Marwada Raysal Wasaare Gaas: Waxaan U Taaganahay Olole Kasta oo Dib Loogu Soo Celinayo Qowmiyadii Soomaaliyeed (Dhageyso+Sawiro)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Drs Hodan Ciise oo Muqdisho ugu warantay Shabakada Raxanreeb

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Muqdisho (RBC Radio) Marwada Raysal Wasaaraha Soomaaliya Marwo Hodan Siciid Ciise  ayaa waraysi gaar ah oo ay siisay Shabakada Wararka RAXANREEB.COM maanta ku siisay magaalada Muqdisho waxay kaga hadashay xaalada uu wadanka marayo iyo waliba arimo kale oo ay ka mid tahay doorashada madaxtinimada ee dalka.

Drs Hodan Ciise ayaa waxay sheegtay in haatan xaalada wadanka ay tahay mid wanaagsan isla markaana wadanka oo dhan laga dareemayo isbadal iyo waliba jawi nabadeed oo dadka ku dhaliyey hami siyaasadeed iyo saansaan damac leh.

“Isbadalka hadda muuqda waxaan u arkaa nabad iyo naruuro, iyo Soomaaliya oo ififaalo cusub u bilaabanayo Soomaaliya oo ah mid wanaagsan oo iswalaalaysi ah” ayay tiri marwada Raysal wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay in ay taageersan tahay isbadal walba oo ka dhaca wadanka isla markaana loo baahan yahay in laga hortago wax kasta oo qaran dumis ah, oo ay qabyaaladu ka mid tahay.

Waxan waydiinay marwada Raysal wasaaraha wadanka Soomaaliya waxa laga filan karo Soomaaliya wixii ka dambeeya bisha Augusto ee soo socota maadaama markaasi loo gudbayo dowlada rasmi ah isla maraana laga baxayo xilliga Ku-meel gaarka ee hadda Dawladu ku shaqeyso.

Waxay sheegtay in ay Rajaynayso in ay aragto wadanka oo nabad ah, oo ay fursado helaan carruurta haatan ku dhibaateysan gudaha wadanka, sidoo kalana ardayda Soomaaliyeed ee wadanka wax u baranaya ay wax u qabtaan wadanka.

Drs Hodan iyo aragtideeda musharixiinta faraha badan

“Qofkii ILAAHAY u qoro in ay madaxweyne noqoto ayaa xilka ku guuleysanaysa, laakiin waxaan rajaynaynaa in ay soo baxo qof wadani ah oo wax u qabta carruurta iyo haweenka Soomaaliyeed” ayay tiri marwo Hodan Ciise.

Drs Hodan, mar aanu wax ka waydiinay raysal wasaaraha Soomaaliya ee xilligaan C/Weli Maxamed Cali Gaas oo la sheegay in uu yahay Musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Soomaaliya isla markaana iyada [Hodan] ay qayb ka tahay Ololaha loo sameynayo saygeeda, ayay ka gaabsatay in ay faah faahin badan ka bixiso arimahaasi.

Ugu Danbayntii Waxay sheegtay Hodan Ciise,  in ay u taagan tahay olole kasta oo dib loogu soo celinayo qowmiyadii Soomaaliyeed.

“Anigu waxaan u taaganahay olole kasta oo dib loogu soo celinayo qowmiyadii Soomaaliyeed” ayey tiri Drs Hodan oo la hadlaysay Raxanreeb.

DHAGEYSO WAREYSIGA DRS HODAN CIISE

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

24 Responses for “Marwada Raysal Wasaare Gaas: Waxaan U Taaganahay Olole Kasta oo Dib Loogu Soo Celinayo Qowmiyadii Soomaaliyeed (Dhageyso+Sawiro)”

  1. Somalilander says:

    Aad bey uu mahadsantahay Marwo Hodan Ciise. “Waxaan uu taaganahay soo celinta qowmiyadii Somaliyeed” hadalkaas ayaa inoo baxaa haddanu reer Somaliland nahay. Midnimaada Somalia waa Muqadiis iyo hadalaada raqiiska ah ineey afkeeda kaa dhowrto.

    Dadka Somaliyeed waxaay uu omaan yihiin in sharaftoodi iyo sinjiyaada Somali so celiyaan iyo wada shaqeyn buuxdo min Djibouti ilaa Garrisa. viva Hodan ciise

  2. Sama_Kataliye says:

    Anigu eedo Hodan Ciise waxaan kula talin lahaa Soomaalidu majecla nin iyo naagti oo olole siyaasadeed kuwadda jira marka waxaan dhihi lahaa maryaha hayska wasaqayn wakaa adaygaagii laleeyahay xoogaagii sadaqadda ahaa oo loogu talagalay haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed buu cunay oo lunsaday!!

