Madaxweynaha Masar Oo Amray In Ay Dib U Soo Laabtaan Baarlamaankii Lakala Diray


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Madaxweyne Mursi oo khudbad u jeedinaya kumamaan qof oo ku sugan Cairo', gaasr ahaan fagaaraha Tahrir

Madaxweyne Mursi oo khudbad u jeedinaya kumamaan qof oo ku sugan Cairo', gaasr ahaan fagaaraha Tahrir

Cairo (RBC) Madaxweynaha Cusub ee Masar ayaa ku dhawaaqay Axadii shaley in dib ay shaqada ugu soo laabtaab baarlamaankii lakala diray , ilaa inta mid cusub laga dooranayo.

Amarkiisu waxaa uu ka imanayaa go’aan ay bishii hore gaartay maxkamadda sare oo ahaa in baarlaanka, oo ay u badan yihiin islaamiyiintu, uu sharci darro yahay.

War laga akhriyay TV-ga dowladda ayaa lagu yiri ” Madaxweyne Maxamed Mursi waxa uu amray in la soo celiyo baarlamaankii la doortay” sidaas waxa yiri kaaliyaha madaxweynaha Yasser Ali.

Baarlamaanka la doortay ee dalkaas waxa laga doonayaa in muddo 60-cisho ah ayy ku soo dhisaan dastuurka cusub ee dalkaas, taas oo uu ugu dambeyn ansixin doona qaraxa” ayuu yiri Mr. Cali.

Maxkamadda sare ayaa amartay in kala diro golaha aqalka dalkaas, kaddib markii la ogaaday in ay jiraan wax is-dabamarin ka dhacday doorashada waxana markii dambe go’aanka maxkamadda fuliyay ciidammada milatariga, oo baarlamaanka kala diray, awooddii sharci dejintana iyagu la wareegay.

Wakaaladda wararka ee dalka Masar Mina waxay sheegtay in golaha milaterigu ay shir degdeg ah ku jiraan maanta oo Isniin ah si ay uga wada hadlaan wareegtada Mr Morsi uu soo saaray.

Mursi oo awooda dalka qabtay, waxa uu hadda la soo baxay awoodo culus,

Awooda ciidamada milatariga dalka Masar, waxa ay la wareegeyn sannadkii hore, markii kacdoon ak dhacay dalkaas lagu soo afmeeray awoodii Xusni Mubaarak ee 30-sanno.

RBC Radio

====================

Xafiiska Nairobi

Share

Tags:

4 Responses for “Madaxweynaha Masar Oo Amray In Ay Dib U Soo Laabtaan Baarlamaankii Lakala Diray”

  1. [...] Read More: Madaxweynaha La Doortay Masar Oo Amray In Ay Dib Ugu Soolaabtaan Shaqadda Baarlamaankii Lagakala Dir… [...]

  2. Dr-mudug says:

    good job, parlamaanka si sharci ah ayaa loo doortey ciidamada makalo eriyi karaan.

  3. [...] Read More: Madaxweynaha Masar Oo Amray In Ay Dib Ugu Soo Laabtaan Baarlamaankii Lakala Diray [...]

  4. [...] Original post: Madaxweynaha Masar Oo Amray In Ay Dib U Soo Laabtaan Baarlamaankii Lakala Diray [...]

Leave a Reply