Koobka General Daa’uud Oo La Shaaciyay Xilliga Uu Furmaayo


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Cabdi Qani Saciid Carab.

Cabdi Qani Saciid Carab.

Muqdisho (RBC) Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa ku dhowaaqay in 20-ka bisha August ee sanadkan uu magaalada Muqdisho ka furmayo koobka General Daa’uud

Shir jaraa’id oo uu Axadii qabtay xoghayaha xiriirka Soomaaliya ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa ku sheegay in koobka General Daa’uud uu muhiimad wayn u leeyahay bahda isboortiga Soomaaliya.

Wuxu sheegay in koobka lagu wado in la soo gabagabeeyo kahor 14-ka bisha September oo uu billaabanayo wareegga labaad ee horyaalka kubadda cagta dalka Soomaaliya.

“Wareega labaad ee horiyaalka Sera A-da Soomaaliya waxa uu furmi doonaa ka hor bisha September 14-keeda, maxaa yeelay waxa hadda lagu jiraa bisha Ramadan, sidaa dardeed koobka General Daa’uud waxa la ciyaari doonaa mudadaas si ay u loo lamaan ciyaartoyda” sidaas waxa yiri xoghayaha xiriirka Soomaaliya ee kubbadda cagta Cabdi Qani Saciid Carab.

Koobka kubada cagata ee General Daa’uud oo ay ka qeybgalaan kooxaha heerka koowad heerka labaad iyo heerka sadexaad ee kooxaha kubbadda cagta Soomaaliya ayaa ah koobka labaad ee ugu saameynta badan Soomaaliya.

Dhinaca kale, Cabdiqani saaciid ayaa sheegay in dhowr cayaartoy oo xirfad wanaagsan ay ka liis-gareeyeen wareeggii hore ee horyaalka Soomaaliya, isla markaana ay rajeynayaan in mustaqbalka dhow lagu daro cayaaroyda Soomaaliya u mataleysa cayaaraha caalamiga ah.

Horyaalka kubbadda cagta Soomaaliye wareeggiisa hore ayaa 17-kii bishan lagu soo gabgabeeyay magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka Jaamacadaha oo uu ka socday horiyaalka 37-aad ee kooxaha heerka koobaad.

Koobka General Daa’uud Cup waxa uu ka mid yahay koobabka Soomaaliya aad looga jecelyahay marka laga reebo horiyaalka heerka koobaad ee Soomaaliya.

Dhinaca kale, xoghayaha xiriirka Soomaaliya ee kubbadda cagta ayaa kula dardaarmay kooxaha ka qeybgalaya horiyaalka Soomaaliya in ay sii wadaan tabbobarkooda, si ay wareega labaad uga qeybgalaan.

RBC Radio

——————-

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

3 Responses for “Koobka General Daa’uud Oo La Shaaciyay Xilliga Uu Furmaayo”

  1. [...] Visit link: Koobka General Daa’uud Oo La Shaaciyay Xilliga Uu Furmaayo [...]

  2. mudane mudug says:

    xiriirka kubada cagta somaliya .. maxay xiriiriyaan xamar oo kaliya miyey somaliya u yaqaanan
    waa in dhammaan dalka kooxaha ka jira ay ka qayb qaataan dalka oo dhanna lagi ciyaaro si dunida ka jirta dhaowr mooryaan oo xamar joogta ma matali karaan dhammaan somaliya ………..

  3. [...] (magdh) Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa ku dhowaaqay in 20-ka bishaAugust ee sanadkan uu magaalada Muqdisho ka furmayo koobka General [...]

Leave a Reply