    ……………….taasi waa iga talo.

  3. [...] View original post here: Marwada Raysal Wasaare Gaas: Waxaan U Taaganahay Olole Kasta oo Dib Loogu Soo Celinayo Qowmiyadii So… [...]

  4. mad mullah says:

    THis goes to you Sama – Kataliye. Afka qurmey subso Abdiwali Ali gaas wa niin dacaad aah xoolo muslin na macunin.

  5. hogol says:

    kkk somalinimo kulaha oo marka xoolaha shacabka la labo cantuugaysanay somalinimadu ma xirkay ku laalnayd somalidu dooni mayso dadkaan musuq-maasuqu ragaadiyay wana kasoo daalnay taas

  6. prof Piccolo says:

    Marwo Hodan aad baan ugu hanbalyeen waxaan kulyahey mooryaanta guryaha halga saaro sida ugu dhaqsaha badan xamar oo noqotey meel bahalo galeen ah oo lagu diley dad ka badan ilaa 20 ruux oo ka yimaadeen qurbaha oo laguwada diley maalkooda iney ka saartaan guryaha iyo beeraha xooga looga heysto Muqdishow waa meel bahalo galeen ah iska jira naftaada haku halaagin ee aad meesha aad u dhaltey aad mooryaan ayaa ilaashaneysa dadka dibada ka yimaad oo guryaha ku soo noqoneysaa

  7. idman says:

    Sama-Kataliye
    Walaal xaashaa Lilaahi nin asagu abuuray GUDI musuqmaasuqa dabagala ma cunyo xoolo dadweyne ee taas anagaa Raisal Wasaaraha ka xaal marinay! Marwo hodan jir oo joog Maansha Allah waa marwo soomaalinimadeedu sareyso! OO walaal maxaad ugu diiday haddi gabadhu kaalinteeda dalaal qaadato, ma kuwa dumarka aan waxba u ogolayn baa tahay, cajiib. Ma og tahay intii aad ku qeybsaneydeen welina ku qeysantihiin raggina badankiis hagardaamada dalka iyo dadka in dumarku nolol iyo nafba u ahaayeen welina u yihiin dadka iyo dalka!
    @ Kan la baxay HOGOL walaal adka suubso siyaasadana fahan ogoowna Professor Abdiweli xashaalilaahi xalaal weeye noo dadaalay dad iyo dalba waxa afkaaga ka soo baxayna adaa Aakhiro laguu soo taagine bal meel gee!

  8. Amina says:

    Ragiina halkan wax ku soo qorayoow bal yaan laga tegin xeerkii aynu lahaan jirney.siiba waxan la hadlayaa nimankaan reer Khaatumo,markii hore Ragaad wax ka sheegi jirteen had ma waxa xaalmarayaa in Gabdhihiina laga xishoon waayo. Alow Rag badan oo Cali Dhuux oo kala noo dhali.

  9. Jawaabe says:

    Qurun ,kataliye weli waxaad moodaa inaad dabooleyso wixii dadka hantidooda cuney adeer c/weli lacagdoon maaha ee waa soomaalidoon dadka meesha boobay waa la yaqaan waxaana la cadeyndoonaa waqtigeeda ninkaan wuxuu naftiisa u hurey soomaaliya welina utaagan yahay marka waxa dadka caaya waa duli aqoontu ku yar tahay hodan ciise waa gabar soomaaliyeed waxayna ka mid tahay aqoonyahanada soomaaliyeed ninkeeday la ololaynaysaa kuwa leh macnaha wadinimadaa ka maqan rag iyo dumar waxaa masuul inaga saaranyanay wadan kii moodaa in qof kaliya ay masuul tahay waa maangaab

  10. Puntlander says:

    MAD MULLAH
    Cabdiwali waa nin daacad ah waryaahee maqabiilkii xumaa ayaad kutaageereysaa Hadii ay qabiil tahay anagaa kaagadhow iskadhaaf. Mida kale Waa run oo lacag dad soomaliyeed. Ayuu afka kuritay Xitaa qaraabadiisa waxba kamasiinin adigana dabadhilif aya utahay. Naagta qaylinaysana iska,aamus dhex guryahay dhowr Iyo tobanka fillooyin oo aad kadhisateen umada lacagahoodii aadoo kuraaxeeso

  11. Haad says:

    A/C

    Koleyba waan ogahay dad badan oo qabyaaladu dardartay ayagaa huh soo dhihine su’aalahaan ha la’iiga jawaabo?

    1, Islaantaan aan qaraabada nahay diintee u baneysay inay gurigeeda kasoo baxdo, codkeeda kor u qaado, rag ajnabi ah soo dhex gasho?

