Maareeyihii Dekeda Muqdisho oo Shaqada Laga Ceyriyey Kadib Eedeyntii Kooxda ‘Monitoring Group’ (Faahfaahin)
Muqdisho (RBC) Sida uu Raxanreeb u xaqiijiyey sarkaal ka tirsan xafaiska madaxweynaha DKMG Soomaaliya waxaa shaqada laga ceyriyey maareeyihii dekeda magaalada Muqdisho Sayid Cali Macalin Cabdulle oo ku jiray masuuliyiintii lagu xusay warbixintii kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee loo yaqaano ‘UN Monitoring Group’.
Madaxweynaha ayaa maareeyaha cusub ee dekeda Muqdisho u magacaabay C/laahi Maxamed Cali, inkastoo illaa hadda xafiiska aanu kala wareegin maareyihii hore oo diiday inuu soo xaadito dekeda si uu xafiiska u wareejiyo.
Waa kuma Sayid Cali?
Maareyihii hore ee Muqdisho Sayid Cali Macalin Cabdulle iyo nin ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Maxamuud Macalin Cabdulle waxay labaduba ku jireen ragga lagu xusay warbixinta eedaha musuqmaasuqa ee hareeyay xafiisyada ee ay soo saareen kooxda Monitoring Group. Waxaana warbixintu ay sheegtay in Sayid Cali iyo walaalkiis ay leeyihiin shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Daljir Trading and Genera Service.
Waxay guddigu sheegeen in isaga iyo walaalkiis Maxamuud Macalim Cabdulle ay ka faa’iideen hantida dawlada iagoo qaab dadban ku qaata malaayiin doolar. 3-dii April 2010 shirkadda Daljir Trading waxay xafiiska raysul wasaarihii hore Cumar C/rashiid u gudbisay warqad qaansheegad ah oo ay ku sheeganeyso in US$1,965,000 (Hal Milyan iyo Sagaal Boqol Lixdan iyo Shan Kun Doolar) ay ku leedahay dawlada KMG ah, taasoo ahayd deyn raashiin iyo qalab ay dawlada u soo iibisay, sida lagu muujiyey dukuminti ay heleen Monitoring Group. AKHRI WARBIXINTA
Sida ku cad warbixinta kooxda Monitoring Group, Waxaa Sayid Cali oo ka soo jeeda beesha madaxweynaha lagu eedeeyay inuu dekeda ka dhigay meel uu kaligiis maamusho isla markaana aan lagula xisaabtamin dhaqaalaha ummada ee uu maamulo. Wasaarada maaliyada, xisaabiyaha guud iyo wasaaradda dekedaha ayaa la sheegay inaysan xitaa la socon dhaqaalaha ka soo xerooda dekeda kaasoo aan ku dhicin qasnada bangiga dhexe.
Xilka qaadista
Shaqada ka fariisinta uu sameeyay madaxweyne Shariif waxay soo baxday iyadoo dhowr jeer oo hoe raysul wasaare C/weli Gaas uu isku dayey inuu shaqada ka casilo maareeye Sayid Cali oo si weyn loo tuhunsanaa hase yeeshee waxaa ka hor istaagay masuuliyiin kale oo madaxweynuhu ka mid yahay, Sayid Cali laftiisuna wuu ku gacan seyray xilka qaadista dhowrka jeer lagu sameeyay hadda ka hor.
Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda oo shalay booqday dekeda ayaa ku cawday in Sayid Cali uu xirtay xafiisyadii maamulka dekeda isagoon xilka wareejin, wuxuuna ugu baaqay inuu furayaasha ku soo wareejiyo maareeyaha cusub.
