Mahiga: Daacadnimo Hadaan u Hadlo Odayaasha Dhaqanka Way Ku Fashilmeen Shaqadii Loo Diray


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga oo maanta hadal u jeediyey odayaasha dhaqanka ee ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa ku dhaliilay odayaasha inay ku fashilmeen hawshii loo diray iyagoo mudo kabadan labo bilood fadhiyey magaalada Muqdisho.

“Odayaasha waxaan u dirsanay inay soo qoraan liiska 135 oday iyo liiska ergooyinka ka qeybgalaya shirka dastuuriga laakiin haddii aan si DAACADNIMO ah idiinla hadlo odauyaashu way ku fashilmeen shaqadooda” ayuu yiri Mahiga oo hadal u jeedinayay odayaasha dhaqanka.

Mahiga wuxuu sheegay in hadda lagajoogo labo bilood iyo bar markii odayaasha la isugu keenay magaalada Muqdisho isla markaana waajibkii saarnaa aysan gudanin, sida uu sheegay.

Augustine Mahiga ayaa kulankan maanta uu ka khudbeeyay ka shaaciyey in tirada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya la kordhiyey lana gaarsiiyay 275 xildhibaan kadib markii uu codsi ka yimid odayaasha dhaqanka.

“Waxaad iga codsateen in tirada baarlamaanka cusub oo ajhayud 225 laga dhigo 275, waxaana idiin xaqiijinayaa in codsigaasi la aqbalay” ayuu yiri Auguistine Mahiga.

Raysul wasaare Gaas oo digay

Dhankiisa raysul wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo isaguna kulanka hadal ka jeediyey ayaa ka digay in haddii odayaasha iuyo ergada ay ku guuleysan waayaan meelmarinta dastuurka qabyada ah in dalku uu geli doono jahwareer dastuuri ah, ayna adkaan doonto in la sameeyo dawlad rasmi ah mudada kalaguurka kadib.

Raysul wasaaruhu wuxuu odayaasha markale ka dalbaday inay soo dedejiyaan tirada ka dhiman liiska ergooyinka ka qeybgali lahaa shirka shirka ansixinta dastuurka oo iilaa hadda qabyo ah, isla markaana beelaha qaarkood aysan keensan wax ergo ah.

Waxaa maanta markii saddexaad baaqday shirkii ansixinta dastuurka oo lagu waday inuu Muqdisho ka furmo taasoo xukuumaddana ay ku sifeysay sababo xagga farsamada ah.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Share

Tags:

14 Responses for “Mahiga: Daacadnimo Hadaan u Hadlo Odayaasha Dhaqanka Way Ku Fashilmeen Shaqadii Loo Diray”

  1. Sama_Kataliye says:

    War waxaan aad u malaysid in uu yahay chief Batolocci-gii Talyaniga iyo Ingiriska u fadhin jiray Cadan, Yemen wuxuu is tahilaa in afka kab looga dhifto walahi. Maanta buu is cadeeyey marka uu yiri aniga waajib kaygii waan ka soobaxay oo PMs-kii waan kordhiyay———wow waa cajiib. Meeqa sanno baan lahaa war wadankan Soomaali uma taliso ee waxaa u taliya wakiilka UN-ta…………..Soomaali waa bunla tanla ee hadee yaa dhag jalaq ii siiyey.

    Ninkaan wajiga bararan wuxuu islahaa odayaasha u fuuti oo u yeel 275 ay codsadeen hadda ka hor ayagana ha kuu fuutiyeen oo ha kuu soo gudbiyeen 825 qowlaysato. 825 taan waxaa lagu dhihi lahaa dastuurku sheega vote HAA iyo MAYA ah boo looqaadayaa dastuurka 50 + 1 baana lagu gudbin doonaa motion-kaas………….Allow Alle. Ninkii qowlaysatada ka mid ah oo wax isdiidsiiya afka baa subag loo marinlahaa markaas buu, yes man isku badalihaa instantaneously!!

    Allow odayaasha wadanka noogu caymi nana badbaadi…………Amiin.

  2. daljirka says:

    xoolo xoolo wateen
    war waxa qurunkaa maxay odayasha kala dooneen.
    Asagaa fashilmay oo maradii ka dhacdaye. Tuuga madaxa galdigsigaa leh.

  3. FARATELO says:

    ASCaleykum, Tiro baarlamaan lagaama rabee ee Dastuurkaan Somaliya lagu iibsanyo hanagala tago wuxuu is leeyahay ku sasabo odayaasha 275 laakiin waxeey ila tahay socon mayso Allaah SWT waxaan ka baryayaa qiyaanada aay wataan Maygaag iyo guruubkiisa inuu naga qabto Somaliyana badbaadiyo aamiin. Waa aakhiro samaan dad wadankoodii kala boobaya subxaanalaah Alloow dal nabada iyo dad caafimaad qaba sc.