    2, Cabdiwali haduu nin wanaagsan yahay muxuu gabadhaan u lug’goynayaa muu meel fariiso yiraahdo?

    3, Kumannaanka Siyaasiyiinta ah ee Soomaaliyeed hal mid oo xaaskiisu hor ordayso arki mayside lamana arki jirine maxaa khaldan? Halkee wax iska daba marsanyihiin? Ma Cabdiwalibaa in la aamini waayo ka baqay Ileen fulay xanti ma moogee?

    4, Anigu yaabaye hadii ay Hodan qurux iminka sidaan isu jirabayso, maxay sameyn laheyd hadii ay noqoto First Lady? Inkastoo sida muuqata aysanba waligeed noqoneyn.
    Malaha har iyo habeynba way noo khudbayn laheyd Kkkk

    Hadaba Hooyada ma eedeynayo ee waxaa eeda iska leh Aabaha oo siduu ugu fashilmay siyaasada dalka tan qoyskana ugu fashilmay. Su’aasha ugu dambeysa,

    Nin maamulkii qoyska ku fashilmay mid Qaran ma lagu aamini karaa? Jawaabtan dad weynahaan ka sugayaa.

    Jj

  12. haxan says:

    Hadii aan la helin Cadeyn dhab ah oo xatooyo ma haboona in masuul la dhoho waa tuug, Cabdiwali waa biliadni laakiin wax hala hubsado oo isaga iyo raga kale si wanagsan haloo baro oo wax la hubo hala dhoho.

  13. basra says:

    @haad
    Haad geed waayoow nacasnimay kaa tahay inaad dadka inta aflagaadayso hadana tiraa hadaan hadlo dadkaa ii jawaabaya…kk. Waxaan ku idhi Diinta waxba kama taqaanide ha ku qaraaban! Diinta Islaamka ayaadee bay ku tidhi gabadha codkeedu waa cawro? Cawro wax ah qofkii wax xun ku hadla sida adiga oo kale. Ma adiga iyo kuwa aan diinta aqoon u lahayn magaca diintana ku qaraabta ee jecel dumarka inay gumeystaan miyaan nac nac been ah laga dhegaysaneynaa! Diinta islaamku dumarka way karaamaysa sida ragga loo yiri hadla baa iyagana loo yiri hadla! maxaa gabadhaa soomaliyeed ka reebay inay aqoonteeda ummadda uga faa’iidayso? maxaad ka taqaan diin!! ma og tahay gabdhihii asxaabtu inay xataa dagaalkii ka qayb qaateen!! Ma la socotaa in wada tashigii ka dhacay CAQABA 03:00 habeen ee NABIGEENA suuban SCW uu kula tashanayey asxaabta in gabdho ka mid ahaayee!! Maxaad diin ka taqaan waar isla yaab Casrul jaahiligii dhaliyey in diinta slaamku fido baad weli ku jirtaaye. Hodan wax walba oo wanaagsan bay ayada iyo odageeduba istaahilaan waayo labduba asluub, wanaag, iyo waxtar waxaan ahayn kamaanaa arag adigu waxtarkaagu waa inaad afkaas ka hadashaa oo raganimo ka raadisaa inaad mucaarad aan loo meel deyin iska tiraa….kkk

  14. hayaan says:

    anigu gaas horta waan jeclaa runti balse hada aad ayan uga niyad jabay malin dhawayd markuu farmaajo oo booskiisa uga kacay siyasada somaliyana kusoo daray uu eedeyay halka uu sharif xassan iyo sheikh shariif iyo raga hantidii dalka dhacay indhaha ka rogtay tallow ma cabsibaa u gaynaysa inuu saas yeello oo ninkii dad u xigay ee ay isku groupka ahayeen uu eedeyo mise wuxu uga cabsi ka qaba kursigiisa inuu ka qaado marlabaad calaa-kuli xaal dadku waa dad wada dhashay oo wiliba aniga ahaan ii siman waxan oran laha mr gaass cadowgaaga u xinniyo badnow waan ku taageeri donaa e

  15. NINA says:

    qofkii soomali si daacad u adeegayaaa uma baahna inuu is amaano shacabka soomaaliyeed waa smart hogaamiyahay daacadnimo ka arkaan iyagaa durbaanka u tumaya oo amaanaya soomaaliya wadani karisma leh bay u baahan tahay wixii kaloo dhami waa jug jug meeshaada joog iyo tush

  16. daacad says:

    aad bay umahadsantahay hodan ciise kuwo badan oorag sheeganaya ayayna ka caqli iyo garasho fogtahay waan qof daacad ay katahay in somliya dhisanto.
    ninka yiri waxan ahay sama kataliye walaal sama katalintu maaha inaad qof aflagaadeysid oo kudambaabtid cabdiwelina xoolo somaliyed macunin ee waa layaqaan ragga xoolihii dadka iyo dalka cunay ee isks aamus waxba kala garanmeyside.

