Mareykanka oo Saraakiil Eritrea, Kenya Iyo Suudaan u Dhashay oo La Shaqeeya Al-Shabaab Ku soo Rogay Xayiraado Cusub (Warbixin)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Washington (RBC) Xukuumadda Washington ayaa maanta oo Khamiis ah shaaca ka qaaday in lix nin oo u dhashay wadamada Eritrea, Kenya iyo Suudaan lagu sooo rogay xayiraado dhanka safarka iyo hantida ah kadib markii lagu eedeeyay in lixdaasi nin ay taakulo iyo garabsiinba u ahaayeen ururka Al-Shabaab ee dagaalka kula jira DKMG Soomaaliya.

Lixda nin ayaa labo ka mid ah yihiin Eritrean, waxaana ku jira rag saraakiil sare ah oo ka tirsan militariga wadanka Eritrea kuwaasoo xiriir dhow iyo wadashaqeyn la leh ururka Al-Shabaab sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay waaxda maaliyada ee wadanka Mareykanka.

Magacyada saraakiisha Eritrea

1) Col. Tewolde Habte Negash-  Waa sarkaal ka tirsan waaxda sirdoonka ee dawlada Eritrea, wuxuuna qaabilsan yahay caawinta dhanka sirta dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, Waxaana sarkaalkan haeshaasi uu waday tan iyo 2004 isagoo ka mid ahaa saraakiisha Eritrea ee u xilsaarnaa taakuleynta ururkii Maxkamadaha Islaamiga ee Soomaaliya ka talinayey 2005 illaa 2006.

Col. Negash waxaa uu sidoo kale xukuumadda Eritrea u xilsaartay inuu dhanka loojidtikada iyo dhanka hubka ka caawiyo Al-Shabaab.

2) Col. Taeme Abraham Goitom- Waa sarkaal ka tirsan militariga wadanka Eritrea, isagu wuxuu si gaar ah ula shaqeyn jiray ururka Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya ee lagu dhisay Eritrea.  Wuxuuna ahaa masuulka ugu sareeya ee u dhexeeya dawlada Eritrea iyo hogaanka Isbahaysiga Dib u Xoreynta oo ay ka mid ahaayeen madaxda DKMG ah ee hadda qaarkood.

3) Suhayl Salim Abd-El-Rahman- Waa sarkaal dhalashadiisu tahay Suudaan, laakiin mudo ku noolaan jiray dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho waxaana lagu magacaabaa magac kale oo ah “abuu Faaris“.  Waaxda maaliyada Mareykanka waxay ninkan ku sheegtay inuu si gaar ah u fududeyn jiray xubnaha ajaaniibta ee rabta inay ku biiraan Al-Shabaab marka ay soo galayaan Soomaaliya.

4) Aboud Rogo Mohammed- Waa wadaad heysta dhalashada Kenya.  Waxaa la sheegay inuu qeyb weyn ka qaatay dhalinyaro badan oo dibadaha iyo wadamada deriska laga soo ururiyey si ay ugu biiraan Al-Shabaabka Soomaaliya.

5) Omar Awadh Omar - Wax  tafaasiil ah lagama bixin dhalashadiisa iyo waxa uu qaban jiray laakiin waxay waaxda maaliyada Mareykanka sheegtay in ninkan lagu xiray wadanka Uganda kadib markii ay dheceen qaraxyadii Kampala ee July 2010.

6) Abubaker Shariff Ahmed- Isaguna lama cadeyn dhalashadiisa laakiin waxaa lagu tilmaamay xubnaha muhimka ee kaalinta ku leh dagaalyahanada cusub ee Al-Shabaab ay ka soo qortaan bannaanka.

Dawlada Mareykanka waxay sheegtay in xubnaha kyu jira liiska laga xayiray inay safaro ku tagaan adduunka, inay lacago dhigtaan ama ku yeeshaan bangiyada Mareykanka iyo Yurub iyo inay wax macaamil maaliyadeed ah la sameeyaan hay’ado iyo shakhsiyaad Mareykan ah.

Xayiraadaha noocan oo kale ayaa inta badan la saaraa dadka lagu eedeynayo arimaha kooxaha loo yaqaano argagixisada, waxaana xayiraadahaasi, ka sokow Mareykanka ay ka fulayaan wadamada xiriirka la leh ama danaha ay kala dhexeeyaan Mareykanka sida Yurub, Carabta iyo Afrika.

Waa markii ugu horeysay oo liis dad ajnabi ah ay ku jiraan shaaca laga qaado oo lagu eedeeeyo inay qeyb ku leeyihiin colaada Soomaaliya.  Mareykanka ayaa bishii hore soo saaray liis ay ku jiraan 7 xubnood oo ka tirsan madaxda ururka Al-Shabaab kuwaasoo la duldhigay lacag dhan guud ahaan $33 milyan doolar oo la siinayo cidii soo sheegta meesha ay joogaan ama gacan ka geysata in la dilo.

 

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags: ,

1 Response for “Mareykanka oo Saraakiil Eritrea, Kenya Iyo Suudaan u Dhashay oo La Shaqeeya Al-Shabaab Ku soo Rogay Xayiraado Cusub (Warbixin)”

  1. XAQ-SHEEG says:

    ACWW:Maraykanku siyaasadiisu waxaa ay u eg tahay sidii qof waalan oo iska hadlaaya marka waxba uma sheegi karo dunida maraykan isagaa u baahan in laga qabto dunida argagixisona isagaa ugu horeeya.
    Qof kii siyaasadda maraykan ka diidaa canbaareeyaa ama ankee ka hadlaa in uu dilay masaakiin waa argagaxiso marka waqtigoodii waa dhamaaday.Illahay ha dumiyo hana burburiyo maraykan dunida dhib aan ahayn maraykan ma lahan

Leave a Reply