Mahiga: Eedeynta Loo Jeediyey Madaxda DKMG Beenin Kaliya Kuma Filnaan Doonto ee Cadeyn Waa Inay Keenaan


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Nairobi (RBC) Wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya Danjire Augustine Mahiga ayaa maanta sheegay in madaxda DKMG ah looga baahan yahay inay iska soo cadeeyaan eedeymaha loo jeediyey ee ku jiray warbixintii ay soo saareen kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobay ee loo yaqaano Monitoring Group. Akhri warbixinta

“Kuma filnaan doonto loo kaliya inay iska beeniyaan ee waa inay keenaan cadeymo xoog leh oo ay isku difaaci karaan” ayuu yiri danjire Mahiga oo la hadlay idaacadda BBC maanta.

Wuxuu sheegay inuu arkasy eedeymaha ku jira warbixinta ka kooban 198 bog ee ay faafiyeen kooxda Monitoring Group oo ah koox madax bannaan oo Qaramada Midoobay u qaabilsan raadraaca xadgudubyada cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Eedeynta Madaxweynaha

Mahiga oo la weydiiyey in warbixinta guddiga ay ku jirto eedeyn xoogan oo ka dhan ah madaxweyne Shariif taasoo tilmaameysa in madaxweynuhu xiriir la leeyahay hogaamiyaal burcad badeed ah qaarkoodna uu siiyey baasaboorada diblomaasiga.

“Waa arin welwel leh, waxaana madaxweynaha laga rabaa inuu iska difaaco oo daliil cadna uu ku dhiso difaaciisa, haddii kale waxay noqoneysaa in Golaha Amaanka loo gudbiyo” ayuu yiri Danjire Mahiga.

Waqtiga eedeynta iyo doorashada

Danjire Mahiga wuxuu sheegay in isaga laftiisa uu ka welwelay eedeymaha culus ee ka dhanka ah madaxda DKMG Soomaaliya kuwaasoo lagu soo beegay waqtigan doorashada ay soo dhowdahay isla markaana madaxda laftooda ay hadda sharaxan yihiin.

“Waa taas mida anaga lafteena walwalka nagu beertay, laakiin waxaa jira dad kale oo isa soo sharaxi doona” ayuu yiri Augustine Mahiga.

Hadalka ergeyga Qaramada Midoobay ayaa soo baxay iyadoo masuuliyiinta ugu sareysa dawlada KMG Soomaaliya ay dhex dabaalanayaan eedeymo harqiyey xafiisyadooda taasoo ka dambeysay warbixin fadeexad ah oo ay siidaayeen kooxda Monitoring Group oo shaaca ka qaaday kiisas musuq iyo wax isdabamarin ah oo ka dhacay xafiisyada ugu sareeya ee dawlada.

Illaa hadda waxaa eedeymaha ka jawaabay iskana beeniyey raysul wasaarihii Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, &  raysul wasaare C/weli  Gaas oo ku jira ragga la eedeeyay, halka madaxweyne Shariif, Shariif Xasan, iyo C/raxmaan Faroole aysan weli ka jawaabin eedeymaha loo jeediyey.

Dhanka kale Maalinta Khamiista ee berito oo ku beegan 19-ka July ayaa lagu wadaa in warbixinta eedeynta ah ee ka dhanka ah madaxda DKMG Soomaaliya la hordhigo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay si ay go’aan uga gaaraan aakhirka bishan July.

RBC Radio

Share

Tags:

11 Responses for “Mahiga: Eedeynta Loo Jeediyey Madaxda DKMG Beenin Kaliya Kuma Filnaan Doonto ee Cadeyn Waa Inay Keenaan”

  1. coon abdi says:

    Markii ay jaaniska lahaayeen iyagaa iska kaa celin waayey ee sidaad rabtid ka yeel. Waligaaba markaan ayaa si macquul ah u hadashay.

  2. [...] Read More: Mahiga: Eedeynta Loo Jeediyey Madaxda DKMG Beenin Kaliya Kuma Filnaan Doonto ee Cadeyn Waa Inay Keen… [...]