    THANK YOU DRS HODAN ISSE.

  17. Runbadan says:

    War nimankaan UN-ka isku sheegaya ayagaaba tuuga ahe oo xoolaha Somalia loogu deeqo 22-kii sano ee burburku jiray kataajiraye yey wax kadhaadhicinayaan, Mida kale C/WALI GAAS wax cad kuma aysan sheegin waxayna dhaheen lacagtii qayb kamida ayuu shaqaalihiisa mushaar usiiyey oo maxaa dhiba oo kujira mashaqaalaa mushaar la’aan kushaqeeya. Ugu danbayntii dadkiinaan ninka gaalkaa warkiisa qiimaynaya qofkiina mas’uulka ah oo muslim ka ahna warkiisa qiima dilaya sidee doonaysaan inaad qoom sharaf leh kunoqotaan?!!!!!!!!!!!

  18. Fayood says:

    Waxaan ka yaabay qoraal walba oo ku saabsan qof reer Puntland ka soo jeeda maxaa xiiso uyeelay! Dumarkiibaaba hada ka baxsan la’ maryoolay! Intaa kadib, ninka lagu magacaabo Haad wuxuu na waydiiyey su’aalo raqiis ah oo ilmuhu ka jawaabi karaan; Hadaba su’aashaydu waxay tahay Haadow: Farmaajo waxaa lagu soo eedeeyey inuu lunsaday lacagtii Maatada Soomaaliyeed….Wali ma u aragtaa inuu yahay halyey Soomaaliyeed?

  19. joonii says:

    mad mullah gabadha maxa u cayesana allaha u acclaam ninkaan inuu wax cunaay koleeyba see wararka sheegayaan be wax u sheegtaay cayda iska ilaali mad mullah

  20. Amina says:

    @ joonii walaal MAD MULLAH waxba muu caayin Gabadha ee bal qoraalkiisa dib ugu noqda siday illa muuqato qof kale oo comment soo qoray buu lahadlayaa.

  21. qabqabsey says:

    dadkiina u difaacay Cabdiwali Gaas qabiil ahaan adeer isku xishooda.Cabdiwali iyo inta meesha ka talisa iyo intii hore u soo martayba waa niman u tafaxaytay siday waxoogaa lacaga uga samaynlaha yeen shicibka somaliyeed ee dulman.soo akhriya eedaymaha musuqmaasuq ee laga qoray taa waxa isaga u dheer in uu yahay nin qabyaalad qaawan ku socda.

  22. Punt lander says:

    Af Qoyana waa hadlaa Eyna waa ciyaa Same kataliye waad cidey Hodana afkaaga ka daa shedaan baa tahey dumarka wax looma dhimo hodana nafteedii bay kuu hurtey sidii Dr Abdi wali A Gas oo kale adna shilin bay Kaaga dhagan tahey runtii dr gaas waan la soo shaqeeyey wasaaradii lacagta mana filaayo nin ka dhawrsada xaqa umada nin kaga fiican wuu yar yahey AMA ma jiro baan isleeyahey waana inta Aan ka aqaan USA waan wada joogney aqoon ka sii balaaran baan u yeeshey Somalidu ayadaa ninkii bixin Lahaa lugaha heysta indho Qabiil uun bey leeyihiin waxaana u qarsoon Xasad Xin Iyo Quuri waa jeclow AMA necbow inshallah Dr gaas baan fileynaa in uu Rabigeen xukunka inoogu dhiibo waa haduu kheyr aduun Iyo akhiro inoogu jiro inshallah.

  23. Fadnura Ali Nur says:

    Hodan waa haweenay wax garad ah cilmi iyo kartiina dheer haween badan oo dunida ku nool kuwa ku cayaya ninkeeday garab taantahaay waa wax magarato , waxa jirta mahmah afaf badan lau sheeay oo ah ninksto fiican naag baa kka danbeeysa, marka Hodan waxan ku leeyahay ha ka gaabin ololha ninkaada waa guul Somali u soo hoyataye, Cabdi weli tuug ma ahan waa ceeb in la , wax iskula hara oo ka xishooda dhaqan xumada. hadi cabdiweli la doortan Soamli waa xorooday , oo xalalwday guul baan alle ka rajeynena

  24. KULMIS1 says:

    TO: Belo kataliye.
    Belakataliyoow Qofaad tahayba,waxaan kugula talinayaa inaad Ilaaliso Akhlaaqda Qoraalka ,kana fiirsato,waxaad ku hadlaayso,waloow waano aau abuurisi ka Horaaysaay?

Leave a Reply