Wariye C/qaadir Jiirow Sharma’arke Oo Maanta Lagu Aasay Muqdisho (Daawo Sawiro)
Muqdisho (RBC Radio) Alle ha u naxariistee waxaa magaaladda Muqdisho lagu aasay Marxuum C/qaadir Jiirow Sharmaarke oo xalay ku geeriyooday isbitaalka Banaadir ee magaaladda Muqdisho.
Marxuumka Geeriyooday oo ah agaasimihii hore ee Idaacada Horn Afrik ayaa wuxuu u geeriyooday xanuun dhanka caloosha ka haayay maalmihii ugu danbeeyay wuxuuna ku jiray Isbitalka Banaadir.
Alle ha u naxariistee Marxuumka ayaa waxaa Salaadda Janaasadda lagula dukaday masjid ku dhexyaala isbitaalka wayn ee Banaadir, waxaana ku dukaday dadweyne badan.

Ugu dambayntii ayaa marxuumka waxaa lagu aasay qabuuro ku yaala dhabarka danbe ee isbitalka madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa ka qaybgalay Suxufiyiin badan iyo qaybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaaliya.
Maxamed Abuukar Ma’da iyo Yaxye Cali Faarax oo labadooda haatan ka shaqeeya warbaahinta dowlada isla markaana ay horay is kula soo shaqeeyeen ayaa sheegay in marxuumka intii uu noolaa uu ahaa nin dadaal badan isla markaana ku dadaalayay in saxaafada Soomaaliya ay hormar samayso.
C/rashiid Cabdulle Abiikar Deyl oo ka mid ah Masuuliyiinta ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo maanta gacan ka geystay aaska Marxuumka ayaa wuxuu sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyay ay aad isla shaqaynayeen marxuum C/qaadir Jiinow isagoo sidoo kalena tacsi u diray guud ahaan wariyaasha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday C/qaadir Jiirow Sharmaarke.
Taariikhda C/qaadir Jiirow
Allah ha u naxariistee C/qaadir Jiirow Sharma’arke wuxuu ku dhashay degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan sanadkii 1955. Waxbarashiidiisii sare ka dib wuxuu ku biiray Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Isagoo mar dambana ka mid noqday wariyaashii Radio Muqdisho.
Mudaddii burburka Wariye C/qaadir Jiirow wuxuu ku noolaa magaalada Muqdisho oo uu kula noolaa qoyskiisa. Sanadkii 2009 ayaa loo magacaabay agaasimaha idaacaddii Horn Afrik xilkaasi oo uu hayey illaa 2010 markaasoo idaacadda ay la wareegeen kooxda Al-Shabaab.
Sanadkan 2012 horaantiisa ayaa loo magacaabay inuu agaasime ku xigeen maamul ka noqdo idaacadda Mustaqbal oo oo uu illaa hadda uu ka hawlkgalayey.
Marxuumka wuxuu ka tagay hal xaas iyo 10 carruur ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

















[...] View the original here: Marxuum C/qaadir Jiirow Sharmaarke Oo Lagu Aasay Muqdisho [...]
Inaa li laahi wa inaa raaji cuun. Nin aan aqaan maaheyn lakiin waxaan leeyahay Dadkii & ehehladii uu ka geeriyooday Samir & imaan alaha kasoiyo Aamiin
alaha unaxariisto saxafigaasi weyn inaalilaahi wa inaa ilayhi raajicuunj