Mareykanka Oo Kenya Siinaya Diyaaradaha Drones-ka Si Ay Ugula Dagaalanto Al-Shabaab


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Wanshington (RBC) Wasaaradda Gaashandhiga Mareykanka ayaa qorsheeneysa in Kenya ay siisoo diyaaradaha Drones-ka oo ah kuwa aan lahayn duuliye, waana taageero cusub oo looga gol leeyahay in lagula dagaalamo al Qaeda iyo Al Shabaab oo ku sugan Soomaaliya.

Kenya waxa ay heli doontaa ilaa siddeed diyaaradaha loo yaqaan Raven drones, kuwaasoo gacan ka geysan doona in loo isticmaalo meelaha lagu beegsanaayo Al-Shabaab, sida laga soo xigtay dukuminti hordhac ah oo laga helay waaxda gaashandhiga ee Pentagon oo lagu qoray wargeyska The Wall Street Journal.

Diyaaradahan Ravens ma ahan kuwo loogu talagalay ciidanka, ee waxa loo adeegsan doonaa in lagu cadeeyo meelaha weerarada lagu qaadayo gaar ahaan ciidanka dhulka jooga ay caawin doonaan ama kuwa cirka.

The Pentagon-ka dukumintiga laga helay, ayaa sheegaya in tallaabadan ay tahay sidii loo caawin lahaa ciidanka Kenya oo hadda dagaalo ka wada koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo in ka badan sannad soo dhaafi la’a deegano ka tirsan gobalada Jubbooyinka oo ay ku dagaalamayaan Al-Shabaab.

Diyaaradaha Kenya la siinayo ee loo yaqaan The Ravens, waxa ay qeyb ka tahay miisaanid la siiyay ciidanka ku jira howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, kuwaasoo kala ah Kenya, Burundi, Djibouti iyo Uganda, waxana miisaaniyadaasi ay gaareysaa ilaa $41.4 million.

Diyaaradaha ‘The Raven’

Diyaaradahan nooca The Raven ayaa culeyskooda gaarayaan ilaa 4.2 pounds iyo garbahooda ay gaareysaa 4.5, waxaana horrey ciidanka Mareekanka ay u isticmaaleen dalka Afghanistan. Diyaaradaha waxa lagu farsameeyay California-gaar ahaan deeganka AeroVironment, waxa adeegsaday 18-wadan iyadoo laga iibiyay dalal caalamka ku yaala sida Italy, Denmark,  Netherlands, Spain, France, Norway, the Czech Republic, Thailand iyo Australia, sida ay sheegtay shirkada sameesay diyaaradahan.

Ciidamada Kenya oo haddaba adeegsada duqeymo ay la beegsadaan dhulka miyiga ee gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya, shacab badana ay ku dhinteen, ayaa haddii diyaaradahan la siiyo waxay keeni kartaa inay sii laba jibaaraan goobaha ay duqeynayaan taasoo ka dhalan doonto dhimashada shacab badan oo Soomaaliyeed iyo xoolo intaba.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

1 Response for “Mareykanka Oo Kenya Siinaya Diyaaradaha Drones-ka Si Ay Ugula Dagaalanto Al-Shabaab”

  1. Ahmed wadani says:

    Lax walba shililkay is dhigta lagu qalaa ayay somalidu tirahda shacabka dhibta soogaarta waxa iska leh dawlada somalida ma oran karno maraykan ama kenya iska leh maxa yelay xata kama aysan dhiidhiyin dhibatada umada sogaraysa, waxase layaaba haday umadi qayb ay qaxiyaan iyo qayb ay duqeeyaan kadhigeen ma laangarayaasha soharay Xukumayan.

Leave a Reply