Maalintii 94aad ee Maxkamadda Hamburg la soo taagay Burcad-badeedda Soomaaliyeed


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hamburg/Jarmal [RBC Radio]  Burcad-badeed ku labistaan Surwaal isboorti ah iyo kabo Shirkadda addis ah. Waxaana dhegaha ugu jira Samaacadaha maqalka si ay u fahmaan, dadkan Qamiisyada madmadow xidhan waxa ay iyaga ka doonayaan.

Kalimad kasta oo lagu hadlo waa loo turjumayay: Maxaa Af Somaliga lagu yidhaahdaa “ Pflichtverteidiger”? waxaa lagu yiraahdaa “Garyaqaan difaace ah oo ay dawladu u qabato qof walba oo aan haysan dhaqaalo uu isku difaaco ”. , Maxaa Afka Somaliga lagu yidhaahdaa “U-haft”? “U-Haft= Untersuchungshaft” waxay afka Somaliga u dhigantaa “ Xabsiga in lagu hayo eedaysanaha inta uu ku socoto baaritaanka”.Waana maxkamadii ugu horaysay intay ka dambeysay sanadkii 1401 ee lagu soo saaray Klaus Störte-beker magaaladda Hamburg.

Maxkamadda Dambiyadda Culus ee Hamburg oo bilaabatey muddo laga joogo 2 Sanno kana bilaabatey Hoolka 337aad, Faylka lambarkiisu yahay 603 KLs 17/10 oo ay leeyihiin 10ka eedaysane ee Burcad-badeedka Soomaaliyeed. waxaana laga soo qabtay 10ka burcad badeed xeebaha soomaaliya iyagoo ku hubaysan Baasuuke iyo qoryo Culculus kuna qabsaday markab laga leeyayahay dalka Jarmalk a oo magaciisa la yidhaahdo “Taipan”. Waxaa u soo gurmadda markab dagaal oo ka badbaadiyay afduubka, isla markaasna Xabsiga Hamburg u soo gudbiyay Burcad-badeedii Kaasoo ay 27 Bilood ay ku xiran yihiin.

Fadhigii 94aad Maxkamadda waxaa iskugu yimid kuna fadhiyay seddex saf oo dhaadheer , 10ka eedeesan, 20ka difaacayaasha eedeesanayaasha, 4 Garsoore, 4 Garsoore oo Cadaalad-dhowrayaal ah, 9 ka tirsan Ciidanka Xabsiyadda, 2 Turjumaan ah iyo hal qoraa maxkamadeed ah.

Burcad-badeedu ma laha Baasaboor, maalin dhalasho iyo goob dhalsho midna ma la ha. Waxay ogyihiin oo kaliya inay dhasheen xilli roob badan dalka ka da’ay kuna dhasheen geed hoostiis oo xeebta ku agyaal. Mid ka mid ah wuxuu codsaday inaan la jirdilin, meesha mid kale uu ka codsaday inay dhaqo nafta oga qaadaan. Mid 3aad wuxuu sheegtay inuu 13 jir yahay, balse markii ilkahiiska raajo la saaray, waxaa soo baxday inuu markuu ugu yar yahay uusan ka yareen 17 sano.

Maxkamadda hawsheedii oo si qunyar socod ah ay ku socoto iyo Difaacayaasha oo had iyo jeer codsada in loo yeero marqaatiyo cusub sida Wasiirka arrimaha Dibadda G. Westerwelle, Wasiirkii hore ee Difaaca Th. Zu Guttenberg, Dagaal oogayaal Soomaali ah(Somali Warlords), Shaah ka Ganacsade Muqdisho Jooga, Kaluumaysato Hindi ah, madaxda shirkadda iska leh” Taipan ” iyo waxyaalo kale oo badan, taasoo ay maxkamadda ay ka diiday una arkaysay inaysan macquul ahayn, oo ay tahay un mid lagu cuuryaaminayo qaab socodka dacwadda.

Kalfadhigii 94aad wuxuu ku dhamaaday codsi. Habeenaydii qaraynka u ahayd Abul A.M (28Jir) waxay codsatay in eedeedanaha ay difaaca u tahay in la siidaayo, meesha uu xeer Ilaaliyaha ka dheegay inuu arintaasi sidda ugu dhaqsaha badan ooga jawaabi doona.

Maxkamaddan oo illaa haatan ku baxday lacag gaaraya hal Milyan oo Euro, ayaa waxaa lagu balamay in laysugu soo noqdo taariikhdu marka ay tahay 30 Bisha Juli iyo 04ta bisha September.

Waa dacwadii ugu yaabka badnay ee sanadahan ” waa sida ay qoreen wargeysyada ka soo baxay dalka Jarmalka.

Waaba siddaa, markay ay Qarnigii dhagaxa Ummad ku jirta iyo Dawlad Qaanuun leh ay kulmaan!!

Raxanreeb.com
Germany

Share

5 Responses for “Maalintii 94aad ee Maxkamadda Hamburg la soo taagay Burcad-badeedda Soomaaliyeed”

  1. [...] Original post: Maalintii 94aad ee Maxkamadda Hamburg la soo taagay Burcad-badeedda Soomaaliyeed [...]

  2. Mustafa says:

    Asc waad mahadsantihiin sida aad warbixintin usoo gudbiseen waana wanaagsantahay in dhalinyarada warkooda lala socdo, waxaana u rajaynayaa in lasoo daayo, waxaan ahaa goobjooge maxkamadaaas, maxkamada ku xigtana waa 30, 07,2012 xograadin fiican, waxaad kaloo iska ilaalisaan joornaalada Hamburg qayb ka mida inay dacaayadeyaan ama ay dadka si xun ugu bandhigaan ayaa dhacda islamarkaana ka digtoonaada.. ALLAH MAHAD LEH

  3. qudhac says:

    waan ka naxey wiilka dhalinyarada ah ee yiri waxaan codsanayaa inaan ley jirdilin, dhalinta somaliyeed dhibka meelkasta ku haysta aad baan uga jidhiidhicoodaa

  4. Ismahan says:

    Way mahadsantahay war bahintu sida sida haqabla aanta ee ay ugushaqaynasano umada somaliyed aad ban uga naxay dhalinyarta somaliyed eedhibta ku jirah allaah ha kasidayo galada ducadan ku kabana

  5. Boss Gaarrah says:

    A/c waa ay mahadsatahay Warbaahinta Raxanreeb sida quruxda badan ee aad usoo turjunteen warbixintaas laga qoray dhalintaas Jarmalka ku xiran ee soomaaliyeed thanks R.Reeb

Leave a Reply