Maamulka Dekedda Berbera oo ka War-bixiyey Xaaladda Markab Caawa Dekedda Dab ku qabsaday


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Berbera(RBC):- Maamulka Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, ayaa ka hadlay Markab dab qabsaday xilligii salaadda maqrib la galayey ee caawa fiidkii, kaasoo lagu guulaystay in la bakhtiiyo.

Maareeye ku-xigeenka Dekedda Berbera, Cumar Abbokor, oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Berbera, ayaa sheegay inay ku guulaysteen bakhtiinta Markabka lagu magacaabo Al-iiman oo Xoolo u qaadayey Shirkadda Ganacsadaha Carbeed ee Saleebaan Al-Jabiri, kaasoo la arkay isaga oo olol iyo qiiq badani ka boodayaan, isla markaana gurmad badan oo loo galay uu sheegay in lagu damiyey.

“Waa Illaahay mahaddii waannu ku guulaysannay in la bakhtiiyo Markabkaas, Salaaddii Makhrib ayaa markii la galeyey ayaa la arkay Markabka oo olol iyo Qiiq badani ka soo boodayo, waa laga hawl-galay oo Shaqaale, Shicib iyo Ganacsato si hagar la’aan ah ayaa loogu gurmaday daminta Dabka Markabka qabsaday.” Sidaa ayuu yiri Maareeye Ku-xigeenka Dekedda Berbera ahna Ku-simaha Maareeyaha Cumar Abokor.

Maareeye Ku-xigeenka Dekedda Berbera waxa uu intaa ku sii laray oo yiri; “Waxaan u mahad-naqayaa hawl-wadeennada Dekedda Berbera ee qaybta Dab-demisyada iyo guud ahaanba shaqaalaha Dekedda iyo sidoo kale dadweynaha iyo Ganacsatada nagu caawiyey xooggooda iyo Booyadaha Biyaha. Wax khasaare ah oo la sheegi karaa dabkaa kama dhalan, sababtii uu ku yimina waa la baarayaa.”

Cumar Abokor waxa uu sheegay inaanu wax khasaare ah oo weyni ka dhalan dabkan, isla markaana waxa uu xusay in la baarayo sababta dabka Markabka qabsaday dhalisay, isaga oo intaa ku daray inay jiraan warar laga soo xigtay shaqaalaha Markabka iyo kuwa Dekedda oo sheegaya in Caws loogu talagalay Xoolaha uu Markabku qaadi lahaa inay cunaan in dabkaasi ka kacay, halka uu tilmaamay in wararka qaarna sheegayaan in Wiishka Markabka uu dabkaasi ka dhashay, balse waxa uu ku gaabsaday in weli la baarayo sababta dabkani ku yimi.

Maaha markii ugu horreysay ee Markab Dekedda Berbera ku soo xidhay dab qabsado, hase ahaatee, waxa jiray ugu yaraal laba Markab oo sannadihii ugu dambeeyey ku shuf-beelay Dekedda Berbera, kuwaas oo hanti badan oo shacabka reer Somaliland lahaayeen ku dul-gubatay, isla markaana lagu guul-darraystay bakhtiintooda. Hase ahaatee, Markabkan oo aan wax shixnad ah sidin waxa lagu guulaystay in la bakhtiiyo.

 

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

Use Facebook to Comment on this Post

Share

5 Responses for “Maamulka Dekedda Berbera oo ka War-bixiyey Xaaladda Markab Caawa Dekedda Dab ku qabsaday”

  1. prof Piccolo says:

    Dekeddan Berbera waa hantidii qaranka somaliya daynta lagu leeyahey qofkasta oo somali ah waa 50$
    haddba dadkani awa iney bixiyaan deynta 1980/2012 aduun dhan 2.30,Mil$ isku soo wada duub hadda waxaa xoog ku heysta waa Tigreega Melaz ah oo ay u joogan ilaa 150 tigree oo ay xoog waxkula soo dagaan haddab shacbka somaliyeed hantida maguuranka ah ee somaliya ay leedahey bay kamid tahey

  2. somalilander says:

    prof monkey piccolo you shut up we know your low mentalty monkey is better than you tigry and miles better thenyou

  3. xarago says:

    gacanta dowlada somaliya ayay kuso noqon waa
    inta somali ka heshiin waxay is moodeen xabashiiyo
    ingiriis iney la dhasheen oo xornimo iyo ictiraaf siin
    karaan taas waqtigeedii waa dhamaadey

  4. omer says:

    Waxan ku qoslaa caqli yarantiina…Hadii runta laga hadlo xabashido dhulka somalida melwalba faro galin bay ku leeyihiin balse hadaynu eegno Djabouti wax sida u wayn kuma laha Somalilandna way jirtaa oo madama oo ay tahay wadan an wali la ictirafin xabashi way jogtaa dhinacyo badan…Balse somalia iska dhaf waxkaloo ciidankoogiibaa ka buuxa..Halka Faroole malin dhawayd u oo yayay cidan xabashi ban u bahanay amanka daraadii…Markaa marka laga hadlayo Somaliland isla xishooda oo hasoo hadalqaadina…Farolena Wax yarbaa uga hadhay inuu ciidan idin dulkeeno Inkastoo kuwo idinhaystaan Saracen iyo wax lagu sheego…EE bal horta soo xorooba markaa ka hadla somaliland

  5. Libaax Barri says:

    maansha allah, waa guul usoo hayatey dowlada iyo shacabka reer Somaliland markay ku guuleysatey deminta markabka dubtey.

Leave a Reply