Madaxweyne Shariif oo Maanta Kulan La Qaatay Odayaasha Beelaha Digil iyo Mirifle
Muqdisho (RBC) Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle ee ka qeybgalaya kulanka odayaasha ee ka socda magaalada Muqdisho.
Kulanka madaxweynaha ayaa qeyb ka ah kulamo xiriir ah oo beryahan Sheekh Shariif la yeelanayo odayaasha beelaha kala duwan ee ku sugan madasha shirka kuwaasoo looga gol leeyahay in odayaasha looga dhaadhiciyo ka gudbida caqabada ay soo wajahday dastuurka qabyada iyo inay deg deg u soo xulaan ergada ansixinta dastuurka oo ay odayaashu dhowaan diideen.
Mid ka mid ah malaaqyada beelaha Digil iyo Mirifle oo kulankii maanta ka qeybgalay ayaa Raxanreeb u sheegay in madaxweynuhu uu hadal u jeediyey odayaasha isagoo ka codsaday inay dhakhso u diiwaangeliyaan ergada laga sugayo inay uga qeybgasho ansixinta dastuurka, wuxuuna madaxweynuhu tilmaamay in waqtiga u harsan waqtiga meelmarinta dastuurka ay aad u yar tahay sidaa darteedna laga rabo odayaasha beelaha oo dhaninay ergooyinkooda keenaan.
Sida uu noo xaqiijiyey, Malaaqan ka tirsan odayaashii kulanka maanta goobjooga u ahaa wuxuu madaxweynuhu u sheegay in odayaasha aysan hawshooda ahayn ansixinta dastuurka hase yeeshee ay leeyihiin talo soo jeedin, isagoo u sheegay in wixii dhaliilo ah ee ku jira dastuurka ay qoraal ku soo cadeeyaan si loogu bandhigo shirka ergada ansixinta dastuurka ee fariisanaya Muqdisho.
Qaar ka mid ah odayaasha kulanmka ka hadashay ayaa sheegay inay bilaabi doonaan wadatashiyo ay beelahooda la yeelanayaan iyagoo cadeeyay inaysan diidaneyn dastuurka laakiin waxaa aad loogu celceliyey khaladaad aan la aqbali karin oo ku jira dastuurka, sida ay xaqiijiyeen oday dhaqameedka ka qeybgalay kulanka.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in madaxweyne Shariif uu kulan la qaato odayaasha beelaha Dir, Daarood iyo Beesha Shanaad si uu ugala hadlo arimaha keenista ergooyinka dastuurka oo illaa hadda beel keentay aaney jirin.
Madaxweyne Shariif ayaa shalay gelinkii dambe kulan la qaatay odayaasha Hawiye iyadoo dood aad u adag ay dhexmartay madaxweynaha iyo odayaasha ooka wada hadlay keenista ergada dastuuriga oo ay ku xireen shuruud ah in qodobada ay diidan yihiin ee ku jira dastuurka laga saaro.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












sheekh waa in laga reebaa oo shariif sh axmed loogu yeeraa mar haduu wixii mahiiga rabo uu odayada ku khasbayo cadaalad ma wado ee isgaa kursiga isla raba inuu helina allaahu aclam yaa yiraahda shalay inuu kuu danbeeyo ma fiicna ee hadaba ha horboodin waxaadan ogeyn hadaad kursiga weydo soo beri adiga meel aad istaagto weyn meysid oo shacabkii denb kamaadan gelin war hooy ka joog.
Waa istaahilaaye mar kale ha la doorto Sheekh Shariif.
Dadka qaarkii aamuskey ku qurux badanyihiin