Madaxweyne Bishar Asad Oo Waayay Saraakiil Muhiim Ah [Wararkii Ugu Dambeeyay Syria]
Damascus (RBC) Wasiirka gaashandhiga Syria Gen. Daa’uud Rajha,iyo labo wasiir kale ayaa ku geeriyooday weerar ka dhacay Damascus Arbacadii shaley.
Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay xarunta ugu weyn hey’adda qaranka ammaanka oo ku taala caasimada Damascus , waxa lala beegsaday wasiiro muhiim u ah dowaldda Bashar Assad kuwaas oo shir ku lahaa arbacadii halkaas, waxa ku dhintay seddax sarkaal oo ku dhowaa madaxweynaha, oo uu ku jiro seedigii.
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Syria ayaa sheegay wasiirkii gaashandhiga Gen. Dawoud Rajha iyo ku xigeenkiisa , Asef Shawkat, labaduwa ay ku dhinteen weerarka.
Shawkat, waa seediga madaxweyne Assad waxa uu qabaa gabadha ka weyn ee Bushara, sidoo kale sarkaalka ugu sareeya dowladda.
Sida lagasoo xigtay TV-ga dowladda, wasiirkii hore gaashandhiga Xassan Turkmani, oo hadda gacan hayaha madaxweyne Asad, doorna ku lahaa dagaalka lagula jiro mucaaradka ee ka socda muddada 16-ka bil ayaa ku dhintay weerarka.
Sidoo kale wasiiro iyo saraakiil sare oo muhiim ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaas sida ay lee dahay warbaahinta dowladda.
Wariyaha shabakadda CBS News Elizabeth Palmer ayaa soo wariyay weerarada iyo dagaalka ka socda Syria uu sii kordhay toddobaadyadii ugu dambeeyay, laakin wali xaaladda caasimada Damascus ay degantahay.
Wixii shaley ka dhacay Syria waa fariin cad oo ku socota dowladda Syria, waayo culeys dibedda iyo gudaha ayaa heesta.
Mucaaradka waxa ay lee yihiin weerarka waxa uu ahaa mid lagu sii diyaariyay goobta maallin ka hor inta uusan shirka dhicin, shirka ayaa waxa ka qeybgalay ra’iisal wasaaraha iyo 28-wasiiro iyo saraakiil sare waxana looga hadlaayay ammaanka dalka.
Hoggaamiye mucaarad oo lagu magacaabo Kamal al-Labwani ayaa u sheegay al-Arabiya,in xubno ka mid ah ciidanka xorta Syria ay ku talaaleen dhismaha Bam nooca ramuutka laga hago, iyagiina ay badbaadeen, kuwa kale oo mucaaradka ah ayaa leh waxa uu ahaa weerar bambaano oo lagu qaaday.















[...] More: Madaxweyne Bishar Asad Oo Waayay Saraakiil Muhiim Ah [Wararkii Ugu Dambeeyay Syria] [...]