Madaxweyne Shariif Oo Maanta Si Rasmi Ah U Shaacin Doono In Uu Yahay Musharax
Muqdisho (RBC) Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay RBC Radio ayaa sheegaya in saacadaha soo socoda madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu ku dhawaaqi doono in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya markale.
Madaxweyne Shariif ayaa arrinta kaga dhawaaqi doona Hottel City Palasa oo ku yaala Magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu wado in ay ka soo qeybgalaan taageerayaasha Madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif horey ayuu u sheegay in uu mar labaad isku soo taagi doono xilka madaxweynaha marka ay dhamaato xiliga KMG ah oo ku eg 20-ka August ee sannadkan.
Magaalooyinka Nairobi iyo Dubai ayaa isagoo la kulmaya jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool halkaas, waxa uu ka codsaday in cod iyo maalba ay ku taageeran doorashadiisa, si uu dalka uga bixiyo marxalada adag ee uu maanta marayo.
Madaxweyne Shariif waxa uu taageero xooggan ka heestaa beesha caalamka iyo dalalka ciidamada howgalka AMISOM ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo doonaya in uu markale noqdo madaxweynaha Soomaaliya.
Si kastaba, waxa ay ku soo aadeysaa iyadoo hadda fadeexado waaweyn ay heesato madaxda dowladda, taas oo ah in ay lunsadeen lacago badan intii ay xafiiska hayeen, in ay naas-nuujin u sameeyeen hoggaamiye sare oo ka tirsan burcad-badeeda Soomaalida oo lagu Maxamed Cabdi Xassan “Afweyne”, kaa madaxweynaha uu u ogolaaday in la siiyo basaboor diplomaasi ah oo ku tagi karo dalka Malaysia bishii April.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ma ahan qof siyaasadda Soomaaliya galaangal u leh, waxa u si hal-haleel ah u soo galay sannadkii 2006-dii markaas oo uu noqday guddoomiyihiin maxkamadaha Islaamiga ee ka arriminjiray koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, kaddibna waxa uu ka mid noqday garabkii Asmara u baxsaday oo ay ku jireen xubno baarlamaanka Soomaaliya ka gadooday, dabadeena waxa uu madaxweyne ka noqday dowladii lagu sameeyay dalka Jabuuti sannadkii 2009 bishii January markii uu kaga guuleestay wareegii ugu dambeeyay Maslax Maxamed Siyaad Bare.
Dadka yaqaana Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, waxa ay lee yihiin waa qof daacad oo doonaya in dalka Soomaaliya uu xasilo, laakin siyaasado badan ayaa ku xeendaaban, kuwaas oo lugooyo iyo hagal-daacid ku wada madaxweynaha.
Muxuu Qabtay intii uu awooda hayay.
Waxa ugu waaweyn wax-yaabaha u qabtay Shariif in Shabaab laga saaro caasimada iyo gobalo kale oo ay ku sugnaayeen, in ciidamo badan dowladda loogu soo tabbobaray dalalka dariska ah, iyo isbadal ka dhashay Muqdisho oo madaxda caalamka ku soo dhiiran karaan in magaalada ay yimaadaan.
RBC Radio
————————
Xafiiska Wararka Muqdisho













[...] See original article: Madaxweyne Shariif Oo Maanta Si Rasmi Ah U Shaacin Doono In Uu Yahay Musharax [...]
Hadeer ayaa musuqmaasuq laguu heestaa, marka ma lacag kale ayaa loo baahday in meelo kale lagu xaseesto. Ninyahow hadaad illaahay taqaan umada dhinac uga leexo oo meesha ha yimaadeen dad umada iyo dalka wax u qabanaya.
