto”ayey tiri warbixinta. Waxay kaloo sheegeen in madaxweyne Faroole iyo QARAABADIISA iyo xubnaha ku dhow madaxtooyada ay noqdeen kuwa sida weyn uga macaashay burcad badeeda.

Kooxdu waxay sheegtay in mar kooxda Monitoring Group ay codsadeen inay tagaan deegaanada Puntland si ay baaritaan ugu sameeyaan arimaha burcad badeeda iyo wararka kala duwan ee ku saabsan burcad badeeda, laakiin madaxtooyada Puntland ay diideen in kooxda ay soo booqdaan deegaanada Puntland.

Sida warbixinta lagu sheegay, xubnaha burcad badeeda ee aadka ugu dhow madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole waxaa ka mid ah Maxamed Cabdi Garaad [Majerteen/Ciise Maxamuud/ Muusa Ciise] oo ah horjooge maleeshiyo burcad badeed ah horeyna masuul uga ahaa afduubka maraakiibta iyo shaqaalaha saaran oo laga qaaday lacago madaxfurasho oo malaayiin doolar gaaraya.

Saracen oo magaca bedelatay

Saracen- Puntland

Monitoring Group waxay ogaadeen in shirkadda Saracen International oo si sharci darro ah uga hawlgasha Puntland ay hadda bedelatay magaca iyadoo la baxday magac cusub oo ah “Sterling Corporate Services or SCS”.  Shirkaddan waxaa maamul nimanka kala ah Lafras Luitingh, Nicolas “Nic” Van Der Bergh, François “Frans” Eugene Fourie, Lood Pepler iyo “Major” Botes oo dhamaantood ah saraakiil sirdoonka Mareykanka, Ingiriiska iyo Uganda ka tirsanaan jiray oo hawlga noqday.

Saracen oo hadda la baxday “Sterling Corporate Services” waxay ku hawlgashaa wax ka qabashada burcad badeeda iyo tababarida ciidamada badda Puntland, hase yeeshee guddiga Monirtoring Group waxay shaaca ka qaadeen in aysan jirin talaabo muuqata oo burcad badeeda laga qaaday, taasi bedelkeedana Saracen ay hoosta uga jirto toosna u maamulo madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo danahiisa gaarka ah ku fushada.

Saracen “Sterling Corporate Services” waxaa la sheegay inay hadda heysato illaa 1,000 askari ayna keentay diyaarado qumaatiga u kaca iyo qalab ciidan oo casri ah kuwaasoo dhamaantood gacanta ugu jira askar daacad u ah madaxweynaha Puntland.  Su’aal ayaa ka taagan in ciidanka badda Puntland ee ku hoos naban Saracen loo arki karo ciidan Soomaaliyeed taasoo jawaabteeda kaliya ay bixin karaan saraakiisha madaxtooyada Puntland.

Shirkad la talisa Saracen oo degan Mareykanka (Steptoe & Johnson) ayaa Monitoring Group u sheegtay bishii Febraayo 2011 in Saracen ay joojisay shaqadii ay ka waday Soomaaliya, laakiin Monitorinmg Group waxay ogaadeen in markii ay magaca bedesheen kadib ay sii wateen hawshooda gudaha  Puntland, taasoo ahayd sababta magaca looga bedelay Saracen.

 

Akhri warbixinta Monitoring Group oo Dhan

 

———————————————————————————————-
*Warbixintan waxay qeyb ka tahay 198 bog oo UN Monitoring Group u gudbiyeen Golaha Amaanka.  Waxaa soo tarjumay Shabakada Raxanreeb.com.

Share

Tags:

13 Responses for “Kaalinta Burcad Badeeda Ay Ku Leeyihiin Madaxda DKMG iyo Puntland (Qeybtii 4aad Warbixinta Monitoring Group)”

  1. khaatumo man says:

    UN Monitoring Group” hambalyo hambalyo maamulka faroole waa burcad badeed xiriir toos ah ayuu la leeyahay murcad badeeda faroole ayaa hogaamiye u ah waa in maxkamad la soo tagaa

  2. Puntland boy says:

    Qolooyinkaan fadhiya Nairobi waxaan la yaa banahay Qoraladaan aay ku aflagaa deeynayaan Puntland, Puntland argagixisaa joogata meelo kamida ka been sheegaysa Diinteena suuban See rabaan in loola dagaalo ma dhagxaan baa lagu tuurtuurayaa ? Waa ogyihiin hubka Puntland la keeno maahan Mid aay Puntland Soogadato Oo Qarash eey leedahay lagu soogado Waa jiraan hey ado Puntland kala shaqeeya xaga amniga Iwm Taasina maahan in Puntland Wadanka Hub keento ,Burcad badeeda Maahan in laga been abuurto Madaxda Sharafta leh ee Reer Puntland Waana in apology Lasiiya asap , Puntland waxaa kaga baxay ladagaalanka Burcad badeeda Naf iyo maal aad Utiro badan Iyadana waxaan kahelikartaan Warbixinta oo dhameystiran Puntland .Gov , Viva puntland & Soomalia

  3. Amina says:

    Monitoring Group aad ayey u gardarnyihiin, Puntland hadii ay amni geeda xoojisay waa wax loo baahan yahay, ma’rabaan in wax lanoqdo, Faroole haw ogolaan iney yimaadaan P/L,Soomaaliya inay wax noqoto ma’rabaan markii nabad yari soo iftay ayey calqalad dadka kula wareegeen nimankan hada madaxda ka ah wadanka marka runta laysu sheego wax dhaama malleh maxaayelay wadanka waa soo xasilayaa ayguna maaha niman is qabqabsada markii la arkay inay sharaxan yihiin ayey qori dab leh kula wareegeen,laakiin waa inaan loo joojin oo Somaali danteeda garato.

