Madaxweyne Shariif: Kooxda Monitoring Group Waa ‘Cadawga’ Soomaaliya
Muqdisho (RBC) Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta markii ugu horeysay si toos ah uga hadlay warbixinta eedeymaha ee ay kooxda la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Erutrea ka soo baxay oo ku eedeysay isaga iyo masuuliyiinta kale ee dawlada inay lunsadeen hanti malaayiin doolar gaareysa ayaa madaxweynuhu uu si kulul uga jawaabay.
“Kooxdan lagu magacaabo Monitoring Group ee hadda warbixinta soo saartay waa cadawga Soomaaliya” ayuu yiri madaxweyne Shariif oo xaflad uu isku soo bandhigay maanta ku qabsaday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Sheeh Shariif wuxuu eedeymaha ku jira warbixinta guddiga Monitoring Group ku tilmaamay been abuur aan sal ku lahayn ‘xaqiiqada’ isagoo sheegay inay jiraan dano gaar ah oo laga leeyahay warbixinta hadda la soo saaray.
“Waxaad og tihiin warbixintaan tii ka horeysay oo ay kooxdaan soo saareen waxaa lagu soo beegay xilli dalka ay ka jirtay abaar, waxaana ku jiray in hay’adaha UN-ka iyo hay’ado Soomaali ah ay musuqmaasuqaan gargaarka taasi waxay keentay in gargaarka la joojiyo. Haddana waxay la fiirsadeen waqti dalka dawladnimo uu u gudbayo” ayuu yiri Sheeh Shariif oo si kulul u hadlayey una khudbeynayey dad u badan haween iyo wasiirada dawlada oo xaflada ka soo qeybgalay.
Maxaa mar hore loo qori waayey?
Sheekh Shariif wuxuu su’aal ka keenay sababta warbixinada musuqmaasuqa loo soo qoray waqtigan iyadoon la xisaabin gumaad uu sheegay inuu Soomaaliya ka dhacayey mudadii labaatanka sano ahayd ee burburka lagu jiray.
“Reporkaan [warbixintan] maxaa keenay in waqtigaan la qoro, Soomaaliya 21 sano ayaa dad la dilaayey, dad ayaa la dhaawacay, kuwo ayaa la fusaday mana la xisaabin” ayuu yiri madaxweynuhu.
Wuxuu guddiga Qaramada Midoobay ee warbixinta soo diyaariyey ku eedeeyay inay gaar u beegsadeen masuuliyiinta dawlada KMG ah oo kaliya.
Musuqmaasuq ma dhacay?
Madaxweyne Shariif wuxuu gebi ahaan diiday in wax xatooyo xoolo dawladeed ah ay ka dhacday xafiisyada dawlada tan iyo 2009 isagoo sheegay in markii uu isaga xukunka yimid loo heystay ‘deymo faraa badan’ oo ay ganacsato ka qaateen.
“Dawlada KMG markii Jabuuti lagu doortay 2009, waxaa masuuliyiintii Isbahaysiga [dib u xoreynta] loo heystay deyntii hotelada, dawlada ma heysan wax kharash ah, waxaana lagu qasbanaa in ganacsatada deyn la weydiisto” ayuu yiri madaxweyne Shariif.
Gabagabadii khudbadiisa, ayuu Sheekh Shariif dadkii uu u khudbeynayey wuxuu ka codsaday in dib loo soo doorto waqti kale sibuu yiri ‘aan dalka ugu hpgaamiyo dawladnimo”.
“Aniga ayaa dawladnimada si fiican u fahamsan, axzaam rabaa in hal ilbiriqsi uusan naga lumin oo aan ka faa’ideysano godadkii ay ku dheceen dadkii naga horeeyay” ayuu yiri Shariif.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] View article: Madaxweyne Shariif: Kooxda Monitoring Group Waa ‘Cadawga’ Soomaaliya [...]
tuugan waa in maxkamad la sootaagey lacagta uu lunsadey afguduud oo hadda u baxasn raba wadanka malezia oo u taalo lacag ka badan 6.7M$ ninkani waa in lasoo qabtaa oo la dilaa tuugan moxoga cuni jirey iyo maankaalka waa in la dila sida ugu dhaqsaha badan
warka iska daaa….shariif………Madaxwaynaha soomaliya Dr mahiga waxuu yiri sidaan
“”Madaxweynuhu waa inuu iska difaaco eedeyntan ka hor inta aan laga doodin bishan dhammaadkeeda, balse sida uu isku difaacayo aysan ahayn oo keliya inuu beeniyo arrintaas waase inuu la yimaado tallaabooyin cadcad oo la isku difaaci karo,” ayuu yiri Mahiga.”……. waad maqashaey…markaaa….Evidence cad la imow…………….Ama tuug ayaad tahey
ha kaa saarto!
shariif Airways habar dhaliweeyda alleyleh ku waalatay tuug la qabtay talo malahan cadawga umada somaliyeed waa adiga iyo abdi wali iyo shariif sakiiin dhamaantiin umada allah ha idin dhaafiyo by by by
Qiiq ayuu Shariifka isku qarinayaa.
