Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Tabobbar u soo xiray 362 Askari oo Boolis ah
Hargeysa(RBC):- Ciidammo Boolis cusub ah oo muddo tabobbar Boolisnimo ku qaadanayey Dugsiga tabobbarka Ciidamada degmada Mandheera ee gobolka Saaxil, ayaa maanta Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Taliyaha Booliska iyo Wasiirro Xukuumadda ka tirsani u soo xireen.
Munaasibad loo sameeyey xiritaanka tabobbarkaas oo ay 362 Askari oo Boolis ah wakhti afar bilood ah u socday, ayaa maanta lagu qabtay xarunta Dugsiga tabobbarrada Ciidammada maamulka Somaliland ee Mandheera, waxaana ka qaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Taliyaha Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan, Wasiirrada arrimaha gudaha, Madaxtooyada, Maaliyadda, Caddaaladda iyo Garsoorka, Maamullada gobolka Saaxil, degmada Mandheera, Saraakiil ka kala socday qaybaha Booliska, Hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan UNDP, Kooxda Banbawda iyo Fannaaniinta Booliska.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo hadal ka jeediyey Xafladdaas, waxa uu sheegay in Xukuumadda uu Madaxweyne ku-xigeenka ka yahay ee Somaliland ku dedaalayso kobcinta tayeynta aqoonta qaybaha Ciidammada iyo kordhinta tiradooda, si loo helo ciidan tiro badan, aqoon fiicanna leh oo suga guud ahaanba amniga Somaliland.
Cabdiraxmaan-Saylici waxa uu yiri; “Dhammaanteen sharaf ayay innoo tahay inaynu ka qeyb-galno Xafladan aynu tabobbarka ugu xirayno ciidankan tirada badan ee tabobbarku u dhammaaday. Waxaynu ku guulaysannay inaynu helno ciidan da’yar oo ku biira Ciidanka Booliska.”
“Waxaanan bogaadinayaa Ciidankan tabobbarku u xirmay, Taliska guud ee Booliska Somaliland iyo Wasaaradda arrimaha gudaha oo horumarinta Booliska si fiican uga shaqaysa, waxaan leeyahay waad dedaasheen ee halkaa ka sii wada, Xukuumad ahaanna wax aannu idinka hagranaynaa ma jiro ee wixii karaankayaga ah waannu la garab-taagannay Ciidammada.” Sidaa ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland.
Taliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan oo isna halkaa ka hadlay, waxaa uu sheegay inay farxad gaara u tahay ciidan ammaan oo saddex boqol ka badani inay maanta wixii ka dambeeya ka mid noqonayaan Booliska Somaliland ee uu Taliyaha u yahay. Waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyey Taliye Fadal oo uu sheegay in ciidankan oo tiradoodu dhan tahay 362 Askari inay 4 bilood oo xiriir ah tabobbar Boolisnimo oo dhinac kasta leh qaadanayeen, isla markaana ay wax badan ku tari doonaan ama kordhin doonaan ciidanka ammaanka.
Taliye Cabdillaahi Fadal waxaa uu sheegay inay Ciidankan tabobbarka dhammaystay dhalinyaro u badan yihiin, isla markaana barteen aqoonta Booliska ee dhinacyada shuruucda, hoggaaminta, baadhista kiisaska iyo taatikooyinka Booliska adduunku ku shaqeeyaan. Waxaanu u soo jeediyay inay hawl-maalmeedkooda shaqo ku dabaqaan duruusta ay barteen, si daacadnimo ahna dadkooda iyo dawladdooda ugu shaqeeyaan.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraalle (Duur), ayaa hambalyo u diray ciidankan Booliska ee tabobbarku u xirmay, isla markaana waxa uu sheegay inaysan dhaqaale Miisaaniyadeed oo u kordhay ciidanka ammaanka Somaliland uusan jirin ee Miisaaniyaddoodu tahay tii sannadkii 2011-ka. Waxaanu intaa ku sii laray in loo baahan yahay in Booliska Somaliland la kobciyo aqoontooda iyo qalabayntooda-ba.
Wasiir Duur oo ka hadlaya maaddaama oo aan miisaaniyadda Booliska la kordhin waxa u sahlay 362-kan Askari ee tabobbarkooda waxa u sahlay, waxa uu yiri; “Ciidanka Booliska dhaqaale uma kordhin miisaaniyadiisu waxay la mid tahay tii sanadkii 2011-kii, Ciidanka intan leeg iyo cududa intan leeg in ciidanka Booliska lagu soo kordhiyo waa dedaal la iska kaashaday uun, ciidankani wuxuu qaatay tababar sare oo shaqadooda la xidhiidha.”
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.