  4. Ismahan says:

    Kkkkkkkkkkkkkkkl war farole walosogay

  5. FARATELO says:

    ASCaleykum, Waxaa layaab leh qolyahaan ayaga yaa la xisaabtama waxaa la yiri nin aduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban tuug inta ku xada kadibna kugu leh adigaa tuug ah waxeey ka mid tahay arimaha xisaab xirkooda quseeya maxaa yeeley xisaab baa la lunsadey markaasaa waxaa lagu dufan tiranayaa ragaan masaakiinta oo hadeey ugu badato wax yar aay kasooo gaartey xolahaas la lunsadey. Waxaan Somaali kula talin lahaa ineey kasoo horjeestaan gudiga hada la leeyahay dhaqaalaha Somaliya ayaa loo dhiibayaa sartu halkaas ayeey ka qurunsan tahay waana arintaan mida la rabo in loo cuskado si gudigaas loo sharciyeeyo marka Somali ayagaa gacantooda isku laayey jawaabtiina waad aragtaan sidaas ayey noqotay waxaana looga bixi karaa kaliya in gacanta lays qabsado codowgana lays ka celiyaa cadowga saxdaa waa kuwaan marba dacwo aan jirin kusoo oogaya Madaxda Somaliya, kuwa wax qaatey waa yaqaneen maay toos u abaraan oo xabisaan waxey rabaan kaliya waa qas iyo burbur kale. illaahow dal nabada iyo dad caafimaadqaba sc.

  6. Rebublican guard of puntland says:

    Adeerayaal Puntland Hadii wax laga sheego Iyo Hadii kaleba way dhaqaaqday anagana wan garabtaaganahay dawladeena

  7. qabqabsey says:

    comment aan ka bixiyay halkan xiligii lagu haystay markabkii u rarnaa somaliland xeebaha puntland
    waxa aan sheegay in Faroole iyo dawladiisu ay gacan ku leeyahiin budhcad badeeda arintaana aan gudbin doono .dadbadn waxa ay u haysteen in aan iska hadlay.rag is gurayee yipeee

  8. samatar says:

    kkkkkkkkk rer puntland waxaa isaga qaldan tuugada maamulka heesa iyo qabyaalada, allow kuwa badan oo taagerayaal ah yaa dhaho faroole naartu galayaa ma raacesan haa oran lahaayen , war qabilka iska dhaafa oo si wanagsan u adeegsada xumaana qofna haku taagerina umaddas dagan puntland ma u danbaa sarecan jawaabta adiga isasii

  9. saadiq said says:

    asc dhamaan waxaa u mahadcelinayaa maamulka raxanreeb sida wanaagsan ay har iyo hameen u soo tabiyaan arimo badan oo loo baahnaa in ay dadku ogaadaan waxaan soo dhaweynaya kooxda Monitiring group waxaasa nasiib xuma ah in ay musuqmaasuqii soomaaliya lago sameeyey ay ku soo kuubaan shantaaan qof lacagtii la musuqmaasuqayna ay ka dhigaan 12.5 milyan halka aan ugnahay in musuqmaasuqo ay ka qayb qaateen kumanaan kun qof iyo dowlado lacagtuna kur u dhaaftey 2.8 bilyan (not milyan) anigo waxa uran lahaa waa bilow fiican in wax la baaro lakiin si fiican wax ha loo baaro qofkii wax laga sheegana yaan la daaficin ee isago ha is daafaco un waa hayda labaad ee aduunka ugo musuqmaasuq badan marka laga soo tago african union oo labar one ah xaga musuqmaasuqa

  10. xasan yassien says:

    kooxda monitoring Groubka waa koox siyaasadeed waxa ayna diyaarinayaa qorshayaashii lagu bur burin lahaa soomaliya marka uu dhamaado kumeel gaarku waxa ay diidan yihiin geedi socodka nabadeed ee hada socda warbixintaa gabigeeduba waa been la dhoodhoobay oo lagu doonayo in lagu cuuryaamiyo umadda soomaaliyeed tan kale in puntland ciidankeeda ay dhisato ma khaladbaa waxaa leeyahay ha ka fiirsadeen hadalkooda Un Monitoring Group waa shayaadiin cas-cas iyagu may daba gal isku sameeyaa balaayiinta doolar ay madaxa soomaaliya ay ku cunaan waxaa loo baahan yahay in iyaga daba gal lagu sameeyo soomaalay gacmaha is qabsada oo iska dhiciya cadowgiina diintiina iyo jiritaankiinaba cadowga ku ah waa iga talo iyo tusaale soomaalay

  11. dhoof says:

    Monitoing GROUP waa tuugo dan soomaaliyeedna mawadan waxaad ku garanaysaa may hadday waxa hayaan keenaan hadda ka hor markiise wax yar oo if ah lahelay ayay malee gayaan qas

  12. Adna says:

    waaw waan ku faraxsanahay in la helo xog dhab ah oo ku saabsan waxa dalka ka jira,
    madaxweyne Faroole waa nin fiican balse Rakaabkiisa ama la taliyaashiisa ayaa xun kuwaas ayaa inrta badan ku tagrifala HANTIDA UMADA

  13. Adna says:

    fAROOLE MAXKAMADA CAALAMI AH HA LASOO TAAGO, HANA LA WEYDIIYO MEESHA UU MARIYAYA HANTIDII UMADA REER PUNTLAND ASIGA IYO WIILKIISA AYAA SACA WADA LISTA OO KALIYA

Leave a Reply