Madaxweyne Shariif Oo Maanta Markale Booqday Afgooye


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqasho aan la shaacin waxa uu ku tagay Dagmada Afgooye ee gobolka Shabeelha hoose halkaas, oo ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM.

Madaxweynaha, waxa uu ku wehliyay xubno wasiirro ah iyo saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxana markii uu tagay kulan la qaatay odayaasha degmada , kuwaasoo dhawaanahan ka cabanayay ciidamada oo halkaas ka geestay dhibaatooyin waa weyn oo ay ka mid yihiin dhac iyo kufsi joogt ah, taasoo madaxweynaha loo gudbiyay.

Ugu horeyn waxa saxaafadda la hadlay Abaanduulaha ciidamada Sooomaaliya, General Cabdikariin Yuusuf Dhagabadan oo sheegay, in wax badan laga qaban doono cabshada ay soo jeediyeen reer Afgooye,, waxana uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan in ay wax uga qaban doonaan.

Waxa kaloo goobta ka hadlay Taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliya General Cabdulqaadir Cali Diini oo isna sheegay in taliska ciidamada ay wax ka qaban doonaan arrinta lagu eedeeyay kooxaha la bisan dharka ciidamada. , waxa uu meesha ka sheegay in ay qabteyn dhowr qof, kuwaasoo hadda lagu xiray xabsi ku yaala magaalada.

Sidoo kale, waxa goobta ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda KMG Cabdi Samad Macallin Maxamuud ayaa sheegay si looga hortago dhibaatooyinka ka dhanka ah bulshada ku nool Afgooye, uu soo jeedinaayo in qabaa’illada dega magaalada ay keenaan 50 oday dhaqameed oo noqonaya golaha deegaanka ee Afgooye, isla markaana dooran doona maamulka degmada.

Wasiirada ka hadlay goobta waxa ka mid ah wasiirka garsoorka, Axmed Xasan Gaboobe “Ugaas Bile” ayaa sheegay in arrinta cabashada dowladda ay wax ka qaban doonto, laakin loo baahan shacabka ku dhaqan magaalada in la shaqeeyaann dowladda, si looga hortago kooxaha dhibka geesanaya.

Ugu dambeen, waxa ka hadlay goobta madaxweynahadowladda KMG ah, Shariif Sheekh Axmed , waxa uu ugu horeyn u sheegay in dowladiisa ay ka raali galineyso shacabka Afgooye, wixii loo geestay, mardambana aysan soo laaban doonin.

Waa markii seddaxaad ee uu madaxweyne Shariif booqdo Afgooye, tan iyo markii laga saaray Al-Shabaab deegannadaas, ammaanka madaxweynaha ayaa loo adkeeyay, saxaafaddana, inta kulanka uu socday banaanka ay joogeyn.

RBC Radio
========================

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

Leave a Reply