Ninkaan Shariifka sheeganayaa wuxuu rabaa in uu naga dhaadhacsiiyo in UN-ta iyo Monitoring Group ay yihiin dad xun oo qawlaysato ah laakiin asagu uu yahay sheikh soo daahiray. Allow Alle. Waxaan leenahay haddii aan nahay shacabka soomaaliyeed falaar gilgilasho kaagama harto adeer ee is daahiri haddii aan run sheegayso……………haatu buranaaka, insha allah!
Dooda iyo isdifaacu ma ahan UN-ta iyo group-yadeedu in ay xalaal ama xaraan yihiin…taas waa maalin kale doodeedu.
sheekh shariif deynta waagii casmara aad qaadatey ma aadan hayn wax shaqo qaran ah waa deeq reerkaadu ku siiyeen dowlada aad la joogteen ayaa damaanad qaadey waxa idinku baxaya anigu waa fahamayaa hbakaas waana mid aan horey u soo arkey dad raba iney dadkooda xoolaha qaranka u dhacaan oo misana yiraahda deyn baan uga qaadaney waxbuu dowlada u keeney adiga iyo shariif xasan gaas faroole waad ku fashilanteen ee mar danbe ha isi soo sharixina shacabku idin aamini mayaan, tusaale naagata uu qabo gaas diyaarada waxay ka dhigatey baabuurtii caasiga ee ukala gooshi jirey Hodan iyo Ceelgaab lacagtaas ma’adaa shaqeysatey jawaabtu waamaya gaas lacag mahaysan waagii farmaajo xamar keenayey isagaa qirtey maantana waad ujeedaan anagu dooni meyno daneysatayaal aa dacad ahayn soomaliyeey soo doorta dowlad cusub inta aysan kursiga ku fariisana halala xisaabtamo kuwaana maxakamada aduunka hala geeyo xoolahay dhacaceen debigeeda halagu qaado, waxay wax kasta uga yeelaan oo aan sharci ahayn waa aad sii joogtaan allaha naga qabto kuwaan dibna nooguma so cesho aamiin aamiin.
Salaan ka dib waxaan donayaa in dhamaan Shacabka somaliyeed ka fejignadaan Monitoring Group qoraalada waqtigaan soo qorayaan wayoo 20 sano kadib markii Heykalkii Dowladnimo saxansaxadiisii bilaabatay ayey donayaan in ay wadanka ku soo celiyaan Fowdadii si.ay markale iyaga maamulaan 20 baatan kale iyagoo raba in shaqsi u adeego iyaga . walalayaal dhamaan inta dareenka fog leh waxaan leeyahay intaan cagaheyna ku istageyo waa inaan sabarka badinaa ogaadana waxaa lashaqeyo Monitoring Group kooxo badan magacayo badan leh waana 1991 wixii ka danbeeyay hanti iyo magac ku yeeshay Fowdada
Naguma filna difaacida sh sharif u iska difacay warbixinta moniting Group marka waxan kula talin lahaa in u joojiyo loolanka dorashada qarena qabsada sharcigama hortagaa hadusan danbi lagu helina dib ugu so labta tartanka hadi u yeli wayo waxa imam doonta in u cawaqib xumu u kala kulma o ah in k dhaman la xanibo dhaqalihisa safaradisa danbiyo ka waa weyn kuwan o noqon kara in u gacan sar la leyahay ururka allshabab dhibato badam ayuna kala kulmaya hadu ku si madax adeego dhawaqa qaramada midobay thanks raxamreeb
Waxa aan Madaxweyne Shariif ku Dhiiri galin laha, in meeshiisi uu ka sii wato Ololha Madaxtinimadda iyo Sidi uu marlabaad Hogaanka u qabsan laha … Waayo waxa Caddaan ah, oo aan Shaki ku jirin, in aan la doonin Wax qabadka Muuqdo uu waliba Sh. Shariif Horseedka ka yahay … Runti Fadeexadan ayaan aheyn mid Waqtigan Xaadirka lagu Faa’iddi karayo, in Dhib hor leh ay nagaliso mooye … Waxa aan Dareensanahay in Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed inta Waxgaradka ah, in marnaba aan laga Saa’id Caleyn karin … Sidaasi darteed ayaa waxa dhici karta, kuwa Tuhunka iyo Fadeexadda Umadda soo dhax dhigay in aysan Waxba ka Faa’iddi kareynin … Waxa aan dhihi laha, xata haddi ay kuwaasi doonaan Qaxar iyo Mariidba ha noo Qaseen waa in Madaxweynaha lala garab galo sidi uu kuwaasi ula Dabaaqtami laha, waliba uga Guuleysan laha, kuwaasi oo aan Geedna ugu soo Gambanin, sidi marka kale Umadda Soomaaliyeed la’isaga Hor keeni laha … ! Wabillaahi towfiiq.
