Mareykanka Oo Soo Dhaweeyay Shirka Dastuurka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Wanshinton (RBC) Dowladda Mareekanka ayaa soo dhaweysay shirka ergada ansixineysa dastuurka cusub ee Soomaaliya, oo shaley ka furmay magaalada Muqdisho,

War qoraal ah oo ay soo saartay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda dowladda Mareekanka Victoria Nuland, oo saxaafadda loogu talagalay ayaa lagu sheegay in shirka maalintii labaad ka socda Muqdisho, uu yahay mid dhabaha u xaaraya in Soomaaliya ay ka baxdo xiliga KMG ah marka laga gaaro 20-August ee sannadkan.

Warka qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in shirkan oo socon doono muddo sagaal maalin, ergada ka qeybgaleysana ay dib u eegis ku sameen doonaan qabyo qoraalka dastuurka, kaas oo hirgali doona marka afti dadweyne uu helo.

Warka waxa uu intaas ku darayaa in dowladda Mareekanka ay dhiirigalin doonto,siddii looga bixi lahaa KMG ah, loona gudbi lahaa dowlad rasmi ah oo ka dhalata Soomaaliya, taas oo leh nidaam la isku raacsan, isla markaana lala xisaabtami karo.

Victoria Nuland ayaa sheegtay in qabyo qoraalka dastuurka uu noqon doono kii rasmiga ah ee lagu dhaqi lahaa dalka.

Si kastaba, Dastuurka cusub ayaa waxa uu ku saleysan yahay nidaamka federalka ah, waxaana uu xaq u siinayaa haweenka Soomaaliyeed inay qeyb 30% ku yeeshaan baarlamaanka.

Soomaaliya dowlad dhexe oo adag ma aanay lahayn tan iyo 1991-dii markii la riday dowladdii militeriga, qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya waxa hadda gacanta ku haya Al-Shabaab oo dowladda hadda ku kacsan, taasina waxa aanay suurtagal ka dhigeyn in dooraashooyin guud dalka oo dhan laga qabto.

Dastuurka la doonayo in loo sameeyo Soomaaliya, waxa uu odayaasha iyo bulshada ku dhaqan Soomaaliya ka dhex abuuray, walaac, kuwaas oo sheegaya in ay ku jiraan wax yaabo badal u baahan, oo ay ka mid tahay in caasimada Muqdisho dastuurkan ku jirin, madaxda dowladda iyo beesha caalamka oo dhaqaalaha ugu badan bixnaya waxa ay lee yihiin dastuurkan waa mid kumeel gaar ah, isla markaana la badali karo.

RBC Radio

————————–

Xafiiska Wararka Nairobi

Share

Tags:

Leave a Reply