  4. Axmed yare says:

    Way istaahilaan in sidaas loola hadlo. Odayaasha horuu u sahan saday, haduu dadnimo Iyo garasho saa ulama hadleen, oo ma yiraahdeen. Waad fashilanteen Iyo tiradii barlamanka waan idiom kordhiyay. Somaliya ILLAH bay leedahay

  5. cawaale says:

    dabcan waa doqon liita, fashil iyo sumcad xumo asagay haysataa ninka UNka matla ooshacabka soomaaliyeed gobeen sawirkiisa in uuyahay ha ogaado, sumcadiii UNkana wuuku cayaaray tii african wuu ku cayaaray xitaa mayaqaan sida loo lahadlo dadka madaxdaa waa ,,IDIOT,, siyasaada iyo diplpmasiyada xitaa oomabilawna lakin odayaasha waxuu mooday 2 shariif iyo cabi wali oo damiirkii gatay mar hore dantoodana karaacday danta qaranka odayaasha waxaa saaran masuuliyad qaran well done job

  6. Wiil Waayeel says:

    Waxaa wanaagsan in la is waydiiyo MAHIIGA waa kuma? Xaqiiqda haddaad rabtaan Madaxwaynaha maamula Soomaaliya waa isaga go’aanada isagaa qaata, Haddaan wegia muufahaas talaado laga qaadin wallee war kale qarsoon ayuu soo wadaa.

  7. waaya arag says:

    jawaab.to daljir iyo same. sxb mawaxaad DR mahiga ku dhaliillasan in uu odayasha u sheegay in ay ku fashilmeen shaqadii loodiray, dr mahiga warkiisa waa cad yahay waa in laga baxo ku meelgaarka oo ah waxa la haray somalia goverment. cidii arin kaas ka soo harjeedana, waa reero isbaaro, bililiqo, boob kufsi, mooryaan ,tuugo,dad waxaa jira dagan xamar guryo aanay lahayn oo ka baqaya hadii dowlad lahelo in laga saarayo guryaha dadka. marka waxay caadasteen in ay kahor yimaadaan ama dhaliilan waxkasta oo horimar ah.

  8. sax somali saas ayaa ku fiican in loola dhaqmo saa dad isku diin ah oo isku isir ah oo isku qabiil ah oo isku midab ah oo hadana kala carar ah waa wax mucjiso ah bal masar eeg waa muslimiin kal madhab ah gaalo faraacina ah iyo kuwo aaban diin haysan hadana waa dad iswata oo wadankooda iyo midnimadiisa ka hormariya wax kasta

  9. faysaleey says:

    doofaar goomahaan, waxaa loo soodiray inuu wixii lagu heheshiiyo uu UNka u sheegee,maxaa kaquseeya masiirka umada, waxaan layaabay somalida gabi ay yihiin waa ina gumeed ina gumeed dhalay waana dad gumaysi kufiican abid kood, ayaka kaliyahaa isku xoog badan,markii umad kale arkaana caloosha ayey iska soo ridayaan…sidaas darteed mawaadikana inaad uxoog badnaatid ajaanibkana aad dhulka isdhigtid soo duli nimo maahan…

  10. halgamaa says:

    mahadaa kuugu hor ah FAYSALOW,waxaan kuu sheegayaa inaan somaliyi waxaba isu ogolayn
    laakiin wali wadii sax da ahayd ayaa lagaleexinayaa OO MAR WALIBA dad aan ahal u ahayn ayaa masiirka umada loo dhiibayaa,,dabo dhilif tuug ah, damiir laawana ah,qabiilna kuganbanaya ayaa naqaribay …1991—-hada wado dhuxuleed ayaa nalakuwadaa ,,,kenyaanka cawaantaaha 2008 markay iscunayeen waa tii lamo maalmood lagu xaliyey.somaliyana 22 ayaa laiska bado wareejinayaa.WAXA NALAKUHAYSTAA KALIYA WAA islaanimada ogaada intaas

  11. cawaale says:

    sida loola hadlo xitaa mayaqaan dadka diplomaciyadna iskaba daa, sida loo labisto xitaa mayaqaan, asagaa fashimay oo sawirkiisa lagobay sumcad xummana usooo jiiday UNka waaqufliita ookaqaawan dadnimo iyo moral labadaba, orad hadd caqli leedahay tanania gee somaalia soomali baa leh

  12. xirsi says:

    Waa runtiise nimankani waxba tari maayaan, waxay isugu jiraan kuwo gacan ku rimis ah oo been abuur ah, oo qabqablayaal dagaal ah iyo kuwa reer baadiya ah oo sida laba qabiil mag loogu kala qaado iyo xeer qabiil yaqaan, waxba siyaasad iyo wadan dhan masiirkii kama qaban karaan.

    Waxa xasuus mudan in Maxamed siyaad Barre gebigoodaba baabi,iyey markuu ogaaday inaanay la jaan qaadi karin siyaasada casriga ah.

  13. Reqre says:

    Waa mooryaan odayaasha

  14. Nugaal says:

    Aare ku odayaasha sheeganaya ha la xiro oo ha laga soo hunqaaciyo xoolihii ay cuneeeeen bahaluhu. Maaha dad wax tar u leh ummadda.

Leave a Reply