Kenya: Al-Shabaab Waxa Ay Dooneysaa In Ay Weeraro Ka Geesato Kenya
Nairobi (RBC) Dowladda Kenya ayaa maanta oo Jimco ah sheegtay in ururka Al-Shabaab ay ku goodisay in ay weerar ka geesan doonto dalka Kenya inta lagu gudajiro bisha Ramadaan oo maanta ay kow tahay
Taliyaha booliska Nairobi Anthony Kibuchi ayaa sheegay in ay heleen hey’addaha sirdoonka warar sheegaya in Al-Shabaab ay dooneyso in ay weerarka soo qaado inta lagu gudajiro bishan barakeesan ee Ramadhan.
“Al Shabaab oo ah kooxo argagixiso ah waxa ay dooneysaa in ay weeraro wax lagu burburinaayo ay soo qaado inta lagu gudajiro bishan Ramadhan,” sidaas waxa yirii Kibuchi
Isagoo intaas ku daray in qof walba uu foyijignaado oo taxadar uu muujiyo”
Meelaha sida weyn la sheegay in qaraxyada ay ka dhici karaan waxa ka mid ah Nairobi iyo Mombasa, iyo siddoo kale meelaha hotelada iyo dukaamada iyo goobaha laga raaco gaadidka dadweynaha.
Kenya ayaa tan iyo markii ciidan ay u soo dirtay Soomaaliya bishii October ee sannadkii hore, waxa gudah dalka Kenya ka dhacay weraroo iyo afduubyo la sheegay in ay geesteeyn Al-Shabaab.
Waxa dhawaan magaalada Wajeer lagu dhaawacmay ilaa shan qof, waxana ciidanka Kenya ay ku eedeeyeen ururka Al-Shabaab.
RBC Radio
————————-
Xafiiska Wararka Naiorbi











[...] Read More: Kenya: Al-Shabaab Waxa Ay Dooneysaa In Ay Weeraro Ka Geesato Kenya [...]