Labo Suxufi Oo Shil Gaari Ku Geeriyooday Oo Lagu Aasay Garoowe


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Labo Wariyey Oo Shil Gaari Ku Geeriyooday

Labo Wariyey Oo Shil Gaari Ku Geeriyooday

Garowe (RBC) Waxa shaley lagu aasay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland labo wariye oo ku geeriyooday shil gaari oo galabtii Jimcahii hore ka dhacay meel duleedka ka ah magaalada Garoowe.

Wariyaasha shaley lagu aasay Garoowe waxa ay kala ahaayeen Maxamed Cali Cilmi iyo Jamac Nuur Jeelle, oo la socday gaari ay saarneyd fannaanada caanka ah ee Saadi Cali Warsame oo iyada xitaa ku dhaawacantay, laakin shaley isbitaalka laga saaray.

Waxaa aas loo sameeyay wariyaashan ka qeybgalay madaxda maamulka Puntland oo uu ku jiro madaxweyne Faroole,

Shilka waxa kaloo ku dhaawacmay darawalkii gaariga oo la yiraahdo Faysal Axmed Tarabi iyo kaa oo hadda lagu daweynayo isbitaalka guud ee Garoowe.

Allaha u naxariistee Maxamed Cali Cilmi ayaa waxa uu ahaa madaxii shabakadda Taleex, sidoo kale waxa uu la soo shaqeeyay idaacado ay ka mid yihiin idaacaddaha Frontier FM iyo Bar-kulan , xilli uu ku sugnaa magaalada Nairobi, halka Jaamac Nuur uu isna ka tirsanaa wariyeyaasha ka howgala deegaannada Puntland.

Wariyaashan ku dhintay shilka gaari ayaa tirada wariyaasha ku dhintay Soomaaliya waxa ay dhigayaan ilaa 10-suxufi sannadkan 2012-ka waana tiradii ugu badneed marka loo eego 10-kii sanno ee la soo dhaafay.

RBC Radio
————————
Xafiiska Wararka Garoowe

Share

Tags:

6 Responses for “Labo Suxufi Oo Shil Gaari Ku Geeriyooday Oo Lagu Aasay Garoowe”

  1. [...] Read the original: Labo Wariyey Oo Shil Gaari Ku Geeriyooday Oo Lagu Aasay Garoowe [...]

  2. [...] See more here: Labo Suxufi Oo Shil Gaari Ku Geeriyooday Oo Lagu Aasay Garoowe [...]

  3. khadija says:

    allaha u naxariisto janadii fadowsana allaha geliyo xaaskii iyo caruurtii uu ka tegeyna allaha ka samir siiyo aamiin aamiin.

  4. NINA says:

    anigoo rayigaaga ixtiraamaya suaal? shalay waxaad habaaraysay saado ood lahayd ala kuma caafiyo marxuumiinta la socdayna maanta janadii baad ugu ducaynaysaa iyadoo ay xaq tahay in marxuumka iyo ka jiran ba loo dacweeyo maxaad u kala xigsatay?

  5. sheekh says:

    allaha u naxariisto ,saado calina ilaahay ha caafiyo waa shakhsi wadani ah oo qaali .

  6. ahmedpunt---------- says:

    allaa yarxam alle meel wanaagsan ha’idindooro oo jannatul firdoowsaa aamiin aamiin

Leave a Reply