Haloogu daro sxb laakiin waa inuu soo celiyaa raga hada shaqeynaaya waa dkwlada c/weli cali gaas sababtoo ah qilaafku waa yaraa shariif sakiina haka shubo meesha
kkkkkk WUXUU YIRI, ANIGA AYAA DOWLADNIMADA(TUUGANIMADA) AAD U FAHANSAN,,waan u qirey inuu aad u fahansan yahey,, TUUG ilaa TUUG,
Hadda ayuu ku jiraa dembiiyada kala ah ” Ku takrifal Awood Xafiiseed iyo U isticmaalid Hantida Qaranka dantiisa gaarka ah”, waana laba qodob oo ku jira Xeerka Ciqaabta Guud maxaa yeeley Kharajka maanta ku baxey Ololahaan oo ka kooban Ciidamada iyo Madaxdooda oo maanta aan u shaqeynin Qaranka, Gaadiidka la isticmaaley, Warbaahinta iyo Kharajka ku baxey Dadka halkaas isugu yimid iyo dharka loo iibiyey. Xoolahaas dhan wuxuu maanta u Isticmaaley Dantiisa Gaarka ah.
Haddii Ruux aqoon darro haysata uu jiro waa Isaga iyo Kooxdiisa oo aan kala garaneynin waxii Qaranka leeyahay iyo Xoolahooda, marka Qolada uu caynaayo maanta iney ku darsan doonaan dembiyada uu maanta keliyaa ka galeen isaga iyo Kooxdiisa iyo Ciidnka Taliyeyaashooda, Wasiirada iyo Mr Tarzan, waxey Hantida Qaranka u isticmaaleen dano gaar ah.
Shariif iyo inta lugu eedeeyay waxunsadeen waaacqull. Laakiin maanta ma joogno waqti aan dhagaysamo monitering group. Inta soo qoreen intay wadanka ka xadeen ayaa ja badan. Marka waxaan oran lahaa kuwa isku magacaabay moniteting group Fuck you,.. X
wan idin salamay dhaman inta wanagsan iyo inta xun khasatan inta xun o ugu horeyo webkan raxanreeb.com oo cawa wuxu yahay is cadeyay iyo kuwa wax ma garatada ah ee dacayadii gaalada u nugul waxan u maleynaya in eydan garaneynina raga horu marka idin diidan doqona waa tan cadawgeda aan kaseynin ee cadawgina garta somalaay. webka waxan ku heysta sawiradii xaflada sababta uu usoo qaadan wayay wanaga qofka lama qariye xumantisa baa la qariya ee intaad iska deysan qabyalada sawirada xaflada c/wali lo qabanaya waad soo saaridontane kuwana iska soo saara
ASC dhamaantiin walaalayaal, qaasataan Raxanreeb media. Thank you Garowe boy iyo John iyo Somaliland, sida aad u fahanteen shiqoolka so called “monitoring group”. Waa tuugo naga faa’iideeystay oo waxa eey ka dhaceen Somali xisaab malahan, haba ugu darnaato in qaranimadeenii eey isbaaro u dhigtaan. Marka walaalayaal Somaliyeey, fahma dabinka eey nala rabaan monitoring group, oo ah in eey madaxda Somaliyeed ee had joogo sida Madaxweyne Shariif iyo Prime Minister gaas oo runtii si ixtiraam ku jiro iskula soo shaqeeyay, wax badana u qabsoomeen, waxyaabo badana u dhiman yihiin in eey sumcada uga ciyaaraan madaxdeena ayeey rabaan ee saas u ogaada.