Madaxweyne Shariif wuu muteystay in uu mar kale Madaxweyne noqdo sababtoo ah waxa uu ku guuleeystay dhismaha ciidamada qalabka sida oo muhiim u ah jiritaanka dowladnimo.wuxuu kale uu ku guuleystay in dadkii daganaa uu ka saaro dhismayaashii dowlada deetana wasaaradihii badankood dib u dhis lagu sameeyo,marka laga soo tago caasimada somaliya oo kooxdii al shabaab laga nadiifiyey wuxuu ku guuleeystay isku xirka ciidamada dowlada ee gobolada ka dagaalamaaya iyo maamulkiisa,waxa uu ku guuleeystay soo nooleeynta wadanimo ee umada soomaaliyeed ee mudada dheer lagu hayey qeybi oo xukunka wuxuuna ka dhigay umada ey ka go’an tahay in ey dowlad iyo nabad hesho.wuxuu kale ee uu soo celiyey sharafkii madaxweyne soomaaliyeed lahaa kolka uu tago wadan kale oo waa aragnaa sida heerka sare ah ee loo soo dhaweyo,waxaan qabaa hadii madaxweyne shariif dib mar kale loo doorto isaguna dowlada maanta jirta ee uu hogaansho DR C/wali uu soo celiyo in somaliya dagi doonto 4 sano ee uu madaxweynaha sii ahaanayo.Nidaamaka maanta somaliya ka dhisan uma baahna in lakala daadiyo ee wuxuu u baahan yahay in la sii kabo oo wixii ka dhiman lagu daro,kuwa dibadaha ka yimid ee la burursan madaxweyne i dhaha waxaan oran lahaa dowlada xilal badan ayaa ka banaan ee kuwaas qabta hadii aad dooneeysaan in aad dadkiina samata bixintiisa ka qeyb qaadatiin.
shariif tuug wax ku dooran doono ma jiro danbiile ayaad tahay cunua qabateen ayaa lagu soo ridayaa lagatii aan dhacday meel ku sheeg
tuug la qabtay talo maleh..sheekh shariif ma tihid ee shaydaan baa tahay ee dadka ka hor dhaqaaq
war waa Shariif maskiin 4sano ma ahe wuxuu istaahilaa 8san0 00 hor leh waana muteystay………….
waa waxl laga xishoodo in la yiraahdo shariif wax buu qabtay,waxaan aamin sanahay inuu yahay madaxwaynihii u xumaa ee dal yeesho sababtoo ah maaha nin wadani ah ,leh dareen dawladnimo fahansan waxa uu yahay kursiga uu fadhiyo markaa ma qabo inuu istaahilo inuu soo noqdo markii horena kursiga waa lagu fadhiisiyey.intii uu joogayna waxa uu kujiray tamashlayn iyo lacag urursi.alshabaabna waxa ka saaray amison,markaa waxa creditka leh amison.isagu balcad uu u dhashay ayuu gaadhi waayey.
Salaan, dhamaantiin, Saaxiib warfaa, adiga camal sida aad u fikireeysid waa waxa meesha naga dhigay, Madaxweyne Shariif oo walaalkaa Somali ah intaad credit u diido ayaad waxaad creditkaas u ogashahay Amison iyo ajaanibta ciidankooda dalkeena joogaan. Nin kaga roon maantay Shiq Shariif in uu na hogaamiyo Somali walaahi in aan laga dhex heleeyn. Thanks, Somali,sida aad sheegtay waaye, maantay habar kasta waxeey ku leedahay Madaxweeyne Somaliyeed ayaan rabaa in aan noqdo, qaarna Madaxweeyne Maamul goboleed labaatan ka badan ayeey sameeyeen, kuwani qaarkooda xataa garaabada eey cunaan ma gadan karaan, markaaseey ku leeyihiin Madaxweyne Somaliyeed ayaan rabaa in aan noqday, war isku xishooda, oo hadaad wax heysaan, boqolaal hab ayaa umada loogu adeegi karaa, ee maad sheegtaan, shaqo kale inteey idinku adkaatay helitaankeeda, ayaad waxaa is dhahdaan, Madaxweyne Somaliyeed helidiisa ayaa ka fudud, lol, walaahi, waa yaab. Qaarkood kuwaan raba in eey dadka hogaamiyaan, tobankii sano ee lasoo dhaafay waxaa laga yaabaa in eeysan shaqeeyn, lol. Cajiib.