  3. qarandhise says:

    waa runtaa mr. mahiga waa inuu shariif is cadeeyaa intii kale oo lacag xadayna is cadeeyaan hadii kale maxkamad hala soo taago kuligood including farmaajo oo iska dhigaaya nin nadiif ah

  4. hershi says:

    Khibro darro iyo aqoon xumo waa tan haysata madaxda Soomaaliy. Dadweynha cid aan calooshiisa ku haynin in lacagtaas faraha badan oo magaca soomaali ku baxayso ay soomaliya soo galaysay, dad badana gaajo ay u dhinteen kuwo kalena jiro iyo umul raacasho ku imaanaysay dumarka.
    Yay nagu soo noqonin

  5. daacad says:

    mahiiga waligiiis maaanta ayuu hadal fiican dhahay oon ku farxay tuugadaan dowlada madaxda u ah meesha ha dhaafaan hadii kale hala xiro waa danbiilayaal tuuugo ag

  6. Real sanaaglander says:

    ” cadayn baa loo baahan yahay ay ku beeninayaan warbixinta.”
    I agreed with mahiga. I strongly believe in that all the allegations were based on fact because this is an internationally reliable organization so we cannot take it lightly.

  7. afhayeenka cadaalada says:

    aniga ma qabobo aar ma suubin, kuama filno
    natus oo ummadda somaliyeed u xaqiiji,haddi aanad eed laheen

    war la uumba uumbeeyo weykac aa karoon

  8. Cadaado says:

    ASC, dhamaantiin. Who the heck does this idiot Mahiga thinks he is?, asaga iyo Mat Bryden oo madax ka ah gudigaan so called “monitoring group” waa dadka Somaliya ka faa’iideeystay oo walibaa cadow ku ah in eey Somaliya dambaska eey ku jjirtay labaatan sano iyo ka badan kasoo kacdo.
    Laakiin, one day, i tell you, my fellow Somali brothers and sister, one day, we shall overcome. Waana soo dhawaatay, maalinta aan Mahiga iyo alshabaab, iyo dadka cadowga nagu ah aan ka adkaano, waa soo dhawaatay, maalinta uu wiilka iyo gabarta Somaliyeed inteey sanka taagaan, eey dhahaan, we are proud. One day, a day that is fast approaching, insha’allah, ee walaalayaal, aan markale garab istaagno Shiiq Shariif, yes, we can, another five years for presiden Shariif in order to achieve our mission, a mission to rise from the ashes, and to rebuild our nation, one street, one city at a time, with the help of almighy God and friends like Turkey, yes, we can. Viva Somalia.

  9. Torobo says:

    Rag dheh mahiga ku dar qaswadayaasha ayagana wadankana adigu isu soo sharax kuna dhawaaq ololahaada waayo tuugadaan aad soo qabatay iyo adiga ayaa wadanku idinka dhexeeyay hada adiga mahiiga ah ahlu jago iyo muqayil caalim ayaa soo haray afartii kale ee been saxiixayaal tuugeey noqdayn marka wadanka wax kugu haysta ma jiraan sacadaan laga bilaabo ku dhawaaq musharaxnimadaada

  10. somalijecel says:

    kkk Mahiga adiga yaa ku baaraya laaluushka aad ka qaadatay qaar ka mid ah kuwan aad meesha ku hayso.Eedayamaha waa kala culus yihine Gaas marka hore hegue gee kuna xiji 2 shariif iyo armaajo ka dib faroole adigana ka daba tag.

  11. Abdi says:

    Annigu waxaan u fahmay hadalkiisaan inuu mar horeba nimankaan isagu dayriyey, ayna jiraan dad kale oo loo wado jaga, yacni markuu leeyahay way sharaxan yihiin madaxdu, waxaana jira dad kaloo isa soo sharixi doona, taasoo u muuqato inuu isagu ogyahay dad kale oo isa soo sharaxaya

Leave a Reply