Laakiin, aan idin taageerno maxumee, adinkana waxaa loo baahan yahay in laga fogaado in dadka loo soo shaqo tago, intii loo shaqeeyn lahaa. Kow, diyaarad iska raac iyo hotelo la seexdo waa in la joojiyaa. Labo, budgetka waa in la balance gareeyaa, yacni, waxa dadka soomaliyeed laga qaado, iyo waxii saaxiibada Somaliyeed magaca Somaliyeed wax looga soo qaadaa, waa in si cad oo waliba website dowlada lagu soo qoraa Radio Mogadisho. Sadex, waa in xildhibaanada, wasiirada, prime ministerka, iyo waliba Madaxweynaha eey lacag la’aan ugu shaqeeyaan dadka Somaliyeed next five years, tani waa in sharuud laga dhigaa xilka dowlada qofkii raba in uu qabto, waxii adminstration iyo daruuri ah bas waa in laga bixiyaa. Afar, waa in ciidamada xooga, booliska, iyo nabadsugida ahmiyada koowaad la siiyaa, oo mushaarkooda joota u helaan. Shan, waa in ciidankaan inta furin dagaal ku jira maahanee, inta kale, eey wadanka jidadkiisa, xafiisyada dowlada dhisaan, sideed saac maalintii, inta eey hada xeryaha isaga jiraan. Intaan oo shey hadii lasameeyo, natiijo fican ayaan helaynaa muda gaaban waliba. Thank you.
Un. Horta noo sheegtay in eey tuugo yihiin raga xukunka hayee taas waan ku ogayn somali daahir ahna kursigaan inoo soo maro nasiib uma aanan yeelan hada ka hor tuugada nada ayaana nooga fiican adinka iyo shisheeye oo dhan mida kale waa adinka leh raga dowlada hor booda ayaa magaca dowlada wax ku cunee adinku sooo magaca somaliya malayiin kuma aadnan cunin yaa idin la xisaabtamaya ujeedka dhan waxaa waaye yaan hormar la gaarin shabaabna wadanka looga saarin anigu dowlad kama tirsani lakiin lacagta ragaan lagu haysto is difaaca hadii la yiri alshabaab yaa wadanka looga saaray alqaacidadii ayaana lagu gumaaday halkaas ayey ku baxday maraykanku wuxuu sheegay in ina cayrow 3.4milyon uga baxday dilkiisii salax nabhaana 4.5milyon marka dowladana dilkii cabdala fazuul 8.9milyon ayaa uga baxday waana lacagta aad dadka ku eedaynaydaan
Ha Is oran CIDu kuma arkeesee aqalo Jeexo,,,,?!!!!! Tuugada Laba Sharif a Wali gaas faroole iyo maxakamada heeg jecliyaa jabkaas
Sheikh Shariifow mahiiga adig muu ku xushmeeyo, maadaama aad tahay iimaam-kiisii. Muxuu tuug kuu dhahayaa waa adigii tujinahayey Programkii music-ga badnaa ee janaasada aad kumagacowdeen ee cabdulaahi yusuf. waxay ahayd in uu ku xushmeeyo waayo musiga kabacdi waa idinkii wada khashuucsanaa ciddii aad ukhashuucdeen idinkaa iga yaqaane.
madaxweyne Shariif Sheikh Ahmed asagaa cadowga Somalia ah.
Monitoring Group tuuga ma aha cadowna kuma aha Somalia.
http://www.bbc.co.uk/news/world-africa-18882674
Shariif wadani ma aha.Monitoring group-na waa dad dano kale ka leh soomaaliya.Haddii ay run sheegayaan M.Group maxay uga sheekayn waayeen wixii la mid ahaa waxa ay hadda ka hadlayaan ee horay u dhici jirey?Maxay ayana uga hadli waayeen nimanka u shaqeeya UN-ka ee lacagaha badan ku qaata magaca soomaaliya iyo soomaaliba?
Ku.Jaalle Wiil Gedo.
Saaxiib maxaad ula yaabaysaa Shariifyo?Soo ma aha wixii ay adiga kaa barteen?
Masee waxaad leedahay waa laga baray laga badi?
Lana soco in uusan dagaal jirin ee meeshaan lagu kala rayi qaato.Waana Ramadaan ee iska jir meesha.
Nin daad qaadey xumbo cuskey…………fiisabiililaahi for mony, fiisabiililahi for power…..hooba naargalaasee tiimboo……..