Madaxweyne Caalin Oo La Hadlay Saxaafadda Kaddib Qalliin Lagu Sameeyay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa la hadlay saxaafadda, kaddib markii dhawaan qalliin xagga wadnaha loogu sameeyay isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Caalin ayaa qalliin xagga wadnaha lagu sameeyay, waxana uu sheegay in uu aad u wanaagsan yahay, oo xaaladiisa caafimaad ay soo hagaageyso.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya loogu sameeyay qallin, kaddib markii ay xaaladiisa caafimaad halis gaartay, laakin uu hadda sheegay in uu caafimaad qabo.

Wuxuu yiri qalliin xaga wadnaha ayaa la igu sameeeyay, laakin hadda waan wanaasanahay, oo waxa aan doonayaa in ay ku laabto Gaalkacyo si u sii wato howlihiisa.

Madaxweyne Caalin oo markii uu ka soo laabtay shirkii shirkii u dambeeyay ee kooxda xiriirka caalamiga Soomaaliya ICG ay ku yeesheen magaalada Roma. ayaa wixii xiligaas ka dambeeyay waxa uu ku hakaday magaalada Naiorbi ee dalka Kenya, halkaas oo qalliin looga sameeyay wadnaha.

Xanuunka madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay in uu soo darsaday wixii ka dambeeyay shirkii Dubai ee looga hadlaayay burcad-badeeda Soomaalida ee bishii hore la qabtay.

Madaxweyne Caalin oo ay saxaafadda weydiisay, waxa uu ka damacsan yahay marka ay u dhamaato xilkiisa maamulka Galmudug, iyo in uu damac ka lee yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in uusan howshaas hadda kutala jirin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ay soo hagaagtay, waxana uu yiri, waxa aan dhowr jeer tagay Muqdisho, oo aan kula kulmay odayaasha dhaqanka ee ku shiryaha Muqdisho.

Madaxweyne Caalin ayaa sheegay in uu rajo weyn ka qabo in laga gudbo xiliga KMG ah oo ku eg bisha August ee sannadkan, isagoo uu ka mid yahay dhinac yada saxiixay qorshaha looga baxayo kumeel-gaarka ee Roud-Map-ka.

Caalin waxa uu ka mid yahay dadka sida weyn uga agdhow madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

RBC Radio

————————-

Xafiiska Wararka Naiorbi

 

Share

Tags:

3 Responses for “Madaxweyne Caalin Oo La Hadlay Saxaafadda Kaddib Qalliin Lagu Sameeyay”

  1. [...] More: Madaxweyne Caalin Oo La Hadlay Saxaafadda Kaddib Qalliin Lagu Sameeyay [...]

  2. sonaari says:

    ilaah caafimaad ha ku siiyo

Leave a Reply