Lama oga in xilka qaadistan oo kale lagu sameyn doono masuuliyiinta kale ee lagu eedeeyay musuqmaasuqa ee ku jira warbixinta kooxda Monitoring Group iyo in kale.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












Waxaas oo kale baa maareeye lagu sheegayaa dekedii wuxuuba ka dhigtay dukaan uuleeyahay ilahow somali musuqmaasuqan cancerka kunoqday kasama tabixi
waxaa nasiib daro ah hadaad tihiin saxafi isku sheeg ileen cilmigeedaba ma lihidiine in aad xitaa bisha Ramadaanka ee lagu dhaafo dembiyadii hore aad ilaahay ka xishootaan iskana yaraysaan dembiyadda iyo beenta aan salka iyo raadka lahayn. Xagee lagu sheegay in Sayid Cali xilka looga qaaday warbixinta Monitoring Group mise kala taqaanaan eedayn iyo dembi cad? Aqoon ma u ledihiin Matt Bryden iyo ujeedadiisa qarsoon mise cilmigi iyo aqoontii lagu baari lahaa ayaa idinka maqan. Tan kale ma ogtihiin Siid Cali dekadda Muqdisho ka hor muxuu ahaa hantti ma lahaa haduu lahaa intee ayay la egtahay? Waxaas oo dhan waa suaalo u baahan jawaabo cilmi iyo baarid dhab ah ku salaysan. Waxan idinka codsanayaa wararka aad qortaan fadlan marka ay noqdaan kuwa been ah in aad dib ka qirataan sababtoo ah aadanuhu wuu qaldamaa laakiin waa in uu qirtaa,,,,,,,,,,
Somalia musuqmaasuq lagama dhameenkaro wexey u baahantahay in ladarso hab lagu xakameenkaro ama lagu yareenkaro aydoo la’isticmaalaayo cilmi-nafsi,xoog kaligii wax maqabankaro, waxay u baahantahay dad social thinkers ah intey usutagaan in eyjiheeyaan umadda in lagu mashquuliyo waxsoor,shaqo abuuris, kutartan xagga dhaqaalaha ah. waxaa xaqiiq ah in soomaaliya ey tahay wadan hodan ka ah beeraha iyo baddaba sideedab soomaalida waxaalagu yaqaanaa karti dheeraad ah aqoon la’aan kaliya ayaa hortaagan waxii cusub uu qof soomaalia ah suubiyo waalagu dayanayaa, marka dadka aqoonta leh iyo kuwa mulkiilayaasha ah hadey isutagaan
waxey abuurikaraan mashaariic waxsoosaar leh, warshado yaryar oo process gareeyo beeraha, wexey shaqo u abuureysaa beeraleyda taasi waa tusaalaha uguyar. waxaase intaa kahoreysa sidii laguhelilahaa Nabadgelyo hadii nabadgelyo lahelo Soomaalia uma baahna macaawino shisheeye.
ayaanle nacalaa ku dhahey iyo wixii tuugada taageeraayey waayo wasiirka dakada ayaa leh furihii baan kala nahey waayo furuha hadii dekada lagaqaadey muu wareejiyo ayaanle sayid walaakiis iyo shafiirba waa tuugo oo aan aqoon laheen markaad leedahey sayid mataqaanaa maxaad kawadaa jawaabta aan ku siiyo haa sayid waa nin ====== eg oo dameer eh xoolaha somalia umada ayaa iska leh ee ayaanloow hadii aad tahey ========= iska aamus hadii kale orad ======== saiyd iyo shriifka waryaa mala socotaa shariif markuu ahaa maxaakiimta siduu u ekaa ama hadalkiisii oo ahaa wadanka gaalada yaa lakeenin muxuu ku dambeeyey in uu mrs clinton uu salaamo ma waxaasbaa diin eh war idhaaf ninkaan waa eey aqoona maleh ee usheeg xilka iska wareeji dheh awalbaa mrs clinton ayaa u dhiibtey mideeda kale matt bryden maanta waxaa noogu daran mahinga iyo shariifka wadanka somalia ayey gadi rabaan ilaahey umada hakaqabto soomaliyeey inkaara shariifka waa ninkii aan ogey oo naqiyaameeyey markuu ahaa maxaakiimta
dekedda bari ee bosaso lacagta la ga helo yaa qaata ? marka tan xamar aad is weeydineeysan sow yaab maahan xamar waxaa leh ;;;;;;;;;; iyo ;;;;;;;;;;; , intakalena waa koyto , ayagana wada cunaayo waxi dhaqaale ee laga helo marka is xasiliya nimanyahoow , raxan reeb adiga dekedda bosaso so xisaabi xolaha ka so gala markaas wax no sheeg sheeko aaba keente !!!!!!!!!!11
xamar waxaa leh =========== IYO ========= IYO ========== ,,, INTA KALENA WAA KA KOOYTO ,, EE RAXANREEB SOO XISAABI BOSASO DEKEDEEDA WARYAA , SAYID CALI ASAGA LEH XAMAR XOLAHAASNA XAQIISA WAAYE,,,