Kooxda Elman FC Oo Aan Sannadkan Ka Qeybgaleynin Koobka Bariga Iyo Bartamaha Afrika [Faah-Faahin]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) War lagu kalsoon yahay oo ay heshay Shabakadda RBC Radio, ayaa muujinaya in sannadkan ay kooxda Elman FC oo ah horiyaalka Soomaaliya aysan ka qeybgali doonin tatarka bariga iyo bartamaha Africa oo 14-ka bishan July ka furmaya magaalada Daaris Salaam ee dalka Tanzania.

Warka waxa uu intaas ku darayaa in kooxda Elman oo u mataleys Soomaaliya in lagu wargaliyay in ay iska bixiso dhaqaalaha ku baxaya ilaa inta ay halkaas joogi doonto, laakin kooxda ayaa muujisay in aysan awood u lahayn dhaqaalahaas in ay hadda bixiso, maadama aysan ahayn koox dowladda ama hey’ddo waa weyn ay maalgaliyaa.

Kooxda Elman oo hadda ah kooxaha ugu caansan Muqdisho, ayaa waxa ay soo ifbaxday wixii ka dambeeyay burburkii dalka 1991-dii,markii ay burbureen kooxihii 10-ka ahaa ee heerka koobaad ee Soomaaliya.

Ma cadda sababta hadda keentay in kooxda Elman aysan ka qeybgalin tartanka Cecafa, laakin waxa ay u badan tahay in la waayay dhaqaalihii ay horey u heli jireen kooxaha ku guuleesta ama kaalinta koobaad ka gala koobabka kubadda cagta ee ka dhaca dalalka bariga iyo bartamaha Africa ee ka qeybgalaya tartanka oo sannadkiiba mar laqabto.

Si kastaba, Soomaaliya tan iyo burburkii dalka waa ay ka qeybgaleysa tartanka Cecafa oo ay kooxo u matalijireen, tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika kooxaha ka qeyb galaya waxa dhaqaalaha ka bixin jiray shirkado iyo kooxo haysta dhaqaale, taas oo sanadkan aan suuragelin sida muuqata

Tartanka ayaa waxaa ka qeyb galaya kooxaha heerka koowaad ee ku guuleysta horyaallada dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika. Soomaaliya waxaa sanadkii hore uga qeyb gashay kooxda Elman FC.

Horey war-saxaafadeed kasoo baxay CECAFA waxa ay ugu mahadceliyeen madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame oo bixinaya qarashka lagu socodsiinaayo tartankan, waxana had iyo goor uu doonayaa in la horrumariyo ciyaaraha kubadda Cagta Gobalka, howshan waxa uu waday tan 1999-kii.

RBC Radio
——————–
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

Leave a Reply