Maradona Oo Laga Ceyriyay Al Wasl


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Maradona, macallinkii kooxda Al-Wasl, oo u dabaal dagaya kaddib markii ay kooxdiisa ka adkaatay kooxda Al Khor

Maradona, macallinkii kooxda Al-Wasl, oo u dabaal dagaya kaddib markii ay kooxdiisa ka adkaatay kooxda Al Khor

Dubai (RBC) Kabtankii hore ee kooxda qaranka Argentina oo ku guuleestay koobkii aduunka Diego Maradona, ayaa laga ceyriyay tabaraha kooxda kubadda cagta dalka isku tagga imaaradka carabta Al Wasl.

51-jirkan, oo ayaa heshiis labo sanno ah kula jiray kooxda Al Wasl tan iyo bishi May 2011,waxa lagu ceyriyay kullan dhemaray maamulka kooxda oo dhacay shaley oo Talaado ahayd.

” Kulan dhexmaray maamulka kooxda kubadda cagta Al Wasl oo ay ku jiraan madaxda farsamada iyo kuwa tababarka ayaa lagu go’aansaday in la ceyriyo tabbobare Diego Maradona,” sidaas waxa lagu yiri bayaan ka soo baxay kooxda.

Warar aan la shaacin ayaa sheegaya, in ceyrintiisa ay la xiriirto markii kooxdan maalmahan ay isku soo diiwangaliyeenn macallimiin dooneysa in ay qabtaan shaqada, waxaba la rabay in laga taqaluso bishii June ee la soo dhaafay, laakin kulamo socday ayaa dib loogu dhigay.

Waxa ay arrintan timid markii uu ka niyad jabay maamulaha kooxda Marwan bin Bayat oo taageero xooggan u hayay Maradona.

 Muxuu u qabtay kooxda intii uu joogay?

Al Wasl waxa ay ku guul dareesatay in wax koob ah ay ku guuleesto intii macallinka ka ahaan Maradona xilli ciyaareedkii hore, waxana ay kooxda kagashay horiyaalka dalka imaaradka oo ay ka qeybgaleen ilaa 12-koox kaallinta 8-aad.

 Sidoo kale waxa kaloo kooxda ay ku guul dareesatay ciyaartii kama dameesta ee Gulf Champions League oo ay la ciyaaren koox ka socotay dalka Bahrain oo lagu magacaabo Al Muharraq.

Waa qof noocee ah?

Maradona waxa uu hoggaaminaayay dalkiisa koobkii aduunkii sannadkii 1986 oo ka dhcay dalka Argentina, sidoo kale waxa uu xirfada tabbobaranimada ka soo qatay dalkiiisa iyo dallaka Talaayiniga iyo Spain.’

RBC Radio

———————

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

1 Response for “Maradona Oo Laga Ceyriyay Al Wasl”

  1. [...] Read More: Maradona Oo Laga Ceyriyay Al Wasl [...]

Leave a Reply