Koox Ka Tirsan Al-Shabaab oo Maanta Soo Weerartay Suuqa Bakaaraha oo Askari Toogatay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Ugu yaraan Labo ruux ayaa ku geeriyootay saddex kalana way ku dhaawacmeen kadib markii maanta koox la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab ay weerar ka geysteen gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha.

Kooxdan weerarka soo qaaday ayaa toogasho ku dishay askari ka tirsanaa ciidamada nabadsugida ee dawlada waxaana ciidamo kale oo goobta ku sugnaa ay iyaguna toogteen mid ka mid ah kooxda weerarkasoo qaaday.  Saddex ruux oo rayid ay ku jiraan ayaa ku dhaawacmay israsaaseynta ku dhexmartay labada dhinac gudaha suuqa.

Goobjoogayaal ayaa Raxanreeb u sheegay in ay arkeen israsaaseyn dhexmareysay ciidamada nabadsugida ee amaanka suuqa gacanta ku haya iyo koox ka koobneynd dhowr nin oo weerarka soo qaaday.

Sarkaal u hadlay Taliska booliska suuqa Bakaaraha ayaa warbaahinta u sheegay in ay toogteen nin ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday isla markaana ay ku raad joogaan dhowr kale oo ka baxsaday ciidamada ku sugan suuqa, sida uu sheegay.

Amaanka suuqa ayaa galabta xasiloonaa waxaana isgoyska waaweyn ee suuqa la dhigay ciidamo ka tirsan booliska iyo nabadsugida.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo gudaha suuqa Bakaaraha ku dhexmara ciidamada nabadsugida iyo koox ka tirsan ururka Al-Shabaab tan iyo markii dawlada ku dhawaaqday inay magaalada Muqdisho ka sifeysay haraadiga ururka Al-Shabaab.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

1 Response for “Koox Ka Tirsan Al-Shabaab oo Maanta Soo Weerartay Suuqa Bakaaraha oo Askari Toogatay”

  1. Abu-wehliye says:

    Maxey denbi ah ayeey ku leeyihiin dadka ka adeeganaaya Suuqa ineey ku dhintaan ama ay ku dhaawacmaan xabad la is dhaafsanaayo.

    Waxaan dhihi lahaa kooxaxa Soomaaliya isku heysta U NAXA UMADAN MASAAKIINTA AH.

Leave a Reply