Madaxda Dowlada Iyo Amabaasadoor Mahiige Oo Ka Hadlay Furitaanka Shirka Golaha Ansixinta Dastuurka
Muqdisho (RBC Radio) Shirka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah kaga furmay magaalada Muqdisho iyadoona shirkaasi ay ka qaybgaleen madaxda dowlada Soomaaliya iyo masuuliyiin caalami ag.
Xarunta shirka oo ahayd Dugsiga taba barka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Gen. Kaahiye ayaa waxaa soo xaadiray inta badan ergada ansixinaysa dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Ergaga qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Amabaasadoor Mahiige oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa sheegay in shirkaan lagu ansixinayo dastuurka uu yahay mid muhiim ah mudana laga soo shaqaynayay.
Augstina Mahige ayaa ayaa sheegay in loo baahanyahay in ergadaan waqtiga loogu talagalay ay ku soo dhameeyaan howsha u taala oo ah in ay ansixiyaan dastuurka cusub.
Prof Cabdiweli Maxamed Cali Raysal wasaaraha Soomaaliya oo sidoo kale hadal ka jeediyay shirka ayaa sheegay in 21 sano ka dib lagu guuleysatay in la sameeyo dastuur cusub.
Sidoo kale Raysal wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyay in dastuurkan uu yahay kii labaad oo ay yeelato Soomaaliya maadaama kii koobaad la sameeyay 1960 lana ansaxniyay 1961 haatane.
Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa asna dhankiisa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikh mudan oo u baahan in la xuso.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dastuur la’aan ayna dowladda hirgalikarin mudada uu burburka jirayna lagu soo dhaqmayay Axdi KMG ah, isagoona uga mahadceliya dadkii gacanta ka geystay sameynta dastuurka dalka.
Ugu danbayntii ayaa madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ugu baaqay ergada ansixinaysaDastuurka in waqtiga ay heestaan ay ka faa iideestaan isla markaana ay soo dhameestiraan howsha u taala oo ah in ay dastuurka go’aan ka gaaraan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











ARRINATAAN WAXEY TAHAY ” ANNAGA AYAA KARSANEY RAASHIINKAAN, ANNAGAANA CUNEYNO” KKKKK.
WAA QORSHE AY HORE U SOO DEGSADEEN TFG, AMISOM, IYO UNPOS INEY KU SII NAGAADAAN OO AAY SII KORDHISTAAN WAQTIGOODA, KANA FAA’IIDEYSTAAN BUR BURKA IYO MUGDIGA AY KU JIRTO SIYAASADDA SOMALIA.
WAX MA GARATADA SOMALIYED WAXAAN U SHEEGAYAA HADDII AY FAHMI WAAYAAN ARRINTAAN INEY ISKA AAMUSAAN OO AY LA HAYSTEYAAL U AHAADAAN SEDDAXDAAN QOF EE TFG , UNPOS IYO AMISOM, HADDII KALENA AY U KACAAN XUQUUQDOODA SIYAASADEED SOONA DHACSADAAN SI WAAFAQSAN DIMOQRAADIYADDA , WAA HADDIIBA AY JIRTO WAX LA YIRAAHDO DIMOQRAADIYAD.
Hadaan laba qof meeshaas laga qaban dagaal ma istaagayo waa faroole iyo shariif sakiin