Markab Wada Shixnad Gargaar iyo Qalabta Dhismaha Oo ay Ku Deeqday Dowlada Turkiga Oo Ku Soo Jeeda Soomaaliya
Muqdisho (RBC Radio) Markab Wada Shixnado gar gaar ah iyo qalab qayb ka ah in lagu qabto mashaariicda dowlada Turkiga ay horay ugu balan qaaday Soomaaliya ayaa ayaa wuxuu ka doo anbabay wadanka Turkiga asagoona ku soo jeeda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Deeqdani oo ka kooban Makiinado iyo Gawaari tiradooda gaareyso ilaa 72 oo isugu jira Makiinadaha lagu sameeyo wadooyinka, Baabuurta qaada qashinka, Makiinada wax lagu qodo, ayadoo sidoo kale gawaarida saran markabkani isugu jiraan gawaarida iska roga ah, booyado, kuwa shamiintada qasa iyo kuwa wadooyinka lagu nadiifiyo.
Waxaa Sidoo kale shixnadda saaran markabkani ka mid ahaa raashin isugu jira Bur iyo Sokor oo midkiiba gaaraya ilaa iyo 2000 oo Tan, oo loogu talagalay dadka soomaaliyeed ee Liita.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mohamed Mursal oo uu Wehiyo Xoghaya Koowaad ee safaaradda Aabduqaadir Maxamed Nur ayaa waxaa ka dhawaajiyay in Deeqdani ay wax weyn ka tari doonto horumarinta caasimadda Dalka Soomaaiya ee Muqdisho.
Waxaana uu sidoo kale mahad gaar ah u jeediyay Heyadda Bisha Cas Maamulka Gobalka Mersin TIKA iyo Maamulka Istanbul ee Turkiga oo deeqdani soo ururiyay suurta geliyayna in la gaarsiiyo walaalahood Soomaaliyeed.
Dowlada Turkiga ayaa horay waxay u balan qaaday in ay mashaariic badan ay ka fulinaysi Soomaaliya, taasi oo ay mid ahayn in ay dhisayso wadooyinka qaar ee Muqdisho oo Bur bursan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho











[...] Read More: Markab Wada Shixnad Gar Gaar Ah iyo Qalabta Dhismaha Oo ay Ku Deeqday Dowlada Turkiga Oo Ku Soojeeda… [...]
[...] Read More: Markab Wada Shixnad Gargaar iyo Qalabta Dhismaha Oo ay Ku Deeqday Dowlada Turkiga Oo Ku Soo Jeeda So… [...]
War yaakhey yaa Turkey wax u sheega qalabka uu soo wado inta uu san dakada Muqdishu soo gaarin ayaa mooryaan kala qaadan doontaa……………..haddii shariif afgaduud, shariif sakiin, iyo gaas ay wax walba musuqmaasuqeen ma waxaan ka sugayaa in ay qalab casriya oo qayma leh badbaadshaan……walaahi baana ka sugayn taas.
wixii mucawino uu turkiga horey ugu keenay
suuqyada ayay horey ka geeyeenhadana dad baa
sugi la waxuu so wado maafiyo ayaa u tashatey
masakiinta xeryaha waxii la siiyo looga dhacayo
af gaduud oo laga qaban iyo sakiin wadankaas
daawo loo heli maayo
a s c turkiga aad buu u jecelyahay reer muqdisho mar walbo hoo iyo hiibo uu lagarabtaaganyahay waad ku mahadsantahay walaalaha turkiga sida aad wax ugu qabatay soomaalida gaar ahaan reer muqdisho
sama kataliye iyo xaragoow yaan tuulo waqti kaaga lumin ee casimada imoow afrika waa hal magaalo walidkeena waxeey ukala hormareen sideey xamar ukala horyimadeene cuqdada iska saar rag waa diriraa waana heshiiyaaye
waxii aan dhihi lahaay waxaa yiri wiil muqdisho garaasiyo si xun wax u sheeg iyo xarago jawaabtiina waa leeydin siiyaya kkkkkkkkkkkk
WIIL MUQDISHO LABADAAS ISKA DHAAF ISKUMA KALSOONO OO MIUQDISHO WAA KA BAQAAYAAL EE YEYNA INOO IMAAN MEESHIINO ABOOR HA IDIKU CUNO WAA LABO XAASID XOOGA HA BEELAAN, QALBIGA AYEY KA JIRAN YIHIIN….. QALBIGA HA KA MADOOBAADAANEE