Mark Boden oo Muqdisho Shir Jaraa’id Ku Qabtay
Dowlow (RBC) Kaddib markii uu ka yimid magaalada Dowlow ee ku taala xadka Soomaaliya ay la wadaagto Ethiopia, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho isuduwaha howlaha bini’aadinimada QM u qaabilsan Soomaaliya Mark Bowden , waxa uu sheegay in cabsi ballaaran oo muujineysa in markale abaar ay ka dhacdo Soomaaliya aysan jirin, balse wali loo baahan in la kordhiyo gargaarka la siinaayo Soomaaliya.
Mark Bowden wakiilo kale oo ka socda QM ayaa shaley booqday degmada Dowlow oo ay marin u tahay qoxootiga Soomaalida ee ka cararaya colaada iyo abaaraha ka jira dalka.
Mr. Bowden ayaa sheegay in uu sidoo kale dhawaan tagay gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, iyo magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso oo Puntland ah halkaas oo uu ku soo arkay dad ka hayaamay guryahooda.
Mr. Bowden ayaa la sheegayaa in maanta kulamo kula leh magaalada Dowlow masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah Soomaaliya oo ku sugan gobalka Gedo.
Waxa uu sheegay in ay ka cabsi qabaan in markale ay soo laabto abaartii sannad ka hor ku dhufatay Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Si kastaba, dhawaan ayaa warbixin ay soo saartay hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ka badan hal milyan oo qof oo Soomaali ah ay ka barakaceen dalka, kuwaas oo galay waddamada deriska ah.
Warbixinta UNHCR ayaa lagu sheegay in toddobaadkii hore la ogaaday in ay Soomaaliya colaada iyo abaarta wali kasocda ay ka hayaameen ilaa hal milyan oo qof, kuwaasoo intooda badan galay dalalka Kenya iyo Ethiopia, waana markii ugu horreysay oo tiro intaa la eg la diiwaan-geliyo tan iyo sanadkii 1991.
Afhayeenka UNHCR, Adrian Edwards ayaa saxaafadda ugu sheegay magaalada Geneva in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatada kaga bixi karaan iyagoo hela nabad iyo xasillooni, wuxuuna tilmaamay in ay beesha caalamka mas’uuliyad ka saaran tahay taageeridda Soomaalida.
Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay
Warbixinta UNHCR ayaa lagu sheegay in 6-dii bilood ee ugu horreysay sanadkan ay 30,000 oo qaxooti cusub ah oo Soomaali ah laga diiwaan-geliyey xeryaha dalalka gobolka qaarkood. Sanadkii hore oo ay dhaceen abaarihii ugu darnaa waxaa guryahooda ka barakacay in ka badan 137,000 oo Soomaali ah, halka sanadka oo dhan 2011 laga diiwan-geliyey xeryaha 294,000 oo qaxooti ah.
RBC Radio
—————————-
Xafiiska Wararka Nairobi












[...] Original post: Mark Bowden Oo Booqasho Ku Jooga Gedo [...]
ninkaan mark bowden la dhaho waa nimanka ka mushahar qaada dhiigshiil xaaskiisana waa reer hargeisa ninkaan waxaa uu goob walba ka sheekeeyaa taariikhda iyo horumarka snm asagoo an qadarineyn qaranimada somalia, ninkaan waxaa uu balan ku maray in uu hargeisa ka gooyo somalia inteeda kale,ninkaan meeshaad ku aragtaan ku shiida.
cali darwiish ma ku dhaaran kartaa ?
mahiga inu qabo ma ku dhaaran karta?
somalidu waa dhegmaal waagacusub ba
la soo akhrisanayaa beenti ba la sii faafinayaa
haday runtay waaba la garan laha laakiin been caadiya
oo hablo somaliyeed laga beeen sheegayo subxaan