London: Ciyaarihii Olymbikada oo Furmay Iyo Heestii ‘Soomaaliyeey Toosoo’ oo Loo Ciyaaray Orodyahanada Soomaalida (SAWIRO)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Boqorada wadanka Ingiriiska ayaa furtay ciyaaraha Olymbikada 2012

London (RBC) Waxaa xalay si rasmi ah magaalada London uga furmay tartanka ciyaaraha Olymbikada adduunka ee 2012 oo sanadkan lagu qabanayo wadanka Ingiriiska ioyadoo xafladii xarigjarka ay si rasmi ah uga dhawaaqday boqorada wadanka Ingiriiska Elizabeth.

Waxaa ka qeybgalaya ilaa 10,000 oo ciyaartooy kuwaas oo ka socda 204-wadan, sida leeyihiin qabanqaabiyaasha, iyadoo kooxda wadanka Giriiga oo ah wadanka loo yaqaano gurigii ciyaaraha Olymbikada ay hogaamin doonto ciyaaraha hab maamuus ahaan.

Xafladii furitaanka xalay ayaa koox ka kooban 7 dhalinyaro orodyahano ah waxay mar qura wada shideen tooshka olymbikada oo ah caado dhaqameed lagu bilaabo furitaanka ciyaaraha Olymbikada adduunka oo ay sidoo kale ka soo qeybgaleen madax ka socota adduunka daafihiisa.  Illaa 80-kun oo ruux ayaa lagu qiyaasay dadka ka qeybgalaya daawshada ciyaarahan.

Dawlada wadanka Ingiriiska ayaa si aad ah u adkeysay amaanka inta ay socdaan ciyaaraha waxaana la kordhiyey tirada ciidamada booliska iyo kuwa sirta ee amaanka qaabilsan, kuwaasoo adeegsanaya diyaarado iyo qalab casri ah.  Raysul wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa sheegay in dawladiisu ay ku bixisay ciyaarahan lacag gaareysa £9-bilyan (lacagta Giniga Ingiriiska).

Wadankeena Soomaaliya waxaa tartanka uga qeybgalaya labada ciyaaryahan ee kala ah Samsam Maxamed Faarax oo ordi doonta 400-mitir iyo Maxamuud Xasan Maxamed (Tayow) oo ordi doona 1500-mitir oo ah orodkii uu ku guuleystay orodyahankii Soomaaliyeed ee Cabdi Bile Cabdi sanadkii 1987.  Samsam iyo Maxamed waxay labaduba ka yimaadeen Muqdisho.

Boqorada Ingiriiska Elizabeth ayaa furtay tartanka Olymbikada

Markii xalay la furay ciyaaraha Olymbikada ayaa waxaa kooxda musikada ay garaaceen dhamaan astaamaha wadamada ka qeybgalaya ciyaaraha waxaana ka mid ahaa astaamihii la garaacay astaanta wadankeena Soomaaliya ee ah “SOOMAALIYEEY TOOSOO, TOOSOO ISKU TIIRSADA..!  Waxaana xusid mudan in xalay calanka Jamhuuriyada Soomaaliya uu waday Samsam Maxamed Faarax.

RBC Radio
London

Share

Tags:

8 Responses for “London: Ciyaarihii Olymbikada oo Furmay Iyo Heestii ‘Soomaaliyeey Toosoo’ oo Loo Ciyaaray Orodyahanada Soomaalida (SAWIRO)”

  1. [...] Read the original post: London: Ciyaarihii Olymbikada Adduunka oo FurmayIyo Heestii ‘Soomaaliyeey Toosoo’ oo Loo Ciyaara… [...]

  2. hanad says:

    Raxan reeb malaha madawanina xalay furitanka olombicada London anigu wan dawaday waxana waday calankena somaliya gabadha no mataleysa ciyaraha er zamzam wan jecla in cabdi bile uu qado lakiin ma aqano ninki qadabo ama cabdi bile ama zamzam labaduba wa muwadinin aniga isugu key mid bay ii yihiin

  3. puntlander says:

    guuuuuuuul soooomaaaliya waxaan ilaahey idiinka barayaa waa maalin ramadaan guul in aad u soo hoyiyisaan wadankiina qaaliga ah calankeena buluuga ahna markale aad hawada ka babisaan sida halyey abdi bile.maanata waxeey taagan tahay soomaalinimo qabiil waa dhamaadey waxaan tartan kula jirna ummada kale aan soomaali kale aqoonin gabadha quruxda ilaahey ku maneystey ee samsam oo calanka soomaaliya kor u heysana abaalkeeda waad heli insha allah

  4. [...] View article: London: Ciyaarihii Olymbikada oo Furmay Iyo Heestii ‘Soomaaliyeey Toosoo’ oo Loo Ciyaaray Orodya… [...]

  5. guuld says:

    cabdi bille???????????!!!!!!!!!!!! guul zamzam guul wiilka

  6. xoghaye says:

    qooqa kufriga niyad baa loohayaa qooq ku lugdarsi qaran makeeno guri qabyaa qofkiisuna waa qabyo waxaana noogu wacan qabyaalada oo xadkaynagaysay ay gaalnimo tahay

  7. guul says:

    guul guul: waxaan leenahay ku wii guulaysta ala ha’idinka dhigo

  8. Osmaan says:

    Somalay guul oradyanduna guul waxay maanty ila mitahay maalinta qorownay

